Wuxuu sheegay inuu ku sugan yahay Xarunta Taliska ciidanka Xooga dalka Somaliyed guutada 10-aad ee Gobolka Hiiraan, isaga oo meesha ka saaray in ciidamada Itoobiya ay jirdileen.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in la soo dacweyn karo, diyaarna uu u yahay cid kasta oo soo dacweysa inuu garbaxo oo uu la hadlo.
"Aniga ma xirni, dacwo waa la igu soo eedeeyay nin dacwo baxaya baan ahayn, aniga wixii la ii qabo sharciga ayaa lagu kala baxayaa, aniga Itoobiyaan habeen iyo maalin midna ima xirin, aniga waxaan kaala hadlayaa Baladweyne, waxaan ku suganahay xerada guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka.” Ayuu yiri Korneel Kaariye oo la hadlay Goobjoog.
Sarkaalkaan ayaa xaqiijiyay arinta loo haysto ee lagu soo dacweystay inay tahay ruux lagu dilay Gobolka Hiiraan, balse wuxuu sheegay in sharciga lagu kala bixi doono.
Warbaahinta qaar ayaa shalay baahiyay in ciidamada Itoobiya ay xireen Sarkaalkaasi, sidoo kalena ay jirdil u geysteen.
Col. Kaariye oo beeniyay in ciidamada Itoobiya uu u xiran yahay
Col. Maxamed Kaariye Caraale oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda aaga Ceelbuur, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inay xireen ciidamada Itoobiya.