WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 31-KA MAAJO 2016-KA
Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa qorshuhu ahaa in shalay la soo saaro war murtiyeed ku saabsan qaabka loo fulinayo doorashooyinka dalka ka dhacaya Agosto iyo matalaada Gobolka Ban aadir ee Aqalka sare.
Warar ay sheegaya in Madaxda ay isku afgarteen in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare, hase ahaatee waxaa la isku hayaa tirada uu helayo iyo meelaha ay ka kala imaanay aan.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo horay u diidanaa in Gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqa lka sare ayaa hadda aqbalay, hase ahaatee waxaa ay shuruud ku xirayaan in xubnaha la siinayo ay iyaga ku lahaadaan xubin, maadaama ay tahay in lagu qeybsado 4.5
Sidoo waxaa wali la isku afgaran tirada rasmi ahaan u helayo Aqalka sare iyo in xubnaha Maamul goboleedyada ee tiro dheeraadka la siiyay in laga soo jaro.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gobolka Banaadir loo qoondeeyay in la siiyo lix xubin, balse waxaa kala cadeyn in lixdaas xubin ay tahay mid dheeraad ah oo lagu darayo 54 kuraas ee horay loo caddeeyay iyo in saddexdii kursi ee dheeraadka la siiyay Puntland iyo Somaliland la siiyo.
Aqalka sare ayaa horay loo qorsheeyay inuu ka koobnaado 54 xubin, oo ka kala imaanaya min 11 kuraas oo ka imaanaya Puntland iyo Somaliland, halka min 8 Xubin ay helayaan, Maamulada Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo dhismahooda uu wali socdo.
Madaxda Madasha wada tashiga Qaran oo xalay shir uga socdo Xarunta Madaxtooyada ayaa laga yaabaa inuu gaaro illaa saq dhexe, maadaama Madaxdu aysan wali isla meel dhigin Tirada rasmiga ah uu Aqalka sare ka helayo Gobolka Banaadir.
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha Wada-tashi ga Qaran, isla markaana laga soo saaro War murtiyeed qodobo dhowr ah ka kooban.
BANGIYADA KCB IYO CBA OO XARUMO KA FURANAYA SOOMAALIYA
Labada bangi ee ka mid ah 12ka bangi ee lacagaha laga amaahsado caalamka ayaa doo naya in ay laamo ku yeeshaan dalka Soomaaliya iyagoo codsiyo u soo gudbiya dowada Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Cali.
Guddoomiyaha bangiga dhex ee Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga Ganacsiga Kenya KCB iyo Bangiga Ganacsiga Africa (CBA) ay doonayaan in xarumo ka furtaan Soomaaliya inkastoo wadanku uu wajahayo labo sano oo aysan awood u lahayn in ay fasaxdo bangiyo cusub si ay u xasiliso habka dhaqaalaha iyo maaliyada dalka.
"Bangiyo kale oo khaliijka xarumo ku leh ayaa sidoo kale doonaya inay laamo ku ye eshaan,laakiin waxaan ka feejiganahay in bangi uu xarun ka furto kadibna lacago urursado oo ka dibna la waayo,”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha bangiga dhexe.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka howlgala illaa lix bangi kuwaasoo si caadi ah how lahooda ay u socdaan. Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay jimcihii aynu ka soo gud ubnay lacag dhan 2.5malyan oo dollar.
Inkastoo bangiga dhexe ee Soomaaliya uu haatan ka howlgalo dalka Soomaaliya ayaa hase ahaatee shillinka soomaaliga waxa uu noqday mid ku soo haray 1000 shillin waxaana haatan si xo og leh dalka ugaga shaqeeya lacagta dollarka Maraykanka.
DANJIRE JAMAAL BARROW IYO XUBNO KALE OO KULAN LA QAATAY SOOMAALIDA KU NOOL LIMPOPO
Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barrow iyo dublamaasiyiin ka tirsan Safaaradda oo dhawaanahan Kormeerayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sagaalka Gobol ee dalka Koonfur Afrika, ayaa waxay Booqasho ugu tageen Jaaliyadda Gobalka Limpopo, ku wasoo ay la qaatay kulammo Gaargaar ah oo ay Mas'uuliyiinta Safaarada ku xogwareesanayeen Soomaalida Deegaannadaas ku nool.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Limpopo, Daahir Hilowle Xasan, oo ka mid ahaa Qabanqaabiyayaashii Kulanka Safaaradda iyo Jaaliyadda, ayaa ugu Horreyn kusoo dha weeyay Danjiraha iyo Dublamaasiyiintii la socotay Gobalka Limpopo oo ay tiro badan oo Soomaali ah ay Deegaan iyo Ganacsiyo ku leeyihiin; Wuxuuna Sheegay in ay u baahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee Gobalka Limpopo in Xagga Sharciyada Koonfur Afrika laga Taageero iyo in ay Saf aaraddu u soo Dhaweyso Dukumintiyada ay uga baahan yihiin.
Kulanka, ayaa intuu socday waxaa aragtiyo iyo su'aalo ay u Qabeen Safaaradda Weydiiyay Xubnihii ka soo Qaybgalay, Waxayna ahaayeen Aragtiyadoodii kuwo Gabi ahaantood ku Saabsanaa in Mas'uuliyiinta Safaaradda ay xil weyn iska saaraan Xiriirka labada waddan si ay mawaadiniinta Soomaaliyeed u helaan Tixgalin sharciyada iyo Ganacsiga.
Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo kulankaan Mas'uuliyiinta Safaaradda iyo Jaaliyadda Soo maaliyeed khudbad ka jeediyay, kana jawaabay su'aalihii la weydiinayay ugana mahadceliyay Jaal iyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Limpopo soo Dhaweyntii ay u Sameeyeen, ayaa sheegay inay safaaraddu howlo badan horay u qabatay haddana ay Dadaallo ugu jirto sidii ay u ballaarin lahayd Hawla shaqo ee ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed u hayso loona gaarsiin lahaa gabi ahaan Afrikada Koonfureed, gaar ahaan Sagaalka Gobol ee Waddanka Koonfur Afrika. Wuxuuna Tilmaamay Haddii ay Jaaliyadda oo mid ah iyo Safaaradda isgarabsadaan ay wax badan ka qaban karaan cabashada xagga sharciga ee Koonfur Afrika.
Ugu dambeyntiina, Kulankaan kala Warqaadashada ahaa oo ay Safaaradda la sameynayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku kala sugan Sagaalka Gobol ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa noqona ya kii labaad oo ay safaaradu la yeelato Jaaliyadda bishan Dhexdeeda. Kulamadaan ayaa Sahli kara in laga Gudbo Caqabadaha xagga Sharciyada ah ee bulshada Soomaaliyeed ka haysta Waddanka Koonfur Afrika.
MADAXWEYNIHII HORE EE CHAD XUSEEN HABRE OO LAGU XUKUMAY XABSI DAA’IN
Madaxweynihii hore ee dalka Chad Huseen Habre ayaa maxkamad ku taal dalka Senegal wa xa ay ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii ay ku heshay dambi la xariira ku xadgudubka bani’a adanka.
Xaakimka ayaa sheegay in Habre lagu helay dambiyo la xiriira kufsi,addoonsi iyo amaro uu bixiyay oo lagu diley dad faro badan intii u dhexeysay1982 1990. Maxkamada Habre oo socotay mu ddo ku dhow sanad ayaa waxaa soo dhoweeyay qoysaska dad la sheegay inuu ka dambeeyay dhimashooda.
Waa markii ugu horeysay oo maxkamad ku taal dal Afrika ah oo ay taageereyso Midowga Afr ika oo ay ku xukunto hogaamiye hore oo Afrikaan ah.
Habre ayaa haysta muddo 15 maalmood ah in uu racfaan ku qaato, waxana intii ay dacwadi isii socotay ku marqaati furay sagaashan ruux. Intii ay socotay dacwada ayaa Habre waxa uu diidanaa sharcinimada maxkamada danbiyadiisa qaadeyso.
Madaxweynihii hore ee Chad ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha loo so ojeediyay ee ah inuu amray dilkaa dad gaaraya 40,000 oo ruux intii u dhexeysay 1982 1990. Habre ayaa lagu xirey dalka Senegal oo uu magangalyo weydiistay kadib markii inqilaab xukunka loogaga tuuray 2013.
Qoysaska dad lagu diley dalka Chad ayaa u ololeeyay in xukun la soo taago hogaamiyihii ho re ee Chad kadib markii la afgambiyay sanadkii 1990
DOWLADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY GARGAARKA TURKIGA EE SOOMAALIYA.
Dowladda Turkiga oo horaantii bishaan shaacisay inay Soomaaliya geyneyso gargaar kala duwan ayaa markabkii siday waxa uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, waxaana halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda bisha Cas ee Turkiga ay ka hadleen shixnadaha uu sido mar kabkaasi.
Munaasabad ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho ayna ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talo galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa.
Markabka oo shixnado gargaar oo dhan 11,000 MT oo raashin ah ayaa loogu talo galay in de gdeg loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka rabaaniga ah.
Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/rashiid Xiddig oo ka hadlay munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi ayaa sheegay in wixii ka dambeeya dejinta raa shinkaasi la geynayo gobolada ay ku dhufteen abaaraha.
Dhinaca kale mas’uuliyiinta bisha Cas ee Turkiga ayaa iyana sheegay in gargaarkan uu ka yi mid dowladda iyo shacabka Turkiga oo ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed ee la il daran xaal adaha aadka u liita ee bani’aadaminimo.
MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO XUKUNO KU RIDAY DADKII LOO HAYSTAY WEERARKII DAALLO
Maxkamadda Ciidamada Qalabk Sida Somaliya, ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday dadkii loo haystay in ay ka dambeeyeen weerarkii 2dii bishii February lagu qaaday mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines, iyadoo dhanka kalana ay Maxkamaddu sii deysay dad lagu waayay wax dembiyo ah.
Xasan Nuur Cali (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalab ka Sida, ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday C/weli Maxmuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi, oo goobta maxkamadaynta ka maqnaa.
C/weli Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hay’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, uu mas’uul ka ahaa diyaarinta waxyaabihii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo Airlines.
Gudoomiyaha, ayaa ku dhawaaqay in Careys Xaashi Cabdi uu ahaa ninkii maalgeliyay weer arka lagu qaaday diyaaradda, uuna yahay gacantii 1aad ee soo abaabushay weerarkaasi.
Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed iyo Safiya C/laahi Xasan Cali waxay Max kamaddu ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun min hal sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah, Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.
Maxkamaddu waxay wax dembi ihi ku weysay dadka kala ah: Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.
DANJIRE AXMED CAWAD OO KA HADLAYA SOOMAALI LAGA MUSAAFURINAYO DALKA MAREYKANKA
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad, ayaa Wareysi uga hadlay Xaaladda Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay inay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaalla Mareykanka, ayna Xukuumadda Mareykanku damacsan tahay inay dib ugu celiso Waddankooda Soomaaliya.
Dhalinyaradaas oo qaab tahriib ah ku galay Mareykanka, ayuu Danjiruhu u Sheegay Radio Sagal in Warkooda uu ka maqlay meelaha, laakiinse markii dambe uu la xiriiray Dowladda Mareyk anka oo u xaqiijisay arrintaas.
Danjire Cawad oo ka hadlaya Dhallinta Soomaaliyeed ee la Tarxiilayo;Safiirka, ayaa xusay da ray inuusan wali helin tirada rasmiga ah ee dhalinyaradaas, meelaha ay ku Xiran yihiin iyo xilliga dib loogu celinayo Somalia, balse uu Dowladda Mareykanka ka codsaday inuu la kulmo Dhallinyaradaas oo uu ku booqdo xabsiyada ay ku xiran yihiin.
Ugu dambeyn, Danjire Axmed ayaa ka hadlay Waxyaabihii uu Qabtay intii uu xilka hayay iyo waliba xiriirka Safaarad ahaan kala dhaxeeyo Bulshada Soomaaliyeed ee gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka ku nool.
GUDOOMIYAHA GOBOLKA BARI ”MAGAALADA BOOSAASO WAXAAN KU QABANAY DAGAALYAHANO SHABAAB AH”
Maamulka gobolka Bari ayaa daboolka ka qaaday in Tahriibayaal ay dhowaan ku qabteen gudaha maagalada Boosaaso ay ka dhex heleen Rag ka tirsan AlShabaab kuwaas oo doonaayay inay dhibaatooyin ka gaystaan magaalada Boosaaso.
maxresdefault
Yuusuf Maxamed Waceys Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay in 70 qof oo ay ciidanka Amniga ka soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Gudaha magaalada iyo goobaha laga soo galo ay ka dhex heleen rag ka tirsan AlShabaab.
Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay inay dib u celin doonaan dadka tahriibka u socda ee ay haatan ciidanku gacanta ku hayaan, kuwaas oo uu sheegay inay u socdeen naftooda inay haligaan.
Dhanka kale Ciidamada magaalada Boosaaso ayaan u ogolaan inay gudaha u soo galaan magaalada dadka ay ka shakiyaan, waxayna inta badan ay weydiiyaan qof kasta wuxuu magaalada ka doonayo iyo cida uu ka yaqaan.
TALIYIHII CIIDAMADA MILATERIGA EE GOBOLKA GALGADUUD OO LA XIRAY
Taliyihii ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega Dheere) ayaa la xiray, kadib markii uu soo galay raadka Sarkaal lagu dilay degmada Ceelbuur, kaa soo ka soo goostay AlShabaab.
Sida ay sheegayaan wararka Taliyaha ayaa lagu xiray Xabsi ku yaalla magaalada Beledw eyn, iyadoo loo heysto inuu amar ku bixiyay dilka Sarkaal ka soo goostay AlShabaab oo lagu mag acaabi jiray Ciise Cali Mire.
Taliyahan la xiray ayaa hogaaminayay howl galada ka dhanka ah AlShabaabka ku sugnaa Bariga Gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa xaqiijiyay xariga Sarkaalkan oo markii laga war he lay inuu ku lug leeyahay dilka Sarkaalka ka soo goostay AlShabaab, iyadoo Beledweyn loogu qaa day in Tababar lagu soo siinayo, hase ahaatee la xiray.
Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu muddooyinkan ku howlanaa baaritaanka dilka loo geystay Sarkaalka isku soo dhiibay ciidamada ee ka soo goostay AlShabaab.
Waa markii u horeysay oo Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka loo xiro dilka nin ka soo goostay AlShabaab, iyadoo dowladda Federaalka ay si gaar ah u daryeesho dadka ka soo goosta Al-Shabaab ee ay ka mid yihiin Saraakiishooda.
ASKAR SI XEELADEYSAN DADKA KU DHICI JIREY OO LA QABTEY.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay afar askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka ku nool degmada Shibis ee Gobolka Banaadir u geysan jiray falal isugu jira dhac iyo handadaad.
Askartan ayaa saxaafadda loogu soo bandhigay xarunta taliska ciidanka Gobolka Banaadir, waxaa kaloo la soo bandhigay boonooyin ay gaadiidka uga qaadan jireen lacago been abuur ah, iy agoo iska dhigi jiray ciidamo taraafiko ah.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askartaan, isla markaana sharciga la marsiin doono.
Askarta dowlada ee Muqdisho ayaa ah kuwo fara badan oo meel waliba yaacaya, qaarkoodna ka tirsan yihiin ciidamada Mileteriga oo jidadka ku qaada lacago kala duwan.
QEYB KA MID AH CIIDAMADA BURUNDI OO ISAGA BAXAY GEBI AHAANBA SOOMAALIYA
Ciidamada Burundi ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose ayaa gebi ah aanba laga daabulay saldhigyadii ay ku lahaayeen, kuwaasi oo shaqada laga fariisiyay isla mark aana dalkooda dib loogu celiyay.
Mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Burundi ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa wax aa ka dhacday munaasabad abaal marino lagu siiyay cutubyada dalka isaga baxaya, waxaana ka soo qeyb galay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Madeira, Safiirka Burundi u fa dhiya Soomaaliya Ambassador Joseph Nkurunziza iyo General Abdullahi Osman, Taliyaha ciidam ada Burundi ee AMISOM Gen. Maj. Mohammedesha Zeyinu iyo saraakiil kale.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Bu rundi ay door lixaad leh ka qaateen la dagaalanka ururka AlShabaab, isagoona sheegay inay guteen waajibaadka Midowga Afrika ee nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
"Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya weli ma dhammaan, laakiin shaqada aad qabateen waa mid caalami ah oo Burundi oofisay” ayuu yiri Ambassador Madeira.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay saraakiisha ciidamada Burundi iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalalka kale, iyagoona dhammaantood hoosta ka xariiqay doorkii ciidamada Burundi ay ku lah aayeen nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in dowladda Burundi qorsheyneyso inay dib u eegto ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya oo saldhigyadooda ay weeraradii ugu xooga badnaa ku qaad een dagaalyahanada AlShabaab, inkasta oo aan la sheegin ciidamo lagu bedelayo kuwii horay dalka u joogay.
HALGAMAA WARAABE: "WADAHADALADA SOOMAALIYA WAXAA KA SOO BAXAYA WAX DAN U AH SOMALILAND”
Xaaji C/raxmaan Xuseen Yuusuf (Xaji Cabdi Waraabe) oo ka mid ah golaha guurtida Somal iland ayaa wareysi dhinacyo badan waxa uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuuna odaygu si gaar ah uga hadlay tanaasulka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee doorashooyinka madaxtinimada Somaliland.
Xaaji Cabdi Waraabe oo ka mid ah halgamayaashii Somaliland ayaa sheegay in Madaxwe yne Siilaanyo ay xusi doonto taariikhda Somaliland, mar haddii uu iska casilay tartanka madaxwey nenimada wuxuuna kula taliyay madaxda cusub ee loo dooranayo madaxweynenimada inay raa caan wadadaas.
"Wadahadalada lala gelayo Soomaaliya waxaa ka soo baxaya wax danu ah Somaliland” ay uu yiri Xaaji Cabdi Waraabe oo sheegay inaysan jirin wax khasab ah isla markaana labada dhinac ay ku heshiiyaan cid kastaba waxay raalli ka tahay.
Halgamaa Xaaji Cabdi ayaa ugu baaqay golaha guurtida Somaliland oo galay fasax inay halk ooda ka sii wadaan howlaha ay u hayaan dadka iyo daka, isagoona ku booriyay inaysan is dhigan.
Dhinaca kale Xaaji Cabdi Waraabe ayaa ugu duceeyay Somaliland in dhibaatada heysata Al le ka dulqaado, isagoona si gaar ah u tilmaamay howlaha golaha guurtida inay yihiin kuwo si habs ami leh ku socda, wuxuuna Alle ka baryay in fadhiyada dambena sidaas oo kale ay ku gabagaboobi doonaan guul iyo waxqabad ay ku faa’iido Somaliland.
MADAXWEYNAHA TURKIGA OO MAALMAHA SOO SOCDA MUQDISHO IMANAYA
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda oo ku aadan 3da bisha June uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya.
Warar ay heshay shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in berri ay Muqdisho soo gaari doonaan wafdi hordhac ah oo ka socda dowlada Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa sida ay wararka sheegayaan kulamo la yeelan doona Madaxwe ynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, wax ana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afri ka.
Booqashadan ayaa noqnaysa tii 3aad ee uu Erdogan booqasho ku yimaado dalka Soomaa liya dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne Erdogan yimid Muqdisho isagoo xariga ka jaray mashaariic ay dowlada Turkiga ka hirgelisay Muqdisho waxaana ka mid ahaa masha ariicdaas terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International iyo dhismaha Xarunta Culuunta Cilmi barista Soomaaliya oo laga dhisay isbitaalkii hore ee Digfeer.
Sidoo kale Madaxweyne Erdogan booqashadii sanadkii 2011kii xilligaas oo uu ahaa Ra’isul wasaare ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya kolkaasi oo inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay ka jirtay abaar baahsan, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay Tukiga uu ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ay leedahay.
Dalka Turkiga ayaa kaalmo weyn siiya dowlada iyo shacabka Soomaaliya iyadoo kaalmadiisii ugu dambeysay ay ahayd markab sida shixnad cunto ah oo ay dowlada Turkiga ugu talogashay dalka Soomaaliya uu ku soo xirtey dekeda magaalada Muqdisho.
45-DAGAALYAHAN OO KA TIRSAN XARAKADA ALSHABAAB OO GALAY GUDAHA KENYA
Laamaha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in Gudaha Kenya ay soo galeen 45dagaal yahan oo ka Tirsan Xarakada Alshabaab.
War kasoo baxay Hay’adaha Amniga Kenya ayaa lagu sheegay in seqdii dhexe ee habeen hore ciidamo ka Tirsan Xarakada Alshabaab ay kasoo Gudbeen xaduudka u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya kuwaasi oo isku qeybiyay kooxo Kooxo.
Hal koox waxa ay ka koobneed 13dagaalyahan waxayna kasoo galeen Kenya deegaanka Gerille, kooxda kale waxa ay kasoo gashay Konton, halka kooxda sedexaad ay kasoo gashay deega anka Gumarey ee Bariga wajir ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Laamaha Amniga Kenya.
Warka kasoo baxay Laamaha Amniga Kenya ayaa Sidoo kale lagu sheegay In feejignaan dheeri ah ay galaan Ciidamada difaaca Kenya si loogu baaqsado weeraro ay Gudaha Kenya ay ka geystaan Xarakada Alshabaab.
Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyay Kenya, Maxamed Cali Americo ayaa habeen hore lagu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo uu soo gaa rsiiyay ololaha socdaalka nabada oo uu kasoo bilaabay Somalia, kuna soo maray dalal badan oo caalamka ah oo ay ku noolyihiin dibadjoog Soomaaliyeed.
Danjire Americo, ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga Warbixiyay Xaaladda Guud ee dalka soomaaliya, gaar ahaan dadka danyarta ah, isagoo sheegay in Dalkeennu u baahan dadkiisa meel kasta oo ay joogaan, aysanna jirin cid kale oo u maqan.
"Waxaan leennahay Dhul barwaaqo ah oo innaga badan oo wax walba ay u Dhameystiran yi hiin, Waana inaan ka faa’iideysannaa Barwaaqadaas” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko oo intaas ra aciyay. "Shacabka Soomaaliyeed waa inay heshiiyaan si loo helo nabad aan dib dambe loo waayin”
Danjire Americo, ayaa xusay inay muhiim tahay in la helo isku tanaasul, isku dulqaadasho iyo is cafin. "Waxaan Aaminsanahay Soomaalino” ayuu sii Raaciyay. isagoo Tilmaamaya muhiimadda ay leedahay iscafinta ayaa xusay inuu caafiyay ninkii dilay gabadhiisa 1992.
Sidoo kale wuxuu Safiirku taabtay arrinta ammaanka iyo dhismaha ciidan Qaran. "Waxaan ku baaqayaa in ciidankeenna la tayeeyo laguna tababaro gudaha dalka si ay ammaanka iyo Xasillooni da u soo celiyaa, sidaas oo kale waa in la Daryeelaa oo lala socdaa Baahidooda” ayuu sharraxay Americo.
Wuxuu dhinaca kale, Safiirku ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay Gurmad u fidiyaan Magaaladda Baladweyne oo Xaalad Adagi ka jirta, Kaddib markii Fataha adaha Webiga ay barokiciyeen kumannaan Qoysas Soomaaliyeed ah oo ku dhaqnaa magaaladaas.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa soo dhaweeyay ololaha Ambassador Maxamed Cali Americo, waxayna uga mahadceliyeen wax qabadkiisii intii uu ahaa safiirka Soom aaliyee Kenya.
"Cali Ameeriko, waa muwaadin Soomaaliyeed oo wax tar leh, intii uu safiirka ahaa wuxuu ilaal iyay sharafta Calanka iyo tan ummadda Soomaaliyeed, Wax badan oo ayuuna Qabtay, haddana wu xuu wadaa olole nabadeed oo muhiim ah, waana soo dhaweyneynaa innagoo la shaqeyneyna,” ay uu yiri Jibriil Afyare oo ah Guddoomiyaha Somali Citizens’ League, isla markaana ah Guddoomiyaha Xafladda soo dhaweynta Danjire Ameeriko, isagoo kaddibna Safiirka Guddoonsiiyay Shahaado Sharaf.
FAALLO: BISHA RAMADAAN & BARAKA CA SHACABKA MAGAALADA BELEDWEYNE EE GOBOLKA HIIRAAN
Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka dhiman Bilashada Bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ku weyn guud ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku nool daafaha aduunyada gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Sida cadadda ah maalmaha ka horeeya bisha Ramadaan inta badan qoysaska Soomaaliyeed wax aa ay u gallaan diyaar garoow xoog leh, iyaga oo soo iibsada dhamaanba wax yaabaha ay u baahan yihiin 30-ka cisho ee bisha, gaar ahaan raashinka iyo wax yaabaha kale ee macmacaanka ah ee loo isticmaalo afurka sidda Timirta oo kale.
Laakiin, kumanaan qoysas ayaa bishan Ramadaan ee nagu soo foolka leh lagu waddaa in ay wajahaan xaalad adag oo dhinaca nolasha, waxaana intooda badan laga yabaa in ay ku soomaan deegaannada loo barakacay oo marka laga soo tago daruufaha nolaleed ee ka jira ay u dheer tahay kululey iyo dabeyl wadata hanfi iyo siigo, taa oo durbaba badashay wajiyada in badan oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah.
Qoysaska qaar markii horeba nolashooda waxaa ay u tiirsaneyd waxa maalintaa ay ka soo shaqeystaan suuqa, kuwaasoo hadda meel cidlo ah ku soo dhacay, madaama xiligan aysan jirin meel laga shaqeeyo oo ay u sii dheer tahay in ay dibada uga baxeen guryihiin ay ku asturnaayeen.
Waxaa kaliya ay qoysaskan Miciin bidayaan ayaa ah kaalmada aan badneyn ee shirkadaha, hay'addaha, iyo dadka muxsiniinta ah ugu diiqaan oo xitaa la oran karo siddii loo baahnaa dadka looma wadda gaarsiiyo ama waxaa ka faa'ideysta dad laga yaabo in ay xigto dhaw ama qaraabo la yihiin hadba cidda markaa gargaarka qaybineysa.
Dabcan, waa waajib in qofka muslimka ah uu soomo 30ka bisha Ramadaan haddii uusan jirin cu dur daar sharci ah, balse dhibaatada jirta ma'aha mid yar oo qormo oo kaliya lagu soo koobi karo, waxaase la dhihi karaa saameyn dhinaca nolasha ah ayay ku yeelanaysaa qoysas badan oo ku dhaqan Beledweyne [Bilashada Bisha Ramadaan & Barakaca jira] oo la oran karo waa labo xaala dood oo marka ay isku kaa qabtaan aad u adag.
Ugu dambeyn, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda qaadan Doorkii loo baahnaa ee u gargaarista dadka ku barakacay fatahaada Beledweyne, marka laga soo tago dowla dda Jabuuti oo gargaar raashin ah maalintii daraad u qeybisay ku dhawaad 2000 oo qoys.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliy
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: LEICESTER CITY OO KOOXAHA REAL MADRID, BARCELONA IYO BAYERN MUNICH KULA BIIRTAY BOOSKA KOWAAD EE ISKU AADKA CHAMPIONS LEAQUEGA, KOOXAHA ISREEB REEBKA SOO GALI DOONA IYO XOG AAD UGA BAAHAN TAHAY IN AAD KA OGAATO KOOXAHA U SOO BAXAY CHAMPIONS LEAQUEGA XILI CIYAAREEDKA DANBE
Kooxda Leicester City ayaa booska kowaad ee isku aadka Champions Leaquega kula biirtay kooxaha Yurub ugu waa wayn, waxaana Pot 1 ku wada jira kooxaha ku soo guulaystay todoba horyaal ee Yurub ugu waa wayn, waxaana tirada buuxinaysa kooxda Champions Leaquega ku guulaystay. Todoba horyaal ee Yurub ugu qiimaha sareeya ee sharciga UEFA ayaa ah horyaalada Spain, Germany, England, Italy, Portugal, France iyo Russia.
Sidaa daraadeed, todobada kooxood ee horyaaladan ku soo guulaystay xili ciyaareedkan iyo Real Madrid oo Champions Leaquega ku guulaystay ayaa dhamaan kuwada jira Pot 1.
Leicester
Kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Juventus, Benfica, PSG, CSKA Moscow, Leicester City iyo Real Madrid ayaa ah sideeda kooxood ee ku wada jiri doona booska kowaad ama Pot 1, waxayna hogaamin doonaan groupyada Champions Leaquega. Dhamaan kooxahan ayaa ku kala badbaadi doona heerka groupyada.
Barcelona
WAXAA SI RASMI AH LOO SHAACIYAY KOOXAHA KU WADA JIRI DOONA POT 1
Pot 1 (Kooxaha Sida Rasmiga ah heerka Groupyada ugu soo Baxay):
Leicester (Premier League winners)
Real Madrid (Champions League winners)
Barcelona (La Liga winners)
Bayern Munich (Bundesliga winners)
Paris SaintGermain (Ligue 1 winners)
Juventus (Serie A winners)
Benfica (Primeira Liga winners)
CSKA Moscow (Russian Premier League winners)
Waxaa sidoo kale Pot 2 ku wada jira kooxaha kaalmaha labaad ama saddexaad ku soo dhamaystay horyaalada ugu waa wayn, waxayna kala yihiin Atletico Madrid, Borussia Dortmund,Arsenal, Manchester City,Sevilla, FC Porto, Napoli iyo Bayer Leverkusen.
Waxaa muhiim ah in aad ogaato in kooxaha ku jira Pot 2 ayna si toos ah ugu soo wada bixin heerka groupyada isla markaana ay qaarkood soo gali doonaan isreeb reeb. Liiska kooxaha ku jira Pot 2 ayaa lagu saleeyaa qiimaynta UEFA ee rekoodhka kooxaha ee shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay. Waxaana liiskan dhamaystirtay kooxda Sevilla oo ku soo guulasytay Europa Leaquega.
Arsenal
Pot 2 (Kooxaha qaar ayaa isreeb reeb soo gali doona):
Atletico Madrid (Kaalinta 3 aad , La Liga)
Borussia Dortmund (Kaalinta 2aad, Bundesliga)
Arsenal (kaalinta 2 aad, Premier League)
Manchester City (Kaalinta 4 aad, Premier League)*
Sevilla (Europa League winners)
FC Porto (Kaalinta 3 aad, Primeira Liga)
Napoli (Kaalinta 2aad, Serie A)
Bayer Leverkusen (Kaalinta 3aad, Bundesliga)
GUARDIOLA
Kooxaha Pot 3 ama booska saddexaad waxaa ku wada jira kooxo si toos ah ugu soo baxay heerka groupyada Champions Leaquega iyo kuwo soo gali doona laba heer oo isreeb reebka ah, waxayna booskan ku heleen qiimaynta ay UEFA ka haystaan. Waxayna kooxahani kala yihiin Tottenham Hotspur, Shakhtar Donetsk, Dynamo Kiev, Olympique Lyonnais, Ajax, Villarreal, Olympiakos iyo FC Basel.
Pot 3 (Kooxaha qaar ayaa isreeb reeb soo gali doona):
Tottenham Hotspur (kaalinta 3 aad, Premier League)
Shakhtar Donetsk (Kaalinta 2aad , Ukranian Premier League)**
Dynamo Kiev (Ukranian Premier League winners)
Olympique Lyonnais (Kaalinta 2aad, Ligue 1)
Ajax (Kaalinta 2aad, Eredivisie)**
Villarreal (Kaalinta 4 aad, La Liga)*
Olympiakos (Superleague Greece winners)
FC Basel (Swiss Super League winners)
TOTTENHAM
Ugu danbayn waxaa booska afraad ama Pot 4 kuwada jira koox inta badan isreeb reebyo kala duwan soo gali doona. Kooxaha qaar ayaa soo gali doona saddex heer oo isreeb reebyo ah, kuw kale ayaa isreeb reebka labaad ku soo biiri doona halka kuwo kale ay isreeb reebka saddexaad ee ugu danbeeya ay ku soo biiri doonaan. Waxaana kooxahan ku jira kooxo ku soo guulaystay horyaalo ka mid ah Yurub sidaa daraadeed, waxay si toos ah ugu soo baxeen heerka Groupyada balse qiimaynta UEFA ayaa sabab u noqotay in ay galaan Pot 4.
Pot 4( Dhamaan Isreeb reebyo ayay soo gali doonaan)
Kooxaha Isreeb reebka soo gali doona: PSV Eindhoven, Sporting Lisbon, Viktoria Plzen**, Club Brugge, Salzburg***, Borussia Monchengladbach*, AS Roma*, Fenerbahce*, Sparta Prague**, Celtic***, Steaua Bucuresti**, Monaco**, Besiktas
FIIRO GAAR AH:
Kooxaha aad ku aragto astaanta *, waxay isreeb reebka ka soo galayaan wareega ugu danbeeya ee heerka groupyada loogu soo baxayo.
Kooxaha aad ku aragto astaanta **, waxay isreeb reebka ka soo galayaan wareega isreeb reebka saddexaad.
Kooxaha aad ku aragto astaanta *** , waxay isreeb reebka ka soo galayaan wareega isreeb reebka labaad.
MARIO BALOTELLI OO DALAB KA HELAY KOOX KAMID AH KOOXAHA SERIE A DA TALIYAANIGA.
Liverpool ayaa laga yaabaa inay iska iibiso xidigeeda Mario Balotelli oo 25 sano jir ah kaasi oo hada amaah ku joogo kooxda Ac Milan.
Macalinka Reds ayaa isku diyaarinayaa inuu xidigaan ka diro Anfield waxaana Liverpool baadi goobeysaa koox iibsita ciyaaryahankaan.
Dhawaan kooxaha Turkiga ayaa la sheegay in ciyaaryahankaan xiiseynayaan , balse haddii kooxda Lazio uu qabto Macalin Prandelli in dookhiisa koowaad uu ka dhigandoono ciyaaryahanka Liverpool.
”Mario ma adka in lamaamulo , mana ahan qof xun,” ayuu yiri Macalinkii hore ee Italy Prandelli
”Waxaan isku dayidoonaa inaan taageero u muujiyo isaga, waxaana uu leeyahay wax qabad weeyn.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 31-KA MAAJO 2016-KA
WAR MURTIYEEDKII LAGA SOO SAARI LAHAA SHIRKA MADASHA WADA-TASHIGA OO DIB U DHAC KU YIMID Waxaa dib u dhac ku yimid War Murtiyeedkii gelinka dambe ee shalay laga soo saari lahaa Shirka Madasha Wadatashiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda dhexe iy