Jan. Afgaduud oo lagu weeraray gurigii uu ka degenaa Garowe

0
Monday May 30, 2016 - 19:33:01 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jan. Afgaduud oo lagu weeraray gurigii uu ka degenaa Garowe

    Magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa shalay ka dhacay weerar lagu qaaday guri uu degenaa Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Jan. C/risaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa shalay ka dhacay weerar lagu qaaday guri uu degenaa Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Jan. C/risaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud).
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ka dambeeyay Taliyaha ciidamada Dekedda Boosaaso, iyadoo ciidamadii uu watay ay isku wareejiyeen guriga Jan. Afgaduud isla markaana weydiistay inuu soo dhiibo gaari tikniko ah oo ilaaladiisa ay wateen.

Jan. Afgaduud ayaa dood dheer kaddib waxa uu dhiibay gaarigii, isagoona sheegay in gaarigaasi uu damacsanaa inuu ka mid noqdo waxyaabaha uu ku wareejinayo taliyaha cusub ee Booliska Puntland.

Taliyaha dekedda Boosaaso Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isagu sheegay in gaariga tiknikada ah ee uu heystay Jan. Afgaduud ay leeyihiin ilaalada Dekedda, sidaasi daraadeedna ay tahay in dib loogu celiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip