Sheekh Shariif Sh. Axmed oo saacadaha soo socda tegaya magaalada Nairobi
Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya waxaa ka socota qabanqaabo iyo diyaar garow loogu jiro soo dhoweynta musharaxa Madaxweynaha sanadka 2016-ka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka soo kictimaya wadanka Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu magaalada Nairobi ka bilaabayo ololihiisa musharaxnimada xilka Madaxweynaha, isagoona markii labaad u tartamaya jagadaasi ayaa guddiga u qaabilsan soo dhoweyntiisa waxay sheegeen inuu saacadaha soo socda ku soo wajahan yahay magaalada Nairobi.
Madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano, aqoonyahano, saraakiil sarsare iyo xubno taageerayaashiisa ah ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ay ku soo dhoweynayaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd.
Sidoo kale Shariif ayaa magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaadanaya madax ka tirsan Dowladda Federaalka, ganacsato, diblomaasiyiinta beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, isagoona marka uu yimaado Nairobi ka warbixinaya ujeedada socdaalkiisa.