Shirka ka socda Villa Somalia ee madasha qaran oo qodobada qaarkood la isku mari la'yahay

0
Monday May 30, 2016 - 19:07:04 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka ka socda Villa Somalia ee madasha qaran oo qodobada qaarkood la isku mari la'yahay

    Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda xarunta madaxtooyada Villa Somalia uga socda madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka oo la filayo in maanta gelinka dambe la soo gabagabeeyo ayaa laga cabsi qabaa in wakhti dheeraad ah lagu dar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda xarunta madaxtooyada Villa Somalia uga socda madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka oo la filayo in maanta gelinka dambe la soo gabagabeeyo ayaa laga cabsi qabaa in wakhti dheeraad ah lagu daro.

Wararka ayaa sheegaya in la isku mari la’yahay qaar ka mid ah qodobada ku qoran heshiiska, sida maqaamka magaalada Muqdisho, qorshaha amniga Qaranka ee dib u habeynta ciidamada iyo qodobo kale.

Shirkaan oo galay maalintiisii labaad ayaa waxay hoggaamiyeyaasha iskula meel dhigayaan jadwalka shaqo ee ku asteysan heshiiska, kaasi oo lagu diyaarinayo habka doorashooyinka dalka uga dhaceyso.

wadatashi3

Shirkaan ayaa ka duwan shirarkii hore oo Madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada ku yeeshaan magaalada Muqdisho, iyadoo iminka lagu soo daray ajande cusub, kaasi oo ku saabsan ansixinta heshiiskaan xilli uu hor yaalay Golaha Baarlamaanka.

Arrimaha hoggaamiyeyaasha kulankaan uga hadlayaan waxaa kale oo ka mid ah waxa laga yeelayo qodobadii guddiga Baarlamaaniga ah ee dib u eegista ka soo saareen heshiiska ayna ku tilmaameen sharci darrom, taasi oo loo baahan yahay in la waafajiyo dastuurka dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip