Bangiyada KCB iyo CBA oo xarumo ka furanaya Soomaaliya

0
Monday May 30, 2016 - 19:03:06 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiyada KCB iyo CBA oo xarumo ka furanaya Soomaaliya

    Labada bangi ee ka mid ah 12ka bangi ee lacagaha laga amaahsado caalamka ayaa doonaya in ay laamo ku yeeshaan dalka Soomaaliya iyagoo codsiyo u soo gudbiya dowada Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada bangi ee ka mid ah 12ka bangi ee lacagaha laga amaahsado caalamka ayaa doonaya in ay laamo ku yeeshaan dalka Soomaaliya iyagoo codsiyo u soo gudbiya dowada Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Cali.

Guddoomiyaha bangiga dhex ee Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga Ganacsiga Kenya KCB iyo Bangiga Ganacsiga Africa (CBA) ay doonayaan in xarumo ka furtaan Soomaaliya inkastoo wadanku uu wajahayo labo sano oo aysan awood u lahayn in ay fasaxdo bangiyo cusub si ay u xasiliso habka dhaqaalaha iyo maaliyada dalka.

"Bangiyo kale oo khaliijka xarumo ku leh ayaa sidoo kale doonaya inay laamo ku yeeshaan,laakiin waxaan ka feejiganahay in bangi uu xarun ka furto kadibna lacago urursado oo kadibna la waayo,”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha bangiga dhexe.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka howlgala illaa lix bangi kuwaasoo si caadi ah howlahooda ay u socdaan. Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay jimcihii aynu ka soo gudubnay lacag dhan 2.5malyan oo dollar.

Inkastoo bangiga dhexe ee Soomaaliya uu haatan ka howlgalo dalka Soomaaliya ayaa hase ahaatee shillinka soomaaliga waxa uu noqday mid ku soo haray 1000 shillin waxaana haatan si xoog leh dalka ugaga shaqeeya lacagta dollarka Maraykanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip