Qeyb ka mid ah ciidamada Burundi oo isaga baxay gebi ahaanba Soomaaliya + Sawirro

0
Monday May 30, 2016 - 18:55:13 in Wararka by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeyb ka mid ah ciidamada Burundi oo isaga baxay gebi ahaanba Soomaaliya + Sawirro

    Ciidamada Burundi ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose ayaa gebi ahaanba laga daabulay saldhigyadii ay ku lahaayeen, kuwaasi oo shaqada laga fariisiyay isla markaana dalkooda dib loogu celiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Burundi ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose ayaa gebi ahaanba laga daabulay saldhigyadii ay ku lahaayeen, kuwaasi oo shaqada laga fariisiyay isla markaana dalkooda dib loogu celiyay.
Mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Burundi ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday munaasabad abaal marino lagu siiyay cutubyada dalka isaga baxaya, waxaana ka soo qeyb galay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Madeira, Safiirka Burundi u fadhiya Soomaaliya Ambassador Joseph Nkurunziza iyo General Abdullahi Osman, Taliyaha ciidamada Burundi ee AMISOM Gen. Maj. Mohammedesha Zeyinu iyo saraakiil kale.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay door lixaad leh ka qaateen la dagaalanka ururka Al-Shabaab, isagoona sheegay inay guteen waajibaadka Midowga Afrika ee nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

"Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya weli ma dhammaan, laakiin shaqada aad qabateen waa mid caalami ah oo Burundi oofisayā€¯ ayuu yiri Ambassador Madeira.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay saraakiisha ciidamada Burundi iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalalka kale, iyagoona dhammaantood hoosta ka xariiqay doorkii ciidamada Burundi ay ku lahaayeen nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in dowladda Burundi qorsheyneyso inay dib u eegto ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya oo saldhigyadooda ay weeraradii ugu xooga badnaa ku qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab, inkasta oo aan la sheegin ciidamo lagu bedelayo kuwii horay dalka u joogay.

26701075773_d28e9182a6_z26701078923_91eb4b8806_z26701083703_ec2ba97fed_z26701085433_49ee401471_z27176960551_123242fa92_z27237471631_315d5fa592_z27274044346_e5eaf96884_z




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip