Madaxweynaha Turkiga oo maalmaha soo socda Muqdisho imanaya

0
Monday May 30, 2016 - 18:32:56 in Wararka by
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo maalmaha soo socda Muqdisho imanaya

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda oo ku aadan 3da bisha June uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda oo ku aadan 3da bisha June uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya.

Warar ay heshay shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in berri ay Muqdisho soo gaari doonaan wafdi hordhac ah oo ka socda dowlada Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sida ay wararka sheegayaan kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, waxana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afrika.

Booqashadan ayaa noqnaysa tii 3aad ee uu Erdogan booqasho ku yimaado dalka Soomaaliya dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne Erdogan yimid Muqdisho isagoo xariga ka jaray mashaariic ay dowlada Turkiga ka hirgelisay Muqdisho waxaana ka mid ahaa mashaariicdaas terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International iyo dhismaha Xarunta Culuunta Cilmi barista Soomaaliya oo laga dhisay isbitaalkii hore ee Digfeer.

Sidoo kale Madaxweyne Erdogan booqashadii sanadkii 2011kii xilligaas oo uu ahaa Ra’isulwasaare ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya kolkaasi oo inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay ka jirtay abaar baahsan, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay Tukiga uu ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ay leedahay.

Dalka Turkiga ayaa kaalmo weyn siiya dowlada iyo shacabka Soomaaliya iyadoo kaalmadiisii ugu dambeysay ay ahayd markab sida shixnad cunto ah oo ay dowlada Turkiga ugu talogashay dalka Soomaaliya uu ku soo xirtey dekeda magaalada Muqdisho.

XIGASHO:-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip