Taliyihii Ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud oo la xiray

0
Monday May 30, 2016 - 18:29:06 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud oo la xiray

    Taliyihii ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere) ayaa la xiray, kadib markii uu soo galay raadka Sarkaal lagu dilay degmada Ceelbuur, kaasoo ka soo goostay Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere) ayaa la xiray, kadib markii uu soo galay raadka Sarkaal lagu dilay degmada Ceelbuur, kaasoo ka soo goostay Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka Taliyaha ayaa lagu xiray Xabsi ku yaalla magaalada Beledweyn, iyadoo loo heysto inuu amar ku bixiyay dilka Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ciise Cali Mire.

Taliyahan la xiray ayaa hogaaminayay howl galada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugnaa Bariga Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa xaqiijiyay xariga Sarkaalkan oo markii laga war helay inuu ku lug leeyahay dilka Sarkaalka ka soo goostay Al-Shabaab, iyadoo Beledweyn loogu qaaday in Tababar lagu soo siinayo, hase ahaatee la xiray.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu muddooyinkan ku howlanaa baaritaanka dilka loo geystay Sarkaalka isku soo dhiibay ciidamada ee ka soo goostay Al-Shabaab.

Waa markii u horeysay oo Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka loo xiro dilka nin ka soo goostay Al-Shabaab, iyadoo dowladda Federaalka ay si gaar ah u daryeesho dadka ka soo goosta Al-Shabaab ee ay ka mid yihiin Saraakiishooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip