Hooyada dhashay wiil qirtay inuu ISIS ka tirsanaa oo sheegtay qaabka xagjirnimada looga hortegi karo
Muddo ka badan toban maalin waxaa magaalada Mineapolis ee gobolka Minesota dalka Mareykanka maxkamad ku taala ka socota dacwad la xariirta dhallinyaro Soomaali ah oo FBI-da Mareykanka ku heshay inay ka tirsanaayeen kooxda argagixisada ah ee ISIS.
Hooyo wiilkeeda qirtay inuu ka tirsan yahay ururka ISIS oo magaceeda lagu soo gaabiyay Deeqo ayaa VOA-da uga warbixisay xaaladda wiilkeeda markii uu qirtay inuu la shaqeynayay Daacish, waxayna tilmaantay arrimo dhowr ah inay la kulantay.
"Bulshada inteeda badan waxaan kala kulmay takoor, waxaana ahay qof Ilaahey jecel yahay” ayay tiri Hooyo Deeqo oo sheegtay in wax is leh aanay ahayn wixii uu wiilkeeda u sheegay iyo wixii la soo hor gadhigay.
Haweeneydaan ayaa sheegtay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool xagjirnimada lagu hayo looga bixi karo oo kaliya iyadoo jaaliyadaha Soomaalida u miidoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen.
"Soomaalida waa inay isku timaado si ay uga tashato arrimahaan dhibaatada ku haya dhallinyarada” ayay tiri Hooyo Deeqo oo sheegtay oo wax cusub aanay ahayn dhallinyarada dalka ka tageysa ee ku biireysa ururka IS, iyadoona tilmaantay in wiil lagala baxay gurigiisa sanadkii 2007-da ilaa iyo hadda lagu la’yahay nolol iyo geeri.