Kulankii Madaxweynaha iyo NUSOJ oo laga faa'iiday saddex arrin

0
Friday May 27, 2016 - 20:25:59 in Maqaallo by
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Madaxweynaha iyo NUSOJ oo laga faa'iiday saddex arrin

    Waxa uu ahaa kulan qiima badan kuna soo beegmey Xiligii ugu haboonaa, waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, qaar ka mid ah Hogaanka sare iyo kan Fulinta ee NUSOJ oo uu hogaaminayey Gudoomiye Maahir Jaamac Aadan, Xubno ka mid ah Ergooyinkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ahaa kulan qiima badan kuna soo beegmey Xiligii ugu haboonaa, waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, qaar ka mid ah Hogaanka sare iyo kan Fulinta ee NUSOJ oo uu hogaaminayey Gudoomiye Maahir Jaamac Aadan, Xubno ka mid ah Ergooyinkii ka qayb galay Doorashada ee laga kala keenay Gobolada iyo Gudigii Badbaadada Saxaafada.
Salaan iyo isbarasho ka dib, waxa uu Madaxwayne Xasan Shiikh soo dhoweeyey Doorashadii Taariikhiga ahayd ee Hogaanka NUSOJ lagu doortay. Waxa uuna yiri. "sida NUSOJ u samaysan tahay oo ay hada tahay waa sida aan jeclaa inay noqdaan Ciidamada Soomaaliya, waa sida aan la rabo iney noqdaan Shaqaalaha Dowlada Federaalka, waxaad samayseen wax ku dayasho mudan waana soo dhowaynayaa Hogaaanka aad doorateen”.

Madaxwaynuhu Waxa uu ka hadlay intii kulanku socdey Xaaladda Weriye Cabdirisaaq Cilmi Black oo ku xanuunsan Muqdisho. Waxa uuna yiri. "in badan ayaan maqlay xanuunka Weriye Cabdirisaaq Black, waxaanba u haystay inuu bogsaday laakiin hada markaan daawaday Filinka laga soo duubay waa arin naxdin leh. Waxaaan hortiina ka ballan qaadayaa in aan xilkiisa la wareegey oo sida ugu dhaqsiyaha badan dalka debeddiisa lagu soo dawayn doono”.

Xasan Shiikh waxa uu soo hadal qaday xeerka Saxaafada oo meelaha qaar su’aalo ka taagan yihiin. Waxa uuna yiri. "waxaa sharaf noo ah inaan maanta leenahay Xeer Saxaafadeed, laakiin Xeerku ma ahan Aayad Quraan oo aan la bedeli karin, haddii aad nagu qancisaan qaladaad ku jira Xeerka waxaan diyaar u nahay in aan bedelno”.

Gebgebadii waxa uu hoosta ka xariiqay isagoo xushmaynaya Hogaanka la doortay in loo turi doono Weriyaasha Soomaaliyeed, waxa uuna yiri. "waxaan idiin sheegayaa in aan xushaayn doono Weriyaaha intii tabarteen ah oo aan ka taxdari doono, idinkana waxaan idinka codsanaynaa inaad u caqli celisaan kuwa sida qaldan wax u qora oo aad ugu yaraan dhexdiina is ganaaxdaan”.

Gudoomiyaha Ururka NUSOJ Maahir Jaamac Aadan oo hadalka qaatay ayaa Madaxwaynaha uga mahad celiyey sida xilkasnimada leh ee uu u soo dhoweeyey Hogaanka cusub ee la doortay, waxa kale oo uu uga mahad celiyey sida Wadaninimadu ku jirto ee Madaxwaynuhu isaga xil saaray Caafimaadka Weriye Cabdirisaaq Cilmi Black oo niman hubysani ku dhaawaceen Sanadkii 2014-kii Xaafadda Black sea ee Degmada Hodon..

Gudoomiye Maahir ka hor waxaa warbixin kooban oo ku saabsanayd qaabkii lagu doortay Hogaanka NUSOJ iyo dhibatooyinkii lga soo maray sharaxay faarax Cabdi Warsame oo ka mid ahaa Gudigii Badbadada iyo Axmed Jookar oo ahaa shir gudoonkii Doorashadii NUSOJ oo ay ka qayb galeen 149 Weriye oo ka kala socdey Jubba-Land, Gal-Mudug, Koofur-Galbeed, Punt-Land, Jowhar, Muqdisho, iyo Beled-Wayne.

13263665_10154186530392528_3267723555198539517_n13315789_10154186530337528_6251220647167021324_n2016527635999249291835985320165276359992495719588695

W/D Cabdinaasir Xirsi Iiidle

E-Mail naasirx1@gmail.com

Tel 0025265503978..




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip