Wax ka baro Hogaamiyaha cusub ee ururka Taliban

0
Wednesday May 25, 2016 - 22:17:36 in Maqaallo by
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka baro Hogaamiyaha cusub ee ururka Taliban

    Ururka Taliban ee ka aas aasan dalka Afghanistan ayaa magacaabatay hogaamiye cusub oo badalaya hogaamiyahoodii todobaadkaan lagu dilay xadka u dhaxeeya dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Taliban ee ka aas aasan dalka Afghanistan ayaa magacaabatay hogaamiye cusub oo badalaya hogaamiyahoodii todobaadkaan lagu dilay xadka u dhaxeeya dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

War kasoo baxay ururka Taliban ayaa lagu sheegay in hogaamiye loo magacaabay ku xigeenkiisii oo la yiraahdo Hibatullah Akhundzada waxaana lagu naanaysaa Mawlaawi oo la macno ah Sharfane.

Hibatullah_Akhundzada

Afhayeen u hadlay Taliban oo xaqiijiyay geerida hogaamiyahoodii Mullah Akhdar Mansuur ayaa sheegay inay hadda hogaan cusub yeesheen.

Labo hogaamiye kale oo la kala yiraahdo RiraajudiinXaqaani iyo Mullah Yacquub ayaa ayagana loo magacaabay ku xigeenada hogaamiyaha cusub ee ururka Taliban.

Xaybatullaahi Akhundzada waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii Sadexaad ee kooxda Taliban yeelato tan iyo markii ay soo shaac baxeen sanadkii 1996 oo ay qabsadeen talada dalka Afghanistan.

Weeraro ay kooxdaan qaaday sanadkii dhamaaday kaliya waxay ku dileen dad tiradooda lagu qiyaasay 16,kun oo askar iyo shacab iskugu jira.

Hogaamiyahaan cusub oo la aaminsan yahay inuu dhashay intii u dhaxaysay 1966 ilaa 1971 waxaana uu ku dhashay tuulo ku taala koofurta gobolka Khandahar ee dalka Afghanistan.

Isla degaanka uu ku dhashay ayuu ku bartay culuumka Islamka waxaana uu mar ahaa macalin Dugsi Quraan.

Xaybatullaahi Akhundzada waxaa uu sidoo kale mar soo noqday gudoomiyaha maxkamadaha sharciga ee dalka Afghanistan intii Taliban dalkaasi xukumaysay.

Inkastoo aan la ogeyn jihada uu ururkaan u wadi dooono haddana dadka falanqeeya arrimaha gobolka waxay aaminsan yihiin inuu shaqsi ahaan yahay nin go’aan qaadasho adag leh.

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip