Guzman oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday meel uu ku dhuumanayay

0
Sunday October 18, 2015 - 10:57:37 in Wararka by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guzman oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday meel uu ku dhuumanayay

    Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya Joaquin Guzman oo si cajiib ah uga baxsaday xabsi ku yaal dalka Mexico inuu ku dhaawacmay howlgal lagu doonayay in lagu soo qabto Waqoyigalbeed dalka Mexico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya Joaquin Guzman oo si cajiib ah uga baxsaday xabsi ku yaal dalka Mexico inuu ku dhaawacmay howlgal lagu doonayay in lagu soo qabto Waqoyigalbeed dalka Mexico.

Hogaamiyahan ayaa la sheegay in uu ka dhaawacmay wajiga iyo lugta sida ay shaacisay dowlada Mexico. Mas’uuliyiin u hadashay xukuumada Mexico ayaa sheegtay in ay socdaal dadaalo lagu doonayo in lagu qabto Guzman oo ka baxsaday bishii July xabsi kuyaal Mexico kadib markii musqul uu isticmaalayay hoosteeda laga soo qoday god dheer oo uu ku baxsaday xilli habeenimo ah.

Shabakada warbaahinta Maraykanka ee NBC ayaa qortay in ciidamada badda ee Mexico ay xireen deegaan lagu magacaabo Sinaloa toddobaadkii hore kadib markii ciidamada la dagaalama maandooriyaha dowlada Maraykanka ay dhexda u galeen taleefan uu isticmaalayay El Chapo kaas oo ku dhuumanayay buuraha Sierra Madre una dhow magaalada Sinaloa Cosala.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in diyaarado helikabtaro ah lagu weeraray keyntii uu ku dhuumanayay Guzman hase ahaatee ciidamadii howlgalka waday ay dib u soo laabteen kadib markii ay iska cabin xoog leh kala kulmeen ilaalada Guzman.

Markii ayay ciidamada Marineska Mexico waxa ay weerarkooda u bedeleen dhinaca dhulka waxana ay heleen taleefano gacan qaad ah,daawooyin iyo qalab kale. Guzman iyo asxaabtiisa ayaa la rumeysan yahay inay ku baxsadeen gaadiid dheereeya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip