Barnaamij gaar ah oo looga hadlay xiisadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israel

0
Sunday October 18, 2015 - 10:53:59 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamij gaar ah oo looga hadlay xiisadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israel

    Barnaamijkan oo macluumaad badan xambaarsan, ayaa waxaa ka qaybgalay Dr. Sacad Sheekh Cismaan iyo Dr. C/wahab Sheekh C/samad, waxaana si weyn loogu lafa-guray xaaladda adag ee ka dhex taagan Falastiin iyo Israel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijkan oo macluumaad badan xambaarsan, ayaa waxaa ka qaybgalay Dr. Sacad Sheekh Cismaan iyo Dr. C/wahab Sheekh C/samad, waxaana si weyn loogu lafa-guray xaaladda adag ee ka dhex taagan Falastiin iyo Israel. Barnaamijka oo ah mid aad u xiiso badan, ayaynaan dhegahaagu ka daali doonin dhageysigiisa. Waxa uuna Jimcihii ku baxay Barnaamijka Jimcaha (Waxay ila tahay) ee Laanta afka Somaliga BBC.

Israel waxay dareensan tahay inaanay wax faa’iido ihi ugu jirin xiisadda kala dhaxeysa Falastiin, ayna muhiim tahay in la qaboojiyo xaaladda hadda jirta.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa waxa uu Falastiiniyiinta ugu baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo, waxaase ku gacan-seyray Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas. Tani waxay ka dambeysay markii Ra’iisal Wasaaraha Israel uu iclaamiyay kulan uu Madaxweynaha Falastiin ugala hadlaayo, sidii lagu soo afjari lahaa dhibaatada taagan.

Xiriir wanaagsan oo dhex mara Falastiin iyo Israel, ayaa waxay dad badani qabaan inay ku imaan karto, iyadoo la helo laba dowladood oo deris ah, balse taasi uma muuqato mid ay diyaar u tahay Beesha Caalamka.

Kacdoonka ay samaynayan dadka reer Falastiin, ayaa waxaa dareen laga muujinaya in uu noqdo kacdoonkii saddexaad ay ebid sameeyan, inta ay taariikhda xuseyso.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip