Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab
Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Galkacyo, ayaa waxa uu sheegay in raggaasi baaritaan la marsiinayo, si faah faahin badan looga helo waxa ay yihiin iyo haddii ay jiraan xubno kale oo ku wehlinaayay joogitaankooda Magaalada.
Maxamed Cali Nuur, ayaa ka dhawaajiyay inaanay weli dhallan dadkii amni darrada ka abuuri lahaa Koonfurta Magaalada Galkacyo, haddii ay dhasheena ay la kulmi doonaan gacanta adag ee Ciidanka Galmudug.
Korneyl Gadaar, ayaa waxa uu ugu yeeray nabadiidka uu ugu baaqay inay ka fogaadan qalalaaso, ay ka abuuraan Koonfurta Galkacyo, haddii kalana ay wejihi doonaan jawaab adag.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidanka Galmudug ay ku daba jooggan xubno ka tirsan Shabaabka, oo sida la sheegay gudaha u soo galay Xarunta Gobolka Mudug.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab
Ciidanka Maamulka Galmudug oo Sabtidii hawlgal ka sameeyay Koonfurta Magaalada Galkacyo Ee Gobolka Mudug, ayaa waxay ku soo qab qabteen tiro rag ah, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab. Raggan, ayaa waxaa la tuhunsan yahay in qalqal amni ay ka a