Nin Falastiini ah oo toorey ku eryaday askari hubeysan oo Israeli ah (Daawo Sawirada)

0
Sunday October 18, 2015 - 10:11:13 in Wararka by
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Falastiini ah oo toorey ku eryaday askari hubeysan oo Israeli ah (Daawo Sawirada)

    Nin reer Falastiin ah, ayaa sameeyay dhacdo indhaha bulshada caalamka soo jiidatay, ka gadaal markii uu toorey ku eryaday mid ka mid ah Ciidanka Israel, maalintii Jimcaha. Ninkan oo ka mid ahaa dadka reer Falastiin ee degan Magaalada Al-khalil, ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin reer Falastiin ah, ayaa sameeyay dhacdo indhaha bulshada caalamka soo jiidatay, ka gadaal markii uu toorey ku eryaday mid ka mid ah Ciidanka Israel, maalintii Jimcaha. Ninkan oo ka mid ahaa dadka reer Falastiin ee degan Magaalada Al-khalil, balse ay Israel ugu magac-dartay Hebron, ayaa waxa uu iska soo dhigay nin Suxufi ah, wuxuuna askarigaasi uu ku beegsaday wado bannaan. Askari u soo gurmaday askarigaasi, ayaa ninkaasi ku amray in uu joojiyo mindida uu la dhacaayo, illaa markii dambe uu rasaasta nool nool u adeegsado, una geeriyoodo.

Warbaahinta caalamka oo wax ka qortay dhacdadaasi, ayaa sheegtay in ninkaasi uu dhaawac culus u gaystay ninka askariga ah, markii uu dhawr meel kaga dhuftay mindada. Dhaawaca askarigaasi waxaa gurmad deg deg ah u sameeyay askarta Israel, iyagoona kolkii dambe u qaaday goobaha caafimaadka.

Israel waxay dareensan tahay inaanay wax faa’iido ihi ugu jirin xiisadda kala dhaxeysa Falastiin, ayna muhiim tahay in la qaboojiyo xaaladda hadda jirta.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa waxa uu Falastiiniyiinta ugu baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo, waxaase ku gacan-seyray Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas.

Tani waxay ka dambeysay markii Ra’iisal Wasaaraha Israel uu iclaamiyay kulan uu Madaxweynaha Falastiin ugala hadlaayo, sidii lagu soo afjari lahaa dhibaatada taagan.

Xiriir wanaagsan oo dhex mara Falastiin iyo Israel, ayaa waxay dad badani qabaan inay ku imaan karto, iyadoo la helo laba dowladood oo deris ah, balse taasi uma muuqato mid ay diyaar u tahay Beesha Caalamka.

Kacdoonka ay samaynayan dadka reer Falastiin, ayaa waxaa dareen laga muujinaya in uu noqdo kacdoonkii saddexaad ay ebid sameeyan, inta ay taariikhda xuseyso.

Hebron Hebron1 Hebron2 Hebron3 Mideast Israel Palestinians Hebron5 Mideast Israel Palestinians PALESTINIAN-ISRAEL-CONFLICT Hebron8





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip