WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 18KA OKTOOBAR 2015KA
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu ka hadlay baahida keentay dib u dhaca ku yimid furitaanka Fadhiga 7aad.
"Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinaya in Furitaanka Fadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka October, 2015, dib loo dhigay 25ka October, 2015 si loo dhammeystiro hawlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Fadhiga.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.
"Waxaa laga codsanayaa in Xildhiibaannada dhammantood ay dalka soo galaan, diyaarna u noqdaan xil gudashada uga beegan Fadhiga 7aad ee Golaha Shacabka.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Jawaari, ayaa intaa hadalkiisa ku daray "Sidoo kale Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha, ayaguna inay ugu dambeen dalka soo galaan 23ka October, 2015.”
RA'IISAL WASAARE SHARMA'ARKE OO BOOQDAY MID KA MID MASAAJIDDA UGU FACA WEYN MUQDISHO..
Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid ayaa booqday Masjidka Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi oo ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu aabihii C/rashiid Cali Sharma'arke horay u tegi jiray. Xubnaha la socday Ra’iisal Wasaaraha waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha nabad sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Tuuryare, Nuur Xasan Xuseen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd iyo madax kale oo fara badan.
Cumar C/rashiid iyo madaxda la socotay ayaa booqday qeybaha uu ka kooban yahay masjidkaasi, iyagoona halkaasi kula kulmay culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo uu ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin, qadiibyada Masjidka iyo culimaa’udiin fara badan.
Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiin iyo xubno horay uga tirsanaa xukuumadihii dalka soo maray ayaa ka mid ahaa xubnaha uu Ra’iisal Wasaaraha kulanka la yeeshay, waxaana odayaasha dhaqanka ka mid ahaa Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye.
"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada Ra’iisal Wasaaraha uu ku yimid halkaan, mana ahayn markii hore wax sahlan in mas’uuliyiinta Dowladda ay dadkooda dhex galaan” ayuu yiri Malaaq Cali Maxamed.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) isagoo sheegay in booqashada Ra’iisal Wasaaraha uu ku tegay Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi ay ka tarjumeyso xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya madaxda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
IMAARAADKA CARABTA OO DOWLADDA SOMALIYA KA TAAGEERAYSA BIXINTA MUSHAARAADKA CIIDAMADA
Kadib kulan Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Somaliya Maxamed Aadan Ibraahin Fargeeti iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somaliya, ayaa waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis dhigaayay in Imaaraadka ay taageeraan Ciidamada Dowladda Somaliya.
Imaaraadka Carabta waxa ay Dowladda ka taageerayaan bixinta Mushaaraadka ciidamada qalabka sida, xilli dhibaato adag ay ka taagan tahay Mushaarka ciidamada la siiyo.
Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Somaliya Maxamed Aadan Ibraahin, ayaa sheegay inay tahay tallaabo wanaagsan oo muuqato, kol hadii Imaaraadka ay ka taageerayaan bixinta Mushaaraadka ciidamada Dowladda.
Wuxuu ku tilmaamay arin wanaagsan oo muujinaysa sida Dowladda Imaaraadka Carabta ay u garab taagan tahay Dowladda Federalka Somaliya.
Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somaliya Mohammed Al Othman, ayaa sheegay Dowladda Imaaraadka carabta inay mar waliba garab taagan tahay Dowladda Federalka Somaliya.
Wuxuu sheegay hada inay ka taageerayaan dhanka ciidanka, gaar ahaan Mushaarka ay qaataan ciidamada, inkastoo Imaaraadka uusan wada bixineyn dhamaan ciidamada Mushaarkooda, hadana qarashkaa uu bixinayo waxa ay noqon doonaan kuwa lagu kaabo Mushaaraadka ciidamada.
Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Cali Baashi ayaa soo dhaweeyay tallaabada Dowladda Imaaraadka ay ku bixinayso Mushaaraadka ciidamada Xooga dalka Somaliya. Ciidamada Xooga dalka Somaliya oo taageero kala duwan ka hela dalal ka mid ah kuwa aduunka ayaa dhaqaalaha magacooda lagu soo qaado, badi si gaar ah loo isticmaalaa.
MAAMULKA BANAADIR OO SHAACIYAY IN DHAWAAN LA FURAYO WADDOOYINKA XIRAN EE MUQDISHO
Maamulka gobalka Banaadir ayaa shalay shaacayay in waddooyinka xiran ee Muqdisho dhammaantood la furayo oo aysan jiri doonin wixii ka dambeeya shalay waddo xiran.
Afhayeenka gobalka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u xiran yihiin 36waddo oo Muqdisho ku yaalla, isla markaana ay ka go’an tahay inay dhammaantood cagta mariyaan oo ay dib u furaan.
"Waddo xiran kama jiri doonto magaalada Muqdisho, arrintanna waxaa ku ugu dhawaaqay guddoomiyaha gobalka ahna duaqa Muqdisho iyo Xeerilaaliyaha Qaranka,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in Duqa Muqdisho uu leeyahay mas’uuliyadda wadada la xirayo iyo tan la furayo, maalmaha soo socdana aysan ka jirayn magaalada Muqdisho waddo xiran.
"Tirada waddooyinka xiran ee ku yaalla Muqdisho waa 36waddo, waxayna u xiran yihiin shaqsiyaad gaar ah, dhammaantoodna cagta ayaa la marin doonaa; dib ayaana loo furayaa,” ayuu mar kale yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Dhanka kale, Xalane ayaa xusay inay waajib tahay in amniga la ilaaliyo, sidoo kalena loo furo shacabka waddooyinka xiran, kuwaasoo uu xusay inay caqabad weyn ku yihiin isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, waddooyin badan oo ku yaalla Muqdisho ayaa xiran, kuwaasoo la sheegayo inay u xiran yihiin arrimo dhanka ammaanka ah, waxaana inta badan xirtay waddooyinkaas hay’adaha gargaarka ee Muqdisho xafiisyada ku leh.
DIBLOMAASIYIIN SOOMAALI AH OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY DALKA INDIA
Illaa iyo 20 diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah ( Hal bil ) loogu soo gabagabeeyay Magaalada New Delhi ee caasimadda India .
Tababarkani oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ( Foreign Service Institute ) ayaa diblomaasiyiintani waxa ay ku barteen Maadooyin la xiriira arrimaha diblomaasiyadda , Siyaasadda , Amniga , Dhaqaalaha , Caafimaadka iyo Tiknoloojiyadda, iyadoo mudadii tababarkaasi socday ay socdaalo iyo booqashooyin ku kala bixiyeen Magaalooyinka Agra , Hyderabad iyo goobo kale .
Munaasabad lagu soo xirayay Tababarkan oo ka dhacday Xarunta Machadka , ayaa Madaxa Kooxda diblomaasiyiinta Soomaalida ee tababarkan ka qeybgalay waxa uu kaga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka India fursadan ay u siiyeen in dalkooda ay wax ku bartaan diblomaasiyiin Soomaaliyeed, isagoo ka rajeeyay Dowladda India inay sii kordhiso taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya .
Mr. Anil Wadhwa oo ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda India ee Arrimaha Bariga ayaa ka sheekeeyay Xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo India , isagoo xusay in India ay garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, diyaarna u tahay gudbinta waayaaragnimada iyo aqoonta maamul . Ms. Nengcha Lhouvum , Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ( FSI) ayaa sheegtay in kooraska la siiyay diblomaasiyiinta Soomaalida uu ahaa mid heerkiisu sareeyo , oo lagu barayay Xiriirka Caalamiga, Qaanuunka dowliga , horumarinta iyo dhammaan arrimaha casriga ah ee la xiriira diblomaasiyadda ,iyadoo ku ammaantay diblomaasiyiintan sida wacan ay uga qeyb qaateen tababarkan .
Munasabadan oo si heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa diblomaasiyiintaasi lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinka tababarka .
Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India
CIIDAMADA ITOOBIYA OO BILAABAY INAY KA BAADIGOOBAAN GARBAHAAREY GUDOOMIYAHA GOBOLKA GEDO
Wararka ka imaanaya MNagaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay Shalay halkaa ka wadaan Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay Gacanta ku dhigaan Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay bilaabeen Baadi goobka Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo Degmada ku sugan, taasina ay tahay dhibaato hor leh.
Mudanahaan ayaa sheegay in dad Shacab ah oo ku sugan Degmada ay dhankooda bilaabeen Banaanbaxyo ay ku diidan yihiin in Ciidanka Itoobiya ay Xabsiga dhigaan Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo. Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay Xilka uga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Gedo, wuxuuna ku badalay Mas’uul kale.
DOWLADDA MARAYKANKA OO KALA HADASHAY SOOMAALIDA MINNESOTA KA HORTAGA XAGJIRNIMADA
Andrew Luger Xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay bulshada Soomaalida ee magaalada Minneapolis, waxaana kulanka looga hadlay qaabka looga hortagayo xagjirnimada dhalinyarada Soomaalida iyo qorshaha ay dowlada Maraykanka ku taagereyso bulshada qurbo joogta ah.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay urur ay leeyihiin hooyooyinka Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Voice of East Africa Women, waxaana ka qeyb galay saraakiisha ammaanka iyo kuwa sharciga fuliya.
Andrew Luger Xeer Ilaaliyaha guud ee Minnesota oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Maraykanka ay ku taageereyso Soomaalida dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Minnesota ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in dowlada Maraykanka ay taagerto dhalinyarada Soomaalida taasoo uu sheegay in talaabadan ay tahay mid looga hortagayo ficilada argagixisada.Dhanka kale Farxiya Khaliif Maxamuud madaxda ururka Voice of East African Women oo kulanka ka hadashay ayaa u sheegtay Iddaacada VOAda in ururkeedu uu taageero buuxda siinayo,iskaashi dhexmara maamulka gobolka Minnesota iyo bulshada Soomaalida.
QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE DOONAYA INAY DALKOODA DIB UGU LAABTAAN OO CAAWIMAAD LOO RAADINAAYO.
Wrarka laga helaayo dalka kenya ayaa sheegaya in ku dhowaad 5,000 oo qaxooti Soomaali ah ka laabtay xeryaha qaxootiga Dadaab ee Kenya tan iyo bishii December 2014, halka 4,500 oo kalena ay is diiwaangeliyeen si ay dalkooda ugu laabtaan.
Hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha qaxootiga UNHCR ayaa Jimcihii daraad ku dhawaaqday in loo baahan yahay in la kordhiyo caawimaadda la siinayo qaxootiga dib ugu lkaabanaaya dalkooda si loo dhiirrigeliyo in qaxootiga ku jira xeryaha ay ku labtaan dalkooda.
Hay’adda ayaa sheegtay in sidoo kale qaxooti Soomaali oo dhan 26,000 ay ka carareen colaadda dalka Yemen iyagoo ku laabtay dalkooda, iyadoo Afhayeenka UNHCR Adrian Edwards oo shir jaraa’id ku qabtay Geneva uu sheegay in loo baahan yahay caawimaad dheeraad ah iyo maalgalin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshada ee Soomaaliya.
Afhayeenka Wuxuu sheegay in qaxooti badan oo rabi lahaa inay ku laabtaan dalkooda ay ka cabanayaan helitaanka adeegyo waxbarasho iyo caafimaad ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in caqabaddaasi ay tahay tan ugu wayn ee ka hor istaagaysa inay dalkoodadib ugu laabtaan.
XOOGAGA SHABAAB OO LEEXSADAY GAARI CABDI BILLE AHAA OO QAAD U SIDAY GARBAHAAREY
Gaari uu noociisu ahaa Cabdi Bille oo qaad u siday Magaalada Garbahaarey, ayaa waxaa shalay jidga u galay oo leexsaday Xoogaga Ururka Al Shabaab, iyadoo aan la aqoon goobta ay la taggeen.
Gaarigan oo qaadka ka soo qaaday Degmada Beled Xaawo, ayaa waxaa la socotay illaa saddex nin, oo lagu kala sheegay milkiilihii gaariga, darawalkii iyo ninkii kirishboyga ka ahaa. Xoogaga Al Shabaab, ayaa gaarigaasi ka leexsaday Deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 18km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey. Shabaabka si buuxdo ugama arrimiyan Tuulo Barwaaqo, balse waxaa dhacda inay mararka qaarkood ka soo dul dhacaan, oo ay yimaadan.
Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa u sheegay gaarigu in uu waday 22 jawaan oo qaad ah, wuxuuna qaadkaasi ahaa buu yiri dalabaad laga kala sugaayay Garbahaarey iyo Buurdhuubo.
Maamulka Shabaabka, ayaa waxay mamnuuceen in qaadka laga cuno amaba looga ganacsado Gobolkaasi, waxayna ku hanjabeen in ay gubi doonaan gaariga iyo qaadka saaranba, marka ay gacanta ku dhigaan.
Maxkamadaha Al Shabaab, ayaa waxaa horey loo horkeenay dad gaadiid ku waday qaadka, waxayna ku xukumeen xabsiyo sanado ah iyo ganaax lacageed.
Ururka Al Shabaab, ayaa marar kala duwan Tuulo Barwaaqo ku qabtay gawaari qaad u siday Garbahaarey. Waxaana marar kala duwan dhacday inay qoriga sabanka/baasuukaha ku dhufteen gaadiid qaad waday, oo ka baxsaday.
SHAQAALAHA DIYAARADII KU DHACDAY CARBISKA OO SHALAY DALKOODA KU LAABANAYA
Shaqaalaha diyaaradii xamuulka ahayd ee dhowaan ku dhacday Carbiska ayaa lagu wadaa in shalay ay dib ugu laabtaan dalkooda.
Duuliyaashii diyaarada iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeynayay diyaarada oo tiradoodu gaareyso lix ayaa dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan dalka Masar. Waxaa soo baxayay warar sheegayay in shaqaalahan lagu xirey xabsi kuyaal garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee, Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegayay in shaqaalahan la xirey, Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye aan la xirin oo ay deggen yihiin mid ka mid ah hoteelada Muqdisho ayna haystaan baasabooradooda.
Shaqaalaha diyaaradan oo dhawaan ku dhacday duleedka Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose oo ahaa lix ruux ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Taariq Bayonmay, Ahmed Baradaj, Mohamed Subxi, Shaxata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Abdi Sadaq.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Tristar oo ka diiwaangashan Masar iyadoo xilli habeen ah ku soo aaday Muqdisho.
MAXKAMAD KU TAALLO DALKA KENYA OO XUKUN DIL AH KU RIDAY SHAN NIN
Maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riday shan ruux oo lagu eedeeyay inay horay u dileen haweenay Waayeel aheyd oo ku noolayd xaafad ku taalla Magaalada Kisumu ee dalka Kenya.
Dhageysiga eedeymaha shantaan nin loo soo jeediyay, kadib iyo marqaatiyaal maxkamada la horkeenay, ayaa Garsoorihii maxkamada waxa uu gaaray go’aan ah in shanta nin xukun dil ah lagu riday, kadib eedeymaha loo soo jeediyay oo cadeymo loo helay.
Raggaan ayaa lagu eedeeyay in ay dileen, haweenay waayeel ah oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leedahay arimo ku saabsan sixirka, waxaana ay u dileen qaab fool xumo ah.
Dilka haweeneydaasi oo lagu magacaabi jiray Ann Wanjiku ayaa muddo 5 sano ah ka hor ka dhacay xaafad ku taalla magaalada Kisumu ee dalka Kenya.
Xilliga falka dilka ah Ms Wanjiku loo geysanaayay ayaa guriga waxaa la joogtay gabar walaasheed ah oo lagu magacaabo Damaris Muthoni taas oo xaakinka maxkamadda Nakuru Roselyne Wendo u sheegtay in eedeysanayaasha ay ka diideen codsi ay u jeedisay oo ahaa in walaasheed ay saldhiga Booliska geeyaan ka hor inta aysan dilin.
Shantaan nin ayaa hada xiran waxaana ay sugayaan in lagu fuliyo xukunka dilka ah ee maxkamada ay ku xukuntay.
Dilka 5sano ka hor ay u geysteen haweenayda waayeelka aheyd ayaa la sheegay in iyadoo nool ay jiideen, kadib markii ay ka daaleen sidii ay u garaacayeen.
Maxkamada ayaa 14maalmood fursad u siisay inay racfaan ku qaadan karaan ragga lagu xukumay dilka.
BANAANBAX LAGU DIIDAN YAHAY MAAMULKA DEGMADA GARBAHAAREEY OO KA DHACAY DEGMADAASI
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, Banaanbax lagu diidan yahay Maamulka Axmed Madoobe uu u soo magacaabay Magaalada Garbahaareey ayaa saaka ka dhacay Magaaladaasi.
Banaanbaxan waxaa isugu yimid shacabka Degmada Garbahaareey oo intooda badan taageersan Maamulkii hore ee Degmada iyo sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Qaar ka tirsan dadka Banaanbaxa dhigaayay, ayaa Warbaahinta u sheegay inay isugu soo baxeen inay muujiyaan inaysan ku qanacsaneyn Maamulka Axmed Madoobe uu u soo magacaabay Degmada Garbahaareey.
Dadka waxa ay sheegayaan inaysan la shaqeyn karin Maamulka sababo ku aadan inaysan raali ka aheyn, waxa ay sidoo kale dadka ka cadheysan yihiin Dhoolatus la sheegay ciidamada Itoobiya inay ku soo bandhigeen Xaafadaha Magaalada Garbahaareey.
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay bilaabeen baadigoobka Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Arintaan ayaa waxaa ka dambeeya Maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay Magaalada Garbahaareey, waxaana ay kaashanayaan ayuu yiri Xildhibaan Magan ciidamada Itoobiya.
Tan iyo markii Axmed Madoobe uu shaaciyay in uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, waxaa Gobolkaasi ka taagnaa Khilaaf dhanka Maamulka ah oo u dhaxeeya maamulka cusub iyo Maamulkii hore.
FAAHFAAHIN LA XIRIIRTA QAABKII LAGU SOO FURTAY MACALLIMADII LAGA AFDUUBTAY DHADHAAB KENYA
Xukuumadda Kenya ayaa faahfaahinno dheeraad ah ka bixiyay qaabkii ay u soo furteen haweeney macallimad ahayd oo dhawaan ay xoogagga Alshabaab kasoo afduubeen gudaha Kenya, iyagoo xusay inay ciidamada amniga Kenya iyo kuwa ciidamada Somalia ee ku sugan Jubbooyinka ay xoog kusoo furteen.
Kaaliyaha taliyaha ciidanka booliiska Kenya Cumar Shuuriye Ibraahim oo la hadlay VOAda isla markaana hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in hal qof oo ka tirsan kooxihii ay la dagaalameen ee haweeneyda afduubka ku haystay ay ku dileen intii howlgalkooda uu socday.
"Waxaan codsi u dirsanay ciidamada dowladda Soomaaliya si aan dalkooda u galno oo aan haweeneydan macallimada ahayd aan kusoo furanno, way noo oglaadeen inaan gudaha u galno, waxaana dagaal la galany innagoo kaashanayna ciidanka dowladda Somalia, waxaan dilnay mid ka mid ah kooxihii haweeneyda afduubka ku haystay, wiil ay haweeneyda la afduubeen wuu baxsaday, haweeneydiinna waan soo furannay,” ayuu yiri Cumar Shuuriye.
Sidoo kale, wuxuu xusay in hal askari uu dhankooda howlgalka dhaawac kaga soo gaaray, maydkii ninkii ay dileen iyo qorigiisiina ay soo qaateen, ayna Gaarisa geyn doonaan, si ay u hubiyaan dalka uu u dhashay.
Mar la weydiiyay kaaliyaha in lagu dhaliilay inaysan haweeneyda iyagu soo furan balse ay soo furteen ciidamada Somalia ayuu ku jawaabay. "Waa been warkaan; waayo lug baan ku raadinayay labadii maalmood ee macallimadu ay maqnayd; balse haddii aan ogaan lahayn mar hore ayaan gacanta ku soo dhigi lahayn.”
Waxaa kaloo la weydiiyay kaaliyaha taliyaha booliiska Kenya inay Soomaalida ku sugnaa goobaha ay howlgalka ka sameynayeen kaalmada ay ka heleen, isagoo sheegay in kaalmo ay ka heleen, inkastoo ay kaalmadu iska yarayd oo ay gadaal ka cabsnayeen.
"Shacabka waxaan kula dardaarmayaa inay cabsida iska daayaan; waayo dalkooda ayay joogaan, markii ay la kulmaan dhibaatooyin noocan oo kale ah ay lasoo xiriiraan ciidamada oo ay warbixin soo siiyaan si tallaabo loo qaado,” ayuu mar kale yiri Cumar Shuuriye.
Ugu dambeyn, mar la weydiiyay kaaliyaha taliyaha booliiska Kenya wuxuu kula talinayo hay’adaha ee aan wadan ciidammo amnigooda suga ayuu ku jawaabay. "Taladeydu waxay tahay in sharciga la raaco oo marka ay meel kale aadayaan ay ciidammo qaataan amigooda sugo, inaguna waxaan isku dayi doonnnaa in amniga la sugo.”
Si kasta ha ahaatee, haweeneydan macallimadda ah oo u dhalatay dalka Kenyan ayaa lagu magacaabaa Judy Mukowme, waxayna kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ka afduubeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ula soo tallaabay dhanka Somalia, balse daraad gacantooda laga bixiyay.
TANZANIA OO SHAACISAY INAY BILLAABAYSO DHISMAHA DEKEDDA UGU WEYN GOBOLKA BARIGA AFRIKA
Dowladda Tanzania ayaa shaacisay in ay billaabayso dhismaha dekedda ugu weyn Bariga Afrika, taasoo dhismaheeda laga billaabayo xeebta loo dalxiis tago ee magaalada Bagamoyo.
Dekeddan ayaa waxay qaadi doontaa 20milyan oo konteenar sannadkiiiba, taas oo ah laba jibaar xajmiga ay qaaddo dekedda magaaladaDarusalam ee caasimadda dalka Tanzania.
Mashruucan ayaa waxaa ku bixi doonta lacag dhan 11bilyan oo doollar, iyadoo inta badan lacagtan ay ku deeqi doonto xukuumadda Shiinaha oo dhisaysa dekeddaan cusub oo loogu magacdaray Bagamoyo.
Sidoo kale, xukuumadda Tanzania ayaa sheegtay in dhismaha dekedan lagu soo gunaanadi doono muddo laba sano gudahood ah, isla markaana loo sameynayo waddooyin ay maraan gaadiidka iyo kuwo ay maraan tareennada.
Mas’uuliyiinta xukuumadda Darusalaam ayaa sheegay in dekeddaan ay noqonayso mid ay kula tartamaan waddanka ay dariska yihin ee Kenya ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah, iyagoo sheegay inay dhismaha dekeddan muhiimad weyn ugu jirto dalkooda.
Bagamoyo ayaa waxay u jirtaa qiyaastii 75km magaalada Daarusalam ee dalka Tanzania, iyadoo ah magaalada uu kasoo jeedo madaxweynaha Tanazania Jakaya Kikwete, iyadoo la filayo inuu dhagaxdhigo dhismaha dekedan cusub.
Ugu dambeyn, Bagamoyo ayaa ahaan jirtay caasimadii gumeystihii Jarmalka oo ku sugnaa Bariga Afrika. Waxay kaloo ahayd magaalladii la isugu geyn jiray dadka adoonsi ahaanta loo qabsado ka hor intaan la dhoofin.
DOWLADA JARMALKA OO SHEEGTAY IN KENYA AY KA TAAGEERAYSO LA DAGAALANKA XARAKADA AL SHABAAB
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in kenya ay ka caawin doonto dagaalka ay kula jirto xarakada Al Shabaab islamarkaana ay Kenya la yeelan doonto xiriir hoose oo ku saabsan dhinaca ammaanka sida uu sheegay safiirka jarmalka u fadhiya dalka kenya.
Safiirka jarmalka ee kenya jutta frasch ayaa sheegtay in Jarmalka iyo Kenya aylee yihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah iyadoo xustay in jarmalka ay kala shaqeyn doonto Kenya barnaamijyo badan oo horumarineed.
Madaxa weynaha dalka kenya oo dhawaan magaalada Nairobi kula kulmaysafiirka dowlada jarmalka ee kenya ayaa si weyn usoo dhaweeyay qorshaha dowlada Jarmalka ee kenya ay kaga taageereyso la dagaalanka dhaqdhaqaaqa Al Shabaab
Xarakada Al Shabaab ayaa marar badan gudaha kenya uga fuliyey weeraro badan oo khasaaro gaystay iyadoo dowladda kenyana ay waddo howlgalo ay kula dagaalamayaan Al Shabaab
SHIR LAGU MIDEYNAYO MAAMULLADA KHAATUMO IYO MAAKHIR OO KA DHACAY MUQDISHO
Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullahi Jamac ayaa Goobjoog News uga waramay shir shalay Muqdisho ka dhacay oo looga hadlayMaamul u sameynta Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in horay halkaas looga sameeyay Maamullo kala duwan sida Maakhir iyo Khaatumo oo midba oo gobol joogo, shalay ay tahay xiliigii ay isu iman lahaayeen.
Xildhibaan Cabdiwaaxid waxaa uu soo qaatay in iyadoo laga amboqaadayo heshiiska Soomalaida ee ah in 2 gobol iyo wixii ka badan ay Maamul sameysan karaan ay ku heshiiyeen in labada Maamul ee Maakhir iyo Kaatumo isu geeyaan oo shir loo qabto bulshada labada dhinac si ay uga soo baxdo maamul ay ku mideysan yihiin.
Cabdiwaaxid waxaa uu sheegay in shirka shalay ka qeyb galeen Salaadiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, dad horay madax uga soo noqday labada dhinca iyo Xildhibaanada iyo Wasiirada goboladaas.
Xildhibaanka ayaa ku dooday in shirkan ay ogolyihiin Maamullada ladaba gobolee la sheegay in la mideynayo, inta joogtana ay Matalaan inta maqan, oo ay arinta tahay war taga shaday.
Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis
Ogeysiis Muhiim ah oo ay kuu heyso The Ministry of finance the federal government of somalia
Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force…
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 18KA OKTOOBAR 2015KA
FURITAANKA FADHIGA 7AAD EE BAARLAMAANKA SOMALIYA OO DIB U DHAC UU KU YIMID Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu xaqiijiyay dib u dhaca ku yimid Fadhiga 7aad, xilli lagu waday in 21aad bishan uu si rasmi ihi kaga furmo Magaalada Muqdi