Emirate-ka Carabta oo saxiixay heshiis mushaaraadka lagu siinayo Ciidamada Dowladda (SAWIRRO)

0
Saturday October 17, 2015 - 19:26:56 in Wararka by
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Emirate-ka Carabta oo saxiixay heshiis mushaaraadka lagu siinayo Ciidamada Dowladda (SAWIRRO)

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farketi, ayaa maanta heshiis ay dowladda Imaaradku ay ku bixinayso mushaarka ciidamada kula saxiixday Safiika Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Emiratka Amb. Mohammed Ahmed Othm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farketi, ayaa maanta heshiis ay dowladda Imaaradku ay ku bixinayso mushaarka ciidamada kula saxiixday Safiika Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Emiratka Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi. heshiiska, ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasaaradda Gashaandhga oo dhankeeda u saxiixay Abaanduulaha Ciidamada Jen. Cali Baashe iyo shirkada Gor-Gor Solution oo loo xilsaaray bixinta mushaaradka ciidamadda. Ugu horayntii Abaanduulaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ciidanka loo helo mushaar joogto ah oo la qaato xili go’an, taas oo wax weyn ka badali karta dhibaatooyinkii mushaaradka oo mar-mar badan soo daahi jiray, waxaana dadajinaynaa dib u habaynta ciidanka oo hada si wanaagsan u socota.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Isutaga Emiraadka Carabta, ayaa dhankiisa sheegay in xariirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid aad u xoogan, sidaas daraadeedna aan go’aansanay saarayno inaan dowladda ka caawino bixinta mushaaradka ciidamadda, taas oo qayb ka ah mashaaricda aan ugu tala galnay inaan kor ugu qaadno tasiilaadka dowladu u baahan tahay,

Wasiirka Maaliyadda, ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka soo food saaray ay sabab u noqotay in ay daahaan mushaaraadka ciidamadda. Taas oo loo aanayn karo miisaaniyadda 2015-ka oo dib u dhac ku yimid qaybtii ay ku kabi jireen deeq bixiyayaaha caalamka.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta la saxiixdo heshiis lagu bixinayo mushaaraadka ciidamadda Safiirka Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi  oo runtii markast u taagan sidii loo markasta garab taagaan dowladda Soomaaliya. Xaqiiqdii bixinta mushaaradka ciidanku wuxuu naga yaraynayaa culayskii xaga dhaqaalaha ee naga haystay dhanka musharaadka, waxaana dadaal u galaynaa inaan dhaqso u bixino dhamaan mushaaradkii ka daahay ciidamada” ayuu wasiir Fargeeti.

Ugu dambeen Wasiirka, ayaa sheegay inuu uga mahadclinayo ciidamada qalabka sida adkaysiga ay muujiyeen, hada ka dibna ay joogto u heli doonaan mushaarodkooda iyo dhamaan xuquuqaha ay leeyihiin.HeshiisHeshiis1Heshiis2Heshiis3Heshiis4Heshiis5Heshiis6

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip