Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya 36-wado oo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho inay u xiran yihiin shaqsiyaad gaar ah oo ku nool Magaalada Muqdisho.

0
Saturday October 17, 2015 - 18:50:54 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya 36-wado oo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho inay u xiran yihiin shaqsiyaad gaar ah oo ku nool Magaalada Muqdisho.

    36 wado oo si sharci darro ah ku xiranee ku yaala Magaalada Muqdisho ayuu maamulka gobolka banaadir sheegay in aysan sii xirnaan doonin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

36 wado oo si sharci darro ah ku xiranee ku yaala Magaalada Muqdisho ayuu maamulka gobolka banaadir sheegay in aysan sii xirnaan doonin Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay Maamulka Gobolka in uu bilaabayo furista wadooyin si sharci daro ah ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay inaan loo dul qaadaneyn shaqsiyaadka u xiran wadooyinka.

Arintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Generaal Muungaab uu ku dhawaaqay amar ah in la furo wadooyinka Magaalada Muqdisho ee sida sharcidarada ah u xiran.

"Magaalada Muqdisho wado xiran ma jiri doonto, waxaa taas ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobalka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka, duqa magaalada ayaa mas’uul ka ah waddo hadii la xirayo ama la furayo, maalmaha soo socda waddo xiran xamar kuma taalli doonto, 36 waddo oo Xamar ku taalla ayaa shaqsiyaad gaar ah u xiran, dhammaan cagta ayaa la marin doonaa waana la furayaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in la furaayo wadooyinka Magaalada Muqdisho ee sida sharcidarada ah u xiran.

Marka aad fiirisid wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaad arkeysaa wadooyin badan oo shacabka muhiim u ah isticmaalkooda oo dhagxaan waaweyn lagu jaray, iyadoo la eegaayo danta shaqsi qura, balse ahmiyad aanan la siineyn kumanaanka ruux ee muhiimka ay u tahay wadadaasi.

Wadooyinka ugu badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u xiran dadka la shaqeeya Dowladda iyo ruux waliba oo haysta ciidan iyo hub oo wadada gurigiisa hormarta xirta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip