Maxkamad ku taallo dalka Kenya oo xukun dil ah ku riday Shan nin
Raggaan ayaa lagu eedeeyay in ay dileen, haweenay waayeel ah oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leedahay arimo ku saabsan sixirka, waxaana ay u dileen qaab fool xumo ah.
Dilka haweeneydaasi oo lagu magacaabi jiray Ann Wanjiku ayaa muddo 5 sano ah ka hor ka dhacay xaafad ku taalla magaalada Kisumu ee dalka Kenya.
Xilliga falka dilka ah Ms Wanjiku loo geysanaayay ayaa guriga waxaa la joogtay gabar walaasheed ah oo lagu magacaabo Damaris Muthoni taas oo xaakinka maxkamadda Nakuru Roselyne Wendo u sheegtay in eedeysanayaasha ay ka diideen codsi ay u jeedisay oo ahaa in walaasheed ay saldhiga Booliska geeyaan ka hor inta aysan dilin.
Shantaan nin ayaa hada xiran waxaana ay sugayaan in lagu fuliyo xukunka dilka ah ee maxkamada ay ku xukuntay.
Dilka 5-sano ka hor ay u geysteen haweenayda waayeelka aheyd ayaa la
sheegay in iyadoo nool ay jiideen, kadib markii ay ka daaleen sidii ay u
garaacayeen.
Maxkamad ku taallo dalka Kenya oo xukun dil ah ku riday Shan nin
Maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riday shan ruux oo lagu eedeeyay inay horay u dileen haweenay Waayeel aheyd oo ku noolayd xaafad ku taalla Magaalada Kisumu ee dalka Kenya.