WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 17-KA OKTOOBAR 2015-KA

0
Saturday October 17, 2015 - 09:54:06 in Wararka by
  • Visits: 1269
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 17-KA OKTOOBAR 2015-KA

    RA'IISALWASARAAHA D FS OO SHALAY BOOQDAY MALISKA FIDINTA DIINTA ISLAAMKA EE MOWLACA SH. MUXUUDDIIN CELI EE M/MUQDISHO Waxaa shalay oo Jimca aheyd Booqasho uu ku tegay Ra'iisalwasaaraha Xukkuumada Federaalka Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISALWASARAAHA D FS OO SHALAY BOOQDAY MALISKA FIDINTA DIINTA ISLAAMKA EE MOWLACA SH. MUXUUDDIIN CELI EE M/MUQDISHO Waxaa shalay oo Jimca aheyd Booqasho uu ku tegay Ra'iisalwasaaraha Xukkuumada Federaalka Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid Cali Shar ma'arke Maliska Fidinta Diinta Islaamka ee Mowlaca Sh. Muxuuddiin Celi ee Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

 

Ra;iisalwasaaraha oo si weyn looga soo dhaweeyey Mowlaca Sh.Muxuddiin Celia ayaa waxaa isa ga iyo xubnihii la socday looga sameeyey soo dhaweyn heer sare ah iyadoo Dr.sheekh Shariif Sh. Muxuddiin Celi oo hadda ah hogaanka majliskaas oo aheyd meesha kaliya ee masuuliyiinta dalka iyo culimada soomaaliyeed ay inta badan ku xirnaayeen welina ku xiran yihiin maadaama ay tahay goo bta fidinta Diinta Islaamka ee ummadda soomaaliyeed Qiimo weyn ugu Fadhido kana soo Aflaxeen culimaa’uddiin badan oo dalka iyo dibada caan ka ah.

Ra;iisalwasaare shar ma’arke ayaa waxaa kulan qado ah looga sameeyey mowlaca Qadiimiga ah ee sh. Muxuddiin Celi si weyn ugu soo dhaweyey Rag ay ka mid ahaayeen Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa ugu horeyn ka hadlay isagoo Ra’iisalwasaarah bo oqashadiisa ku macneeyey mid bulshada deegaanka xamar iyo xamar daye ay ku faraxsan yihiin ayna leeyihiin ku soo dhawaaw Ra’iisal wasaare Goobka Qimaha badan ee Caanka ku ah fidi nta diinta islaamka Sidoo kale Ra’iisalwasaarahii hore ee soomaaliya Col.Nuur Xasan Xuseen {Nuur Ca dde} ayaa halkaa kaga sheekeeyey in mowlacaan sh. Muxuddiin Celi uu caan ku ku yahay inuu kulm iyo madax iyo dadweynaba masuuliyiinta dalka soo martay oo dhan waxaa uu ahaa mowlacaan mid ay ku xirnaayen isagoo tusaale u soo qaatay,Ra’iisalwasaarah soomaaliya Aabbihiis Alle ha u Nax ariistee Madaxweyihii Hore ee Soomaaliya Md. Cabdiirashiid Cali shar’maarke inuu ah mid mark astaaba soo booqn jiray, waxaana uu Ra;Iisalwasaara ku sheegay inuu yahay mid waalidkiis goobaha diinta lagu fidiyo ku xirnaa taasoo maanta ay shafar inoo tahay inaan kuugu soo dhaweyno. Ku soo dhawoow Md.Cumar Mowlaca sh. Muxuddiin celi ayuu yiri Nuur cadde.

Dhan kale Guddoomiyaha G/B/dir ahna duqa muqdisho Gen.Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa isagan kulankaa Ra’iisalwasaaraha lagu soo dhaweynayey oo ku soo booqday sh.shariif sh. Muxuddiin Celi oo ah Maamulaha majliska fidinta diinta islaamka ka dib markii uu ka dhaxlay aabihiis Sh. Muxuddiin Cali oo caan ku ahaa dal iyo dibadka fidinta diinta islaamka isagoo halkii ka sii wada inta badan masuuliyiinta iyo shacabka jecel kor u qaadidda diinta islaamka ay mar waliba soo booqd aan maliskaan oo ah majilka isku keena culimada soomaaliyeed oo inta badan ay ka aflaxeen , ku soo dhawoow ra’iisal wasaare

Kulnakaa booqashada ahaa waxaa ka dib kulan gaar ah uu la yeeshay la Sh. Shariif sh. Mux uddiin celi waxaayn aheyd mid siweyn uu ra;Iisa wasaaraha ugu boqgay soo dhaweynta loo same eyey isagoo ugu mahad celiyey dhammaan intii kulankaa ka soo qeyb gashay misna si gaar ah sh. Shariif sh. Muxuuddiin ku bogaadiyey in mashaa’iiqda mar waliba ay yihiin kuwa indha u ah bulshada muslimkah ee soomaaliyeed loona baahan yahay in markastaaba xaruumahooda lagu xirnaado lana weyneeyo maadaama ay yihiin salka ummada soomaaliyeed Kulnakaa ayaa ku soo idla

aday jawi deegan oo laga wada maqsuuday

MADAXWEYNAHA DALKA OO UGU BAAQAY ODAYAASHA DEEGAANNADA KOONFUR GALBE ED IN AY KU DADAALAAN CADAALADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xili uu ka hadlayay munaasabad maalinima dii shalay lagu qabtay magaalada Beydha bo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu odayaasha dhaqanka ee deegaanada Maa mulka Koonfur galbeed Ee Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi kuna howlan soo xu lista xildhibaanada maamulkaasi uu yeelana yo ugu baaqay inay ku dadaalaan Cadaala da ayna ka fiirsadaan cida ay soo xulayaan.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adke eyay inay hubiyaan shaqsiga ay ku soo dara yaan Xildhibaanada Maamulka K/Galbeed e e Soomaaliya ka hor inta aysan soo xulin la tashiyo badana ay ka sameeyaan si uu u no qdo shaqsi ku wanaagsan Dowladnimada daacadna u ah dalka iyo dadka, waxaana il aah uu ugu baryay in uu u fududeeyo mas’ uuliyadaasi culus.

Madaxweynaha JFS Xasan Sh.Maxamu ud oo sii hadlay ayaa waxa uu ka hadlay mu hiimada Dowladnimada ay u leeyihiin hawee nka oo uu sheegay in nabada iyo dowladni mada aduunka lagu cabiro hadba inta hawe enka ay kaga jiraan Dowladda, waxaana wa xwanaagsan uu ku tilmaamay in haweenka laga qeyb galiyo siyaasadda dalka.

Md.Xasan Sh. Maxamuud Madaxweyna ha JFS ayaa ugu baaqay umadda Soomaal iyeed in mar walbo ay ku dadaalaan dib u he shiisiinta isagoo dalbaday in kor loo qaado calanka dib u heshiisiinta ee Cad, taasi uu ku tilmaamay in dalkeena muhiimad gaar uu u leeyahay, waxaana uu xusay in dib u hesh iisiinta meel ay ku dhamaataa aysan jirin.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee Dorraad beydhaba uu ku tagay ayaa ku qo tontay xog wareysi iyo ka talobixinta halka ay marreyso xulista barlamanaka mamaulka K/ galbeed.

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo lagu ansa xiyay Siyaasadda Caafimaadka iyo Daawada

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federa alka Soomaaliya ayaa dorraad yeeshay kula nkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Md. Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kul ankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, qaab Siyaasadeedka Caafimaad ka iyo Dawada iyo Soo jeedinta Wadahadal adii Xalinta Qodobada ku xusnaa Mooshin ka.

Ugu horayn Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha Wasii rada u soo bandhigtay, sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha Qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada, waxayna xustay in ujeedada qorshahani uu yahay in la illaal iyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada. Sidoo kale, wasiiradda Caafi maadka ayaa sheegtay in Siyaasada Dawa ddu ay tahay in la sameeyo, lana horumar iyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahi da dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada.

Ugu dambeenntiina, golaha Wasiirada ay aa cod gacantaag ah ku meel mariyay Siya asada Caafimaadka iyo Dawada.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxa ay ka hadleen qodobbadii ka soo baxay wadaha daladii xallinta Mooshinka ee ka dhanka ah aa madaxweynaha, iyaga oo soo dhoweey ey. Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Cumar Ca bdirashiid ayaa faray xubnaha golaha Wasiir ada inay si dhaqso leh ugu howlgalaan, fuli yaana waajibka Wasaarad kasta uga aadd an fulinta Qodobadii ka soo baxay Wadahad alka Xalinta Mooshinka.

WASIIRKA MAALIYADA OO KA SOO QAYBGA LAY SHIRKII SANADLAHA AHAA EE IMF IYO BANGI GA ADUUNKA

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliy adda ee XFS.Md. Maxamed Aden Ibrahim "Farkeeti” ayaa dorraad dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay M/Lima ee wadanka Peru ay uga soo qeyb galeeen shirkii sanad laha ahaa ee Bangiga Adduunka (World Ba nk) iyo Hay’adda Lacagta ee Caalamka(IMF)

Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku wheel iyey Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Sooma aliya Bashiir Ciise, khubaro iyo howlwadee no ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Ba ngiga Dhexe. Shirka ayaa waxaa looga hadl ay xaalada guud ee dhaqaalaha adduunka, sidii loo yareeyn lahaa saboolnimada iyo ha gaajinta siyaasadaha dhaqaale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay shirar gaargaar ah la qaateen madaxda sare ee Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta ee Caalamiga (IMF), Marayknaka, Sweden, UK, Denmark iyo Bangiga Horumarinta Islamka.

"Waxaan shir gaar ah la qaadanay mada xa Hay’ada Lacagta Caalamka (IMF) Mrs Christine Lagarde waxayna Dowladda Soom aaliya ugu hambalyesay inay markii ugu hor eysay muddo 26 sano Dowladda Soomaal iya ku guulaysato inay wax weyn ka bede sho maamulka maaliyadda iyo koboca dha qaale dalka, iyosida ugu dhaqsiyaha badan in Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa shilinka Soomaaliga”ayuu yiri Wasiir Farketi.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu kulan la ye eshay wafdi Mareykan ah oo ay hogaaminay so Mrs Marso Lago oo ka tirsan Waaxda La cagta. Wuxuu Wasiirku warbixin ka siiyey xa aladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee wadanku marayo. Sidoo kale Mrs Marso ay aa dhankeeda soo dhoweysay guulaha ay dowladda Soomaaliya ku talaabsatay, wax ayna xaqiijisay in Mareykanku sii kordhin do ono caawinaada ay siiyaan Soomaaliya, dib u eegisna ku sameyn doonaan qaabka ugu haboon ee dowladda loo caawin lahaa.

Wafdiga ayaa dhanka kale la kulmeen Wasiirka Horumarinta wadanka Boqortooya da Ingiriiska waxayna ka wada hadleen hor umarka Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhanka hogaajinta maamulka maaliyadda waxayna xaqiijiyeen in Soomaali tusaale u ta hay wadamada kale ee ka soo kabsanayo dagaalada sokeeye.

Wafdiga ayaa sidoo kale wuxuu la kulm ay Wasiirada Horumarinta dalka Sweden Mrs Isabelle Lovin, waxayna iska xog warey steen iskaashiga soo jireenka ah ee labada waddan ka dhexeeya iyo sidii loo dardar gel in lahaa isla markaana loo taageeri lahaa da dka Soomaalida ee dalka ku soo noqonaya.

Ugu dambeynaa wasiirka iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka Mohamed Axmed Cali iyo howl wadeenada Bangiga. Wasiirka wuxuu uga warbixiyey xaalada wadanka uu marayo iyo baahida ay Soomaaliya u qabto in laga taakuleeyo dib u soo nooleynta dhaq aalaha wadanka iyadoo ahmiyad la siinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhanka wax soo saarka sida: Beeraha, Kal uumaysiga iyo Xoolaha.

"Waxaan ballan qaadaynaa inaan sii ko rdhin doono taakulaynta uu Bangiga Islaam ku la garab taagan yahay walaalaheena So omaaliyeed, waxaana laga caawinayaa dha nka tababarada iyo dib u dejinta qaxootiga dib ugu soo laabanayo dalka.” Ayuu yiri Moh amed Axmed Cali.

Amni-Darrada Iyo Taageero La’aanta Oo La Sheegay Inay Caqabad Ku Yihiin How laha Qm Ee Soomaaliya

Ammaandarrada iyo taageerada oo yar waxay caqabad weyn ku yihiin howlaha QM ee Soomaaliya, sidaa waxaa Golaha Amaa nka ee QM u sheegay madaxa xafiiska taag eerada ay Q/Midoobay siiso ciidamada AMI SOM, Atul Khare. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa muddo 20 sano ka badan ka taagnaa xaalado ammaandarro ah iyo jahwareer siy aasadeed oo billowday markii xukuumaddii hore ee Soomaaliya la riday sannadkii 1991kii. Sidoo kale, Atul Khare ayaa warbixintiisa ku xusay in weerarrada is daba joogga ah ee ka dhacaya Soomaaliya iyo xaaladaha ba ni’aadamnimo waxay sii xumeynayaan inay wax ka qabato QM xaaladaha ba’an ee Soomaaliya ka taagan.

"Hawlwadeenada xafiiska QM ee cidam ada AMSIOM [UNSOA] waxay si joogto ah u la kulmaan hanjabaadyo, iyadoo 10kii todd obaad oo kastana mar ayay weerar la kul maan,” ayuu yiri madaxa UNSOA, Atul Kha re Wuxuu Khare hadalkiisa ku daray in ka loo sheegay in taageero la’aanta Beesha Calaamka ay xaalka dhanka bani’aadamni mada ee Soomaaliya uu kasii darayo.

"Xafiiska UNSOA wuxuu ku guuleysatay inuu howlo badan qabto intii Soomaaliya uu ka howlgalayay, waxaanan goobo badan oo muhiim ah gaarsiinnay adeegyo; sida beera leyda oo lagu taageeray qalab, qalabka sugi da amniga iyo qalabka dhismaha,” ayuu had alkiisa ku daray Atul Khare. Ugu dambeyn, xafiiska UNSOA ayaa la dhisay sannadkii 20 09kii, waxaana xafiis lo ogu talogalay inuu taageero ciidamada M/Afrika ee Soomaali ya ka howl gala AMISOM.

Qaraxyo Lala Eegtay Dad Salaad Ku Tuka nayay Masjid Nigeria Ku Yaalla M/Mulaay dalka Nigeria

Ku dhawaad Soddomeeyo ruux ayaa ku naf waayay ka dib qaraxyo ka dhex dhacay masjid ay dadkaas ku tukanayeen oo ku ya alla M/Mulaay la yiraahdo oo ku taala waqoo yiga Nigeria. Qaraxyada oo ay fuliyeen labo ruux oo jirkooda miinooyin ku soo xiray ayaa qofka hore waxaa uu ku dhex qarxay guda ha masjidka halka kan kalena uu bannaanka isku qarxiyay xilli loo gurmanayay dadkii qa raxa hore ku waxyeeloobay.

Qof ka mid ah dadkii ka bad baaday qara xa ayaa sheegay in qaraxyadu dhaceen xilli lagu jiray Salaadi cishaha habeen hore aw ooda qaraxana ay keentay in guud ahaan masjidku bur bu ro.

Howl wadeenada caafimaadka ayaa ku waramaya in 39 ruux oo qaraxyadaas ku dhaawacmay la geeyay xarumaha caafima adka kuwaasoo qaarkood ay xaaladooda liid ato.Arbacadii 7 qof ayaa ku naf waayay ka dib markii 3 qof isku qarxisay magaalo u dhaw magaalada xalay qaraxyadu ka dhace en. Willi cid ma sheegan weeraradaan hase ahaatee hay’adaha amaanka ayaa ku eedey naya ururka Boka Xaraam oo dalkaasi ka jira gacan saarna la leh ururka Daacish

GUDDOOMIYE MUUNGAAB OO KU HANJABAY IN MAXKAM AD LA TIIGSANAYAAN WASIIRKA AMNIGA DOWLADDA

Gen.Xasan Maxamed Xuseen (Muunga ab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Ban aadir Ahna Duqa M/ Muqdisho, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, C/risaaq Cumar Max amed. Gudoomiyaha, ayaa wuxuu si xoogg an uu Wasiirka ugu eedeeyay in amar uu ku bixiyay in la burburiyo waddada ka baxda Is goyska KM4 ee tagta Garoonka Aadan Cad de. Gudoomiyaha oo Saxaafadda kula hadl ay M/Muqdisho, ayaa sheegay in tani ay dib u dhac ku tahay M/Muqdisho, islamarkaana ay Muqdisho ku celinayso waqtigaa adkaa ay ka soo gudubtay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii loo wakiishay inay waddada burburiyan ay xabs iga dhigeen, islamarkaana ay sharciga la tii gsan doonaan Wasiirka Amniga Soomaa liya, sida uu yiri. Guddoomiyuhu

Duqa Muqdisho, ayaa wuxuu Madaxwey naha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Amni ga Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in tallaabo laga qaado Wasiirka. Amniga qa ranka oo aan howl aan hoshiisa ahyen fara ha la galay

HOWSHA DHISMAHA MAAMULGOBOLEEDKA SHABEELLADA DHEXE IYO HIIRAAN OO LAGA WARBIXIYAY

Wasaarada arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay halka ay marayso howsha dhismaha maamulka Gobo llada Hiiraan iyo shabeellada, iyadoo wasaa raddu ay xustay in howshu ay marayso me el wanaagsan. Afhayeenka wasaarada, C/fa taax Daahir Mire ayaa sheegay in wasaarad du ay wado howlo ay ku doonayso in lagu hi rgaliyo maamulkaas. Isagoo intaa raaciyay in dhawaan ay qabandoonaan shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabanayo degmooyin ka Jowhar & Baladweyne, kuwaasoo shacab ka gobolladan ku nool la isugu keenayo.

"Howsha dhismaha maamulka G/ Shab eellada Dhexe iyo Hiiraan meel wanaagsan ayay maraysaa xilligan. Waxaan lagu dhawa aqayaa guddigii farsamada oo maalmahan laga shaqeynayaya, meeshii shirka uu ka dhici lahaa, muhiimadduna waa in la samee yo qorshe si wanaagsan looga soo shaqeey ay,” ayuu yiri afhayeenka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya aad ayay howlahan u taqaannaa, waxayna ku dhistay maamulllada Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Galmudug. Muhiimadda federal ku waa in dadku maamul ay raalli ka yihiin sameystaan.”Dhanka kale, afhayeenka wa saaradda amniga ayaa tilmaamay in kulam madaas ka dib la billaabi doono dhismaha maamulka la bada gobol, isagoo intaa ku daray in wasaar addu ay ku howlantahay dhismaha guddiya da dhismaha maamulk aas hoggaanka u noqon lahaa. Ugu dambe yn, waxay wasaara ddu xustay in dhawaan uu furmi doono shir ka lagu dhisayo maam ulka gobollada Shabe llaha Dhexe iyo Hii raan; inkastoo dhowr jeer ay ku yimaadeen dib u dhacyo ay wasaarad du ku sheegtay cillado farsamo.

WASIIRKA AMNIGA QARANKA OO HOL U XAQI IJIYAY IN AAN LA XIRIN SHAQA ALAHA DIYAARADDII DHACDAY

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa HOL u xaqi ijiyay in shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee ra ashinka u wadday AMISOM aan la xirin oo ay deggen yihiin mid ka mid ah hoteellada Muqdisho iyagoo xor ah. Shaqaalaha diyaar adan oo dhawaan ku dhacday duleedka Afg ooye ee G/Sh/Hoose oo ahaa lix ruux ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Taariq Ba yonmay, Ahmed Baradaj, Mohamed Subxi, Shaxata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Ab di Sadaq.Waxaan idiin xaqiijinayaa in shaq aalihii di yaaraddii raashinka u wadday AMIS OM ee ku dhacday dhawaan agagaarka deg mada Afgooye aan la xirin oo ay xorriyado oda ha ystaan, sidoo klaena baasaboorrad oodii hay staan, ayna deggen yihiin mid ka mid ah hot eellada ku yaalla Muqdisho,” ayuu wasiirka amnigu u sheegay HOL.

Sidoo kale, wasiirka amniga ayaa sheeg ay in shaqaalahan lagu wado inay berri dalk oodii u dhoofaan, isagoo si kulul u beeniyay wararka sheegaya in la xiray oo warbaahinta qaarkeed ay maanta baahiyeen. Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Tristar oo ka diiwaangashan Masar, iyadoo xilli ha been ah ku soo aadday Muqdisho, balse de gi waday, markaas ka dibna ku dhacday Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye.

Raashinkii ay diyaaraddan u wadday ciid amada AMISOM ayaa dhamaantiis laga daji yay iyadoo aanay jirin wax gaaray, shaqaali hii diyaaraddana waxaa la badbadiyay iyad oo aanay waxba soo gaarin. Ugu dambeyn, agaasimaha waaxda saadaasha hawada Soomaaliya, C/waaxid Sh. Cumar ayaa HOL u sheegay isla habeenkii ay diyaaraddu dha cday inay ka soo saari doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan shilka diyaa raddan.

XEER ILAALIYAHA GUUD OO KU DHAWAAQAY IN AYSAN SII JIRI DOONIN WADDO LA ISKA XIRTO

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Axmed Cali Daahir oo u warramayay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inaanu jiri doonin waddo dambe oo la xiro. M/Muqdisho waa amni sabab ay waddo u xirnaato iima muuq ato ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xeer Ilaaliya ha guud ee Soomaaliyeed Ax. Cali Daahir.

"ciddii shaqada ku leh in ay ogolaansho siiso in waddo la xirto waa G/Banaadir, marka la ga hadlayo M/Muqdisho gudaheeda” ayuu yiri Axmed Cali Daahir. Muddooyinkii dambe M/G/B/dir ayaa ku howlanaa qorshayaal uu sheegay inuu isugu furayo waddooyinka Ma gaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

DOWLADDA SOOMAALIYA”WAAN KA WARQAB NAA MARAAKIIBTA XEEBAHA DALKA SHARCI DARADA KU JOOGA

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Ba dda Md.Maxamed Cumar Caymoy oo la had lay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in DFS ay ka war hayso Maraakiib Dagaal oo dalka si Sharci daro ah ku jooga isla marka ana

sheegta inay la dagaalamayaan Kooxa ha Burcad badeeda Soomaalida. Wasiirka ay aa Tilmaamay in sanadihii da nbe Badda So omaaliya ay Dayacneyd oo Cid walba ay ku soo xad gudbeysay Sidoo kale Wasiirka ay aa Xusay in Qorshe Cusub Wasaaradda Kaluumeysiga ay u keentay Ka luumeys atada Soomaaliyeed kaas oo u sahl aya inay Badda si wanagsan uga soo jilaabankaaran.

 

WARARKA CAALAMKA

IRAN OO 2,000 OO ASKARI U DIRAYSA DALKA SUURIYA, SI AY U CAAWIYAN DOWLADDA BASHAR AL-ASSAD

Dowladda Iran oo ka mid ah dowladaha fara ku tiriska ee taageera Madaxweyne Ba shar alAssad, ayaa waxay qorsheynaysaa in laba kun oo askari ay u dirto dalka ay dagaaladu ka soconayan ee Suuriya. Iran oo damacsan inay xoojiso joogitaankeeda Su uriya, ayaa laba kun oo ka mid ah Ciidanka Ilaalada Kacaanka ay u diraysaa dalkaasi, si ay u caawiyan Ciidanka Dowladda Bashar alAssad.

Diblomaasiyiin Carbeed, ayaa waxay Ar bacadii sheegeen in Iran ay durbaba boqol aal askari u dirtay Waqooyiga iyo Bartamaha Suuriya, iyagoona cambaareeyay doorka Ir an ee dalkaasi. Xukuumadda Tehran, ayaa waxay u muuqataa mid ka faa’iideysanaysa duqeymaha culus ee Ruushku uu ku haayo Xoogaga Islaamiyiinta, ee ujeedkoodu uu yahay inay xididada u siibaan Xukuumadda Damascus.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka, Ge neral Qassem Suleimani oo booqasho ku jo ogga Suuriya, ayaa muujiyay sida Iran kaga go’an tahay inay xoojiso joogitaankeeda Su uriya. Tan iyo markii ay bilowdeen weerara da Ruushka uu ka wada dalka Suuriya, ayaa waxay Ciidanka Dowladdu dhul horey looga qabsaday, ay dib kaga qabsadeen Xoogaga Islaamiyiinta. Wadamada Carabta iyo Reer Galbeedka, ayaan iyagu jecleysan doorka fir fircoon ee Ruushka iyo Iran ku lee yihiin dagaalada mudada afarta sano iyo barka, ee kasii soco naya Wadanka B/Dhexe ku yaa a.

DOWLADA JARMALKA OO AMARTAY IN SHIRKA DA VOLKSWAGEN AY DIB U SOO CELISO INKA.

Wasiirka gaadiidka ee Jarmalka ee Ale xander Dobrindt, ayaa sheegtay in hayadda mas’uulka ka ah gaadiidka ay ku amartay Volkswagen inay macaamiisha ka soo celiso 2.4 milyan oo baabuur nafto ku shaqeeya.

Shirkadda oo ku dhex jirta fadeexo, ka dib qiyaamo ay ku samaysay macaamiisheeda markii la tijaabinayay qiiqa ay baabuurta ku siidaayaan hawada, ayaa sheegtay inay fila nayso inay soo celiso baabuurta ay saama ysay tijaabada aan saxda ahayn bisha Jann aayo si loo sameeyo.

Isagoo ka hadlaya shir jaraa’id ee lagu qa btay Berlin, Mr Dobrindt, ayaa sheegay in Volkswagen ay u baahan tahay inay bixiso faahfaahin qorshaheeda soo celinta baabuu rta dhamaadka November. Volkswagen ay aa ku qiyaasaysa ilaa kow iyo toban milyan oo baabuurteeda caalamka inay saamaysay fadeexada, siddeed milyan oo ka mid ah ba abuurta ayaa Yurub laga iibsaday. CIIDAMADA MAAMULKA JUBBA OO SOO BAD BAADIYAYHAWEENEY KENYAN AH OO LAGA SOO AFDUUBTAY KENYA

Wararka ka imanaya M/Dhoobley ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubba ay weerareen dabley afduub ka soo qafaalatay xerada qaxootiga ee Dhadhaab. Iskahori ma ad dhex maray dableydii afduubka u hays atay haweeneydan iyo ciidamada maamulka Jubba ayaa sababay in ay ku dhintaan sad dex ka mid ah dableydii afduubka u haysa tay gabadha halka mid kalana ay gacanta ku dhigeen ciidamada isagoo nool. awee ney dan oo lagu magacaabo Judy oo u shaqey naysay hay’adda Winldle Trust International ayaa 12kii bishan lagala degey gaari ay saa rneyd meel ku dhow xerada qax ootiga Dha dhaab. Wararka ayaa sheeg aya in haw een eydan ay haatan ku sugan tahay magaala da Dhoobley waxana la sheegay inay bedq abto oo aysan wax dhibaato ah soo gaarin. Waa markii ugu horeysay ee ay ci idama da maamulka Jubba ay xoog ku soo furtaan dad laga soo qafaashay dalka Kenya. Dow lada Kenya ayaa ku eedeysay ururka Alsha baab inay ka dambeeyeen afduubka hawe eneyda.

DOWLADA AURA OO SHEEGTAY IN AY MAXKA MAD SOO TAAGAYSO GABAR SOOMAALIYEED..

Dowlada Naura ayaa sheegtay in gabar Soomaaliyeed oo 26 jir ah ay sharciga hork eenayaan ka dib markii ay ashtakadeedii ah ayd in la kufsaday ay booliska cadeeyen in ay tahay mid been ah oo aan sal lahayn.

Wasiirka Cadaalada dowlada Naura Dav id Adeang ayaa sheegay in baaritaan ay sa meeyeen Booliska ay ku ogaadeen in uusan jirin wax kufsi ah oo lagula kacay gabadhan sidaa darteedna aysan waxba ka jirin dac wadeeda. Warkan ka soo yeeray Maamulka Naura ayaa ah mid ka dhashay cambaareyn xoog leh oo loo soo jeediyay ka dib markii gabadha kufsiga lagula kacay ay shaaciyeen magaceeda. Mr Adeang ayaa sheegay in go’ aanka ah in gabadhan magaceeda la shaa ciyo uu a haa go’aan maamulka Naura u ga ar ah oo kaliya.Wasiirka Cadaalada Naura ayaa shee gay in warbixinta loo direy xar umo warbaahi need oo kooban kuwaasoo horeba u yiqiin qofka dacwoonaysay iyagoo doonayay in la xisaabtan uu yimaado.

Hase yeeshee Mr Adeang ayaa sheegay in warbaahinta ay tahay inay joojiyaan is ee deedka ayna ka mid tahay warbaahintaas shirkada PR oo baahisa warka ka soo baxay dowlada Australia oo kaliya. Wasiirka ayaa sheegay warbixinada lagu daabacay ABC iyo Guardian iyo warbaahin kale ay ku tahay ceeb iyo sharaf dhac ay u geysanayaan qo fka sheeganayay in meel ka dhac lagu same eyay.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa ku jirtey xero qaxooti jasiirada Naura oo ah jasiirad ay dowlada Australia gayso dadka qaxootiga ah ee ka imanaya wadamo badan oo caal amka ah. 21 August ee sanadkan ayay gab adhan xili haben lugeynaysay meel ku dhow xeradii ay ku nooleyd waxaa afduubtay labo nin kuwaasoo kufsi kula kacay. Hase yee shee gabadhan ayaa la xiriirtay ciidamada Booliska iyadoo taleefan u dirtay ka dib mar kii raggii faro xumeeyay ay ku dhex tuureen meel god ah Hase yeeshee warka shalay ka soo baxay wasiirka cadaalada ee maamulka Naura ayaa ah mid ka nixiyay caalamka oo idil maadaama la rajaynayay in cadaalada la horkeeno dadkii ku kacay falka kufsiga ah

MUDANE XUKUN: SOOMAALIYA UMA BAAH NA CIIDAN SHISHEEYE EE HA LOO TABABBARO

Xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed oo ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya u metelaya baarlamaanka Afrika ee dhawaan kulammadiisu ay ka furmeen dalka Koonfur Afrika, waxaana ka mid ahaa qodobbadii loo ga hadlay arrimaha amniga iyo nabadgalya da, iyadoo lagu soo hadalqaaday dalal bad an oo dhibaatooyin amni ay ka jiraan oo ay ugu horreyso Somalia. Md.C/casiis Xukun oo ka qaybqaadan ayay dooddii arrintaas laga yeeshay ayaa madasha ka sheegay in amniga Soomaaliya uu kasoo reenayo; marka loo eego sidii ho re, ayna ka ammaan roon tahay dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah, laakiin Soomaa liya ay u baahan tahay inay hesho dhaqaale ay ciidamadeeda xoogga iyo kuweeda am maanka ku tababarto, kuwaasoo wax badan ka qaban kara wax yaabaha yar yarka ah ee ammaan darrada ah, isagoo xusay in Soo maaliya aysan u baahneen inay nabadgela yadeeda iyo ammaankeeda sugaan ciidam mo shisheeye ee ay u baahan tahay in ciid amadeeda loo tababaro loona qalabeeyo.

"Soomaaliya waxay hadda ka amaanwan aagsan tahay dalal ay ka mid yihiin; Jamhuu riyadda Bartamaha Dhexe, Burukiina Faaso, Koonfurta Suudaan iyo waliba wadamada dariska ah qaarkood. Somalia xilligaan wa xay u baahan tahay in laga taageero dhisma ha ciidammo ammaan oo iskudhaf ah oo do wladda dhexe iyo maamul gobaleedyada da lka yeeshaan,” ayuu yiri xildhibaan C/casiis Xukun oo la hadlayay warbaahinta kulanka ka dib, isagoo intaas ku daray in hadda ay ka socoto waddanka dadaallo lagu xoojinayo amniga guud.

Ugu dambeyn, kulankii ammaanka na bad galayada Afrika looga hadlayay ayaa waxaa sannad walba lagu soo bandhigaa warbixinno looga hadlyo dalalka ay ka ta agan yihiin xasaradaha iyo qalalaasaha ee Afrika, kuwaasoo laga tashto sidii wax looga qaban lahaa,

MOOSHIN KA DHAN AH MADAXWEYNAHA KEN YA OO LAGU WADO IN LOO GUDBIYO GUDD OONKA SARE BAARL AMAANK

Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa waxa uu wejihi doonaan huju um kaga yimaada Xildhibaanada Baarlama anka Kenya qaarkood, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya inay diyaarinayan Mooshin ka dhan ah. In ka badan 100 Xildh ibaano, ayaa waxay saxiixday Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, iyagoo ku eed eynaya ku xadgudub Dastuuri ah iyo in Dow laddiisu kordhin weyday mushaaraadka ma calimiinta, ka dib markii ay sidaa amartay Maxkamadda Sare Kenya.

Suba John Mbadi oo xubin fir fircoon ka ah Xildhibaanada dhabarka ka riixaysa Moo shinka, ayaa Warbaahinta u sheegay in 105 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Ke nya, oo wadartoodu tahay 349 xubnood, ay saxiixeen Mooshinka lagu diidan yahay Mad axweynaha. Waxa kaloo uu sheegay in todd obaadkan dhammaadkiisa ay Mooshinkaasi u gacangelin doonaan Guddoonka Sare Ba arlamaanka, si uu u horkeeno Xarunta Gol aha Shacabka, maalmaha ina soo aadan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wax aa suurtagal ah in looga yeero Xarunta Baar lamaanka Ee M/Nayroobi, si uu kaga jawaa bo eedeymaha ay u soo jeediyen Xildhibaan ada ku kacsan.

Xisbiga Madaxweynaha Kenya (Jubilee) oo haysta aqlabiyadda Baarlamaanka, ayaa waxaa la fillayaa in meesha ay ka saari doon to culeyska kaga imaanaya Xildhibaanada kale, inkastoo ay soconayan dadaalo lagu doonayo in lagu kasbado xubno ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Jubilee.Siyaasiyiinta iyo dadka Kenyanka qaarkood, ayaan la dha csanayn hannaanka siyaasadeed ee Uhuru Kenyatta, waxaana Xukuumadiisa lagu eede yaa in waxyaabo badan ka gaabisay,

TACSI LOO DIRAAYO TIFAFTIRE C/CASIIS GOLF XALAY OO AABIHII KU GEERIYOODAY M/MUQDISHO

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xas an Maxamed Cabdi oo si weyn looga yaqaano gobolka Sh/dhexe, ka dib markii uu maalmahaan ku xanuunsanayay isbitaal ku yaala m/ Mu qdisho. Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cabdi ayaa ahaa aab baha Tifaftiraha websitka Jowhar,com C/Casiis Xasan Maxa med (Golf Yare) ,waxaa tacsi u diraya madax ka tirsan DFS weriyeya asha Soomaaliyeed, waxgaradka, aqoonyahanada iyo bulshada qeyb aheeda kala duwan:M/ulka iyo sh/laha Hay’adda CCD Tacsi u dirayaan qoyska iyo asxaabta uu marxuumka ka geeriyooday. Magacyada xubn aha tacsida diraya: Ciise Axmed Cumar – Gud. CCD Ismaaciil Xaaji Maxamuud – Madaxa Operationka Imaam Maxamed Yuusuf – Imaam ka beelaha Muddulood Maxamuud Cali Ugaas – Sii hayaha xilka Uga aska Mudd ulood Sheekh C/qaadir Soomow ,Sheekh Axmed Shuqul She/Suufi Yare Canab Xasan Cilmi K/Xigeenka Gud.xigeenka ururka Haweenka Qaranka C/Kaafi Maxamuud Makaraan Gud. Dh G/Baaadir ,Cali C/ra xmaan G ururka Dh Deg X/Jajab.Jan.Xasan Maxamed Xus een (Muun gaab) Gud.M/G/Banaadir ahna duqa muqdisho ,Jawaahir Baarqab – Gud. ururka Haweenka G/Banaadir.Sidoo kale waxaa tac si taa la mid ah diraya bahda warbaahinta gobolka Sh/dhexe iyo weriy aasha Radio Jowhar oo kala ah.:Maxamed Ibraahin Nuur Macalimuu, Siciid Xaggaa Afrax, Maxamed Abuukar Caseyr, C/qani Xaaji Muxum ad X.Cali ,Max amed Cabdulle Xasan,C/kariin Cumar Macalin, Bashiir Cali Daahir, Sic iid Maxamed Cali, Maxamed Yuusuf Colow, Maryam Sh. Cabdi,Mako Maxamed Iimaan,Cumar Maxamed Soomane, Maxa med Ciise Maxa muud, iyo Weriyeyaashakala ah: Salaad Iidow Xas an (Xiis),Yaxye Ma xamed Faarax, C/qaadir Koronto,Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra), Max amuud Xasan Cumar (Aduunyo), Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto ),Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe), C/llaahi Mac allim Maxamed (Naanow),Maxamed Maxamuud Cali (Jibaax), C/llaahi Xasan Axmed (Sheeqaalow),Cabdalla Maxamed Muxudiin (Coonka) iyo C/risaaq Ma qosle Dhammaan madaxda, mas’uuliyiinta, culimada, odayaasha dha qanka, weriyeyaasha iyo bahda Hay’adda CCD waxay leeyihiin ehe lada, asxaabta iyo dhammaanba qaraabada Weriye C/Ca siis Alaha u naxariisto marxuumka.AAMIIN…AAMIIN.

TACSI TIIRAANYUO LEH

Dhammaan Reer Jimcaale CiaglleReer,,Reer Maxamuud Cigalle,Reer Geedoow Cigalle iyo Bahwada wargeyskaani waxaay tacsi tiiraanyo leh u dirayaanReer Maxamed Cigalle iyagoo ugu tacsiyadeynaya geeridii ku timid marxuuma Aamino Maxamed Xaaji Geedoow Cigalle oo doraad ku geeriyootay M/Muqdisho waxaayan alle ugu barayayaan marxuumadda inuu naxariistii janoo ugu bishaareeyo ehehlka iyo qaraabadan samir iyo iimaan saadaq ah ka Siiyo Aamiin Aamiin

Inaanlillaahi Wa Inay Ilaahi Raajicuun

 

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka wargeyska mgdishu times xabiibo axmed jimcale biibto , nasir cali cumar, Dr. cismaan axmed jimcaale, sh. Cali cumar Maxm auud, Xaawo Axmed Jimcaale, madiino axmed jimcaale , Najib Cali Cumar , Maxamed Xasan xuseen Maxamed xuseen axmed {suu fi},dhammaan dadkaasi waxaay tacsi tiiraanyop leh u dirayaan guddoo miyaha degmada warsheekh Axmed Xuseen Shiidka oo gabadhiisa dhawaan ku geeriyootay m/muqdiho samir iyo iimaan ala

haka siiyo marxuumadda janada alle haka waraabiyo Aamiin Aamiin

INAANLILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN

MAS’UULIYIINTA IYO HOWLWADEENNADA WASAAR ADDA WARFAAFINTA OO TACSI U DIRAYA WARIYE C/LAAHI KULMIYE CADOOW

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqan ka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soo maa liya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maar eeye” Wasiirudowlaha Wasaaradda Warfaaf inta Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Becos).Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/laahi Colaad Rooble.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaas im eyaasha Waaxyaha iyo dhammaan howlwa deennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqa nka iyo Dalxiiska waxey tacsi tiiraanyo leh u dir ayaan Wariye C/laahi Kulmiye Caddoow oo ka mid ah wariyeyaasha Warbaahinta Dowladda oo ay uga tacsiyadeynayaan geerrida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Xaaskiisa Habboon jaamac Suleymaan oo ku geeriyoo tay magaalada Muqdisho waxeyna Alle uga ba ryayaan in naxariistiisa jano uu siiyo, samir iyo iimaanna Alle naga wada siiyo.

TACSI Taa la mid ahan waxaa u dirayaa bah da saxafada soomaaliyeed gaar ahaan maa mulka iyo howladeenada wargeyskan Mogadi shu Times Daily News Paper Marwo. Xabiibo Axmed Jimcaale,{Biibo},Maxamuud Axmed Xa san {Xuurshe},Jabariil Maxamuud Nuur {Jab ra},Naasir Cali Cumar,Seynab Abuukar,Yaas miin Mayoow Maxamed, Malyuun Sh. Xeydar, Kiin Cymar Makaraan,Maxamed Shariif,Xasan Maxamuud Axmed {Xasan Farax}, Fa lastiin A xmed Xaaji Ammiin Yuusuf Qasaaro,C/laahi Maxamed Xasan Bla ck,Cabdi Aadan Guul eed,Ismaaciil Cumar Ma doobe dhammaan wa xaayleeyihiin alle hakaa samir siiyo XAASKA AGA iyadana jannada alle ha ugu bishaareeyo Aamiin… Aamiin…… Aamiin Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun

 

SHARCI AHAAN: SADDEX SHAY LAGUMA DHEELO WAXAANA LA SUGAY IN DHABTOODUNA AY DHAB TAHAY..

 

Haddii uu qoysku soo dhexgalo muran iyo isafgaranwaa,waxaa waa jib ah inay hal meel wada fadhiistaan oo ay xaliyaan mashaakilka soo dhexgalay,haddii ay xallin waayaana,waa inay markaasi arrintooda u ba ndhigaan ama soo dhexgalaan dad qaraabada ah oo ka socda 2da eh el,Allah wuxuu yiri:haddii aad ka baqdaan khilaafka soo dhegala dhexd ooda, macnaha waxaa loola jeeda 2da is qaba,u bixiya,xaqsoore ehelki isa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah,haddii ay doonaana wanaajinta Allah wuu is waafajin dhexdooda,Allahna wax walba wuu og yahay wax walb ana khabiir buu u yahay,waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba (suuradda Annisaa´,aayad lambar 35), laakiinse waxaa nasiib xumo ah in qoysas badan oo Soomaali ah diinta islaamkuna ku abtirsada ay baal mareen in arrimahooda ay ku xaliyaan kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaa hu caleyhi wasallama, waxayna ka door bideen in khilaafkoodu ay ku xaliyaan wax ka soo horjeeda shareecada islaaamka,waxayna ku dhaq aaqeen in khilaafkooda ay ku xaliyaan been iyo khiyaano,Rabbi baan ka magangalnaye.

Qoysas Soomaaliyeed oo fara badan markii ay arloda gaallada ah u soo haajireen,waxay rumaysteen maahmaahdii dhalanteedka ahayd oo oranaysay:nin iyo naag is qaba colna ma’ahan nabadna ma’ahan, haddana waxay maahmaahdaasi u farsameysteen,maahmaah kale oo oranaysa:furriinka beenta ah waa u xal qoysaska arloda gaallada ah jooga oo khilaaf soo dhexgala,macnaha waa inay yiraahdaan oo ay ku yiraahdaan gaallada ay la joogaan oo ka qaata lacagta shaqada ama lacagta loo yaqaano caydha isma qabno,marka ay dadka muslimi inta ah la joogaana ku yiraahda:waan is qabnaa,furriinkiina waxay ka dhigeen wax lagu cayaaro oo been laga sheego,waxaase xaqiiqa ah in haddii aad ku tiraahdo qof lacag ku siiyay kuna soo dhoweeyay,ama ga al ha ahaado ama muslim ha ahaadee xaas ma lihi ama xaaskaygu wa an furay oo been ah,waxaad ogaataa inay kaa furan tahay,maxaa yeel ay furriinku wuxuu ka amid yaha waxyaabaha aan lagu cayaari karin, sunnooyinka abu Daawuud,Tirmidi iyo ibnu Maaja waxaa ku xusan xad diis uu sooo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo shee gaya in Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam uu yiri:saddex dhabt ooda waa dhab dheeshooduna waa dhab,waxayna saddexdaasi kala yihiin:nikaaxa, furriinka iyo dib u soo celinta,sheekh Albaani wuxuu xaddiiskan uu ku taxsiiniyay kitaabkiisa caanka ah ee saxiixul jaamic lambar 3027. Furriinkaas beenta ahi waa u bareerid fal beeneed ah Iy o fal khiyaaneed ah,qofka muslimka ahina,waa inuu sharraf iyo kara amo leeyahay,qofka gaalka ahna wuxuuba ku soo islaami karaa mar kuu arko qof muslim ah oo run sheegayo,falka beenta iyo khiyaanadu na waa falka lagu garto munaafaqa,saxiixul Bukhaari lambar 33 iyo saxiixu Muslim lambar 59 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaa hu caleyhi wasallama uu yiri:calaamadaha lagu garto munaafaqa waa 3 dna: markuu hadlayo been buu sheegaa,markuu ballan qaadana wuu ka baxaa,marka wax lagu aaminana wuu khiyaameeya.

Arrinka noocan oo kale ah oo qoysaskii khilaafkooda ku xalinayo furr iinkaas beenta ah, waa qoysaska aan iimaanka lahayn,waa qoysaska aan xalaasha iyo xaaraanta u kala soocnayn,waa qoysaska adduun jac aylka qaadday,haddii arrinka si dhab ah loo fasirana waxay noqonay saa:xalaal baan isku qabnaa,haddana xaaraan baan isku qabnaa,mana noqon karto xalaasha iyo xaaraanta in laga dhigo sida la jiifiyaana bann aan la joojiyaana bannaan.

Ma’ahan in sharciga la fududaysto ama waxa ay maskaxdaadu ku tu sto aad u hoggaansato ama waxa ay hawadaadu kuu qurxiso aad raac do,macnaha sida aad adigu rabtid in aad ku fatwooto ma´ahan, sepa ratekuna ama furriinka beenta ah waa arrin xaaraam ah,umana noqon karto xal ninka iyo naagta is qaba oo xalaasha isku qaba,nikaaxa sharc iga ahna soo maray, laakiinse xal waa u noqon kartaa kuwa aan Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama ka baqaynin oo nikaaxoo duba fuxshi iyo munkar ku bilowday,shaqana aan ku lahayn kalana gar anayn furriin iyo nikaax iyo fasakh.

Beenaalayaashaasi oo ah ninkii iyo naagtii sidaas isku qabay oo fal kaa khiyaanada ah u bareeray,waxay sidaas u samaynayaan xoogaa la cag dheeraad ah oo ay ku helayaan beentaas iyo khiyaanadaas,Allah wuxuu yiri:kuwaasi waa kuwo nolosha adduunka ku iibsaday aakhi ro,lagamana fududeeyo xaggooda cadaabta loomana gargaaro (Suu rad da AlBaqaraa, Aayaad lambar 86),waxaaba ka sii daran in aad ar kayso in kuwaasi oo ku maamulaya waliba kuu wacdinaya kuuna sha rxaya qowlka Allah iyo qowlka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama, balse waxaaba dhici karta in ay kuugu wacdiyaan:war muslimiintow be enta yaan la sheegin,beenta waa xaaraane,dadkiina waxay noqdeen dad afkooda juuqda gabay,iyagoo og xaalka beenaalayaashaas ayay haddana wacdigooda dhegaysanayaan,inta Allaha u naxariistay mooye oo ka dhiidhiya beenta ay dadka u sheegayaan,kuna yiraahda:war ka jo oga diinta haku cayaarina,sheekaduna yey idinka noqon kuwa yiraah da: Cilmigeena qaata camalkeena iska daaya,waana in kuwaasi la xusu usiyaa in uu Allah yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa rumeeyay,maxaad u sheegaysaan wax aydan falaynin (sam aynaynin) (suuradda Asaf,aayad lambar 2).

Qof kasta oo muslim ah waliba uu deggan yahay arloda aan muslim ka ahayn,kana shaqaysto ama ka qaata lacagta caydha loo yaqaano, waa in uu muujiyaa ixtiraam iyo sharraf,waana inuu u muuqdaa qof mus lim ah oo nadiif ah oo akhlaaq leh,waxaana waajib ku ah inuu runta she ego,waayo beenta waxay ka soo horjeeddaa runta,runtuna waxay kuu horseedaysaa khayrka,saxiixul Bukhaari lambar 6094 iyo saxiixu Musl im lambar 2607,waxaa ku xusan xadiiska uu soo weriyay Cabdullaahi ib nu Mascuud Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallal laahu caleyhi wasallama uu yiri:waxaa la idinka doonaya in aad la timaa daan runta,waayo runta waxay kuu horseeddaa khay rka,khayrkuna wu xuu kuu horseedaa jannada, qofku haddii uu run sheegayo waxaa Allah xaggiisa looga qoraa inuu runlow yahay,beentuna waxay kuu horsedd aa xaq seegid,xaq seegidduna waxay kuu horseedaysa naarta,qofku ha ddii uu ku socdo beenta waxaa xagga Allah looga qoraa beenlow.

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn Waa Mowduuc Kale Haddii Allah Idmo Den Haag/Holland

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis

Ogeysiis Muhiim ah oo ay kuu heyso The Ministry of finance the federal government of somalia

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

INVITATION FOR TENDER

IFT issue Date: 12th October, 2015

Reference: SPF/001/2015

 

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

The ministry of finance now invites sealed bids from eligible and qualified candidates for supply and delivery of Foodstuff to the Somali Police Force in Mogadishu.

 

Tender documents containing detailed specifications can be obtained from the procurement office at the Ministry of Finance between 8:30AM to 2:00PM

Candidates must prove that they qualify to participate in public procurement method in providing the

following documents or evidences:

 

1. Certificate of company registration, certificate issued by the ministry of commerce.

2. A declaration of certificate that the candidate have fulfilled the obligation to pay taxes a valid tax compliance certificate must be attached

3. An abstract of the candidates accounts for the last (2) two years 2013and 2014 accompanied by a bank statement for the last 12 months.

4. The supplier should have minimum three years of experience in the commodities industry, particularly agricultural commodities.

5. The winning supplier will be directed with few distribution allocations required by the user department (Police Force Logistics Department)

Bidding will be conducted using the National Competitive Bidding (NCB) method. Bids must remain valid for a period of ninety(90) days from the date of tender opening. The completed tenders in plain sealed envelopes clearly marked "Tender Number SPF/001/2015 for Supply and Delivery of foodstuffs” for the Somali Police Force shall be addressed to the procurement department, ministry of finance at villa Somalia, Mogadishu not later than 25thOctober 2015.

 

The bidders MUST comply with all the instructions and rules of the tender and particularly to ensure that all the forms required are properly completed.

 

Tenders will be opened immediately thereafter the deadline, in the presence of tenders’ representatives who choose to attend the bid opening meeting 26th October at 10:00AM in the ministry of finance procurement office.

Interested bidders must deliver their bids in written form to the address below (in person, or by mail) not later than 25th October 2015 at 2:00PM. Late bids will be rejected.

Please make sure you address your bids at the following address provided below:

 

Procurement Department

 

The Ministry of Finance, Villa Somalia, Mogadishu, the Federal Government of Somalia.

Email: procurement.fgs@gmail.com


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip