Taariikhdii Halgamaa Sheekh Xasan Barsane oo Kooban.

0
Tuesday May 10, 2016 - 20:06:46 in Maqaallo by
  • Visits: 8007
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 8 2
  • Share via Social Media

    Taariikhdii Halgamaa Sheekh Xasan Barsane oo Kooban.

    Sheekh Xasan Barsane Halgame Geesi Soomaaliyeed oo Gumeytahii Talyaaniga ee Soomaaliya kusoo Duuley Dagaalo Qaraar kala Hor tagey ayaa Mudo Dheer oo ay Raadinayeen ka dib Gacanta Markey ku dhigeen Waxey ku Dileen Sun ay ugu Buufiyaan Qolkii uu ku xir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Xasan Barsane Halgame Geesi Soomaaliyeed oo Gumeytahii Talyaaniga ee Soomaaliya kusoo Duuley Dagaalo Qaraar kala Hor tagey ayaa Mudo Dheer oo ay Raadinayeen ka dib Gacanta Markey ku dhigeen Waxey ku Dileen Sun ay ugu Buufiyaan Qolkii uu ku xirnaa Sanadkii 1927,kii ( Fadlan
Walaal Akhri Taariikhda Halyey Sheekh Xasan Barsane oo ahaa Geesiysi u Dhintey Difaaca Diinta, Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed )

============================================================
Ilaahey naxariistii Jano ha siiyee Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo loo yaqaaney " Sheekh Xasan Barsane " waxuu dhashey sanadkii 1853,kii wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta qiyaas ilaa 68,Km magaalada Jowhar, caasimada Gobolka Shabeelaha Dhexe, Soomaaliya.

Sheekh Xasan Barsane wuxuu bartay Qur’aanka Kariimka isagoo yar, waxuuna ku bartay tuulada Ubaadi.Markii uu dhalinyaro noqdey sheekhu wuxuu aaday meel walbo oo uu ku tabaayay in cilmi uu yaalo uuna ka sii kororsan karo meelaha uu cimliga u doontay dalka gudihiisa waxaa ka mid ahaa tuulo la yiraahdo Mateey Aw Xasan oo ku taala degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho waxaana markii dambe uu gaaray dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada barakeysan ee MAKA AL MUKARAMA oo uu tagay laba jeer oo kala duwan wuxuuna halkaas ku soo gutay xajkii isagoo dhinaca kalena cilmi uu raadinayay halkaas ku soo bartey, waxaana guud ahaan uu halkaas ku maqnaa muddo ka badan saddex sanadood.

Sheekh Xasan Barsane markii uu ku soo laabtay dalka waxaa dalka soo buux dhaafiyay gumeysteyaal kala duwan oo markaas iyo ka horba ku sugnaa dalka tan iyo intii ay dhacday qeybsashadii Qaarada Afrika sanadkii 1884,kii dalalka reer galbeedka oo ay ugu horeeyeen Ingiriiska, Faransiika iyo Talyaaniga ayaa soo galay dalkeena hooyo ee Somaaliya.

Sheekhu wuxuu ka biyo diiday inuu ku hoos noolaado gumeystaha isagoo ka door biday inuu Shahiido isagoo dhawraya sharafta Diinta iyo dalka.


Waxaa dhacdey in mudo gaaban ka dib Sheekh Xasan uu dhexgalay dadka soomaaliyeed ee gumeysiga necbaa isagoo isku keenay xoogag dhalinyaro u badan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa dhawr kun. tababar dheer iyo wacyi gelin ka dib sheekha iyo geesiyeyaashii soomaaliyeed ee u kacay difaaca Diinta iyo dalka,Waxay la kulmeen Hanjbaad iyo Caga jugleyn kaga imaanayay dhanka gumeystaha Talyaaniga oo iyagu markaas heystay dhamaan koofurta Soomaaliya waxaana kaloo sheekha handadaad ay uga imaaneysey dawlada Itoobiya oo aheyd dalka kali ee Afrikaan ah kana qeyb galay qeybsashada dalalka Afirka ee shirkii magaalada Berlin ka dhacey sanadkii 1884,kii

Geesiga soomaaliyeed Sheekh Xasan Barsane dhag jalaq uma siin dhamaan Hanjabaadaas iyo Baqdin galintaas kaga imaameysay dhanka Gumeystahii Talyaaniga iyadoo sheekha lagu amrey inuu talyaaniga isku soo dhiibo waxaana xiligaas talyaaniga Soomaaliya wakiil uga ahaa Jeneral la oran jiray Mario Devechio.

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan Barsane wuxuu go’aansaday inuu la dagaalamo gumeystahii talyaaniga uusana isku dhiibin isla markaana ka xoreeyo dalka soomaaliya diintana kor loo qaado.Waqtigii ay talyaaniga u qabteen sheekh xasan barsane inuu isku soo dhiibo markii uu dhamaaday ayaa waxaa bilowday dagaaladii fool ka foolka ahaa ee uu Sheekh Xasan la galay gumeystihii. Sheekha iyo gumeystaha waxay goobaha dagaalada isaga hor yimaadeen marar badan iyagoo dhamaan dagaaladii uu la galay gumeystaha uu kaga guuleystay.

Alaha u naxariistee Geesigii soomaaliyeed Sheekh Xasan Barsane dagaaladii uu la galey talyaaniga mooyee waxuu kaloo la dagaalamey gumeystada Itoobiya waxaana dagaaladaas laga xusi karaa dagaalkii la magac baxey :· Gumar Shee oo dhacey sanadkii 1905 waxaana uu ahaa dagaalkii ugu horeeyay ee uu la galay Itoobiya oo markaas isku dayaysay inay la wareegto dhamaan dhulka Soomaaliyeed waxaana dhacdey in ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysnaa ay soo gaareen tuulada la yiraahdo Taytayle oo ka tirsan degmada Balcad oo inyar u jirta magaalada muqdisho Waxaana dagaalkaas dadka soomaaliyeed ay kasoo hooyeen guulo waaweyn iyadoo ciidamadii soo duuley ee Itoobiya dalka somaaliya gudahiisa ay ka baxeen iyaga oo Dulaysan.

Naxariistee jano alaha siiyee geesigii soomaaliyeed sheekh xasan barsane dagaaladii uu la galay gumeystayaasha gaar ahaan Talyaaniga waxaa laga xusi karaa :

1. Dagaalkii Buulo Barde oo dhacay sanadkii 1922.
2. Ceel Dheere oo dhacey sanadihii 1922 iyo 1923.
3. Hiilweyne oo dhacey sanadkii 1923.
4. Jiliyaale oo dhacey sanadkii 1924.
5. Hareeriile oo dhacey sanadkii 1924.

Sheekh Xasan Barsane wuxu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiiri galin jiray una sheegi jiray in ay haleyaan Shahaado ama Sharaf Aakhiro iyo Aduunba.
Sida ku cad buuga la yiraahdo ORIZENTO DI IMPERO oo uu qoray ninkii la oran jirey Mario Devechio waxaa aakhiritankii gumeystahii talyaaniga u suura gashey inay qabtaan oo gacanta ay ku dhigaan halyeygii soomaaliyeed sheekh xasan barsane ka dibna ay xabsiga dhigeen sanadku markuu ahaa 1924,kii

Waxaa Sheekha lagu xirey xabsiga loo yaqaaney Gaalshiro xabsiga dhaxe ee magaalada muqdisho ku yaala iyadoo waqtigaasi maxkamada gumeysigii talyaaniga ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah waxaana la sheegey in xabsiga dhexdiisa lagu jirdiley sidoo kalena waxyaabaha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah in gumeystuhu ay ku xireen meel god ah oo aad u ciriiri ah isla markaana aan ku filneyn inuu fariisto godkaas ayaa wuxuu lahaa oo kali ah meel yar oo shabaq ah oo uu xoogaa neefta ama hawada ah ka qaadan jiray.

Si kastaba ah ahaatee misana gumeystaha talyaaniga ayaa ku qanci waayay inay xabisaan oo kaliya geesigaas soomaaliyeed waayo Sheekh Xasan Barsane waxa uu ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ay gumeystaha Talyaaniga kala kulmayeen koonfurta Soomaaliya iyadoo aanba dhihi karno sheekha wuxuu ahaa quwada kali ah ee dagaalo waaweyn kaga hortimid.
Talyaaniga 3 sano ka dib waxay hadana isku dayeen inay dilaan Sheekh xasan barsane iyagoo ugu dambeyntii ay u suuro gashay Bishii Janaayo 13,keedii sanadku Markuu ahaa 1927,kii inay sun ku buufiyaan qolkii uu ku xirnaa ugu danbeyntiina halyeeygii soomaaliyeed Sheekh xasan barsane ayaa u geeriyooday suntii Sida ku xusan buugaagta Orizento Impero iyo TREE ANNI DE IN SOMALIA .waxaana lagu duugay ama lagu aasey Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada muqdisho waxaana markii danbe loo qaaday meydkiisa oo uu hada ku aasan yahay degmada JILIYAALE oo markii hore Sheekha xarun u ahayd.

Dawlada soomaaliya si uu u waaro magaca halyeyga sheekh xasan barsane waxey ugu magac dartey Iskuul ama dugsi dhinaca waxabarashada oo ku yaala magaalada muqdisho.

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip