MAANDHAAY Shiinees ha ii guursan aan kuu duceeyee! {SHEEKO- GAABAN OO XIISO LEH}

0
Tuesday May 10, 2016 - 18:59:05 in Maqaallo by
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANDHAAY Shiinees ha ii guursan aan kuu duceeyee! {SHEEKO- GAABAN OO XIISO LEH}

    Islaan Soomaaliyeed oo ay dhibeen halaabidda alaabaha tayada yar ee Shiinaha laga keeno ayaa gabadheeda waxbarasho u aadday Shiinaha. Gabadha waxaa ay hooyadeed alaabo uga soo diri jirtay Shiinaha, sida nalalka guriga, taleefoonada, iyo dhammaan wix

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaan Soomaaliyeed oo ay dhibeen halaabidda alaabaha tayada yar ee Shiinaha laga keeno ayaa gabadheeda waxbarasho u aadday Shiinaha. Gabadha waxaa ay hooyadeed alaabo uga soo diri jirtay Shiinaha, sida nalalka guriga, taleefoonada, iyo dhammaan wixii agab koronto ah loo baahdo, balse maalmo gudahood waa ay halaabaan oo waa wax tayo liita.
Islaantu ma aysan cajabin alaabooyinka quruxda badan ee halaabidda dhaw, balse maadaama ay gabadheeda soo direysay way iska heysan jirtay.

Gabadheedii markii ay Shiinaha ku maqneyd 4 sano, jaamacadiina sanad uun uga harsan yahay ayey is shukaansadeen nin Shiinees ah, kaddibna waxaa ay isla garteen in ay is guursadaan.

Gabadhii waxaa ay soo wacday hooyadeed si ay arrintii ugu sheegto, kaddibna sheekadan ayaa dhex martay:

GABADHII: Hooyo, waan guursan rabaa, in aad ii duceyso ayaan doonayaa.

ISLAANTII: Maandhaay waad iga farxisay, waad duceysan tahay, Ilaah guurkaaga ha kuu barakeeyo ee wiilka aad guursaneyso waa kee?

GABADHII: Hooyo ninka waa Shiinees, waa nin wanaagsan, waa ganacsade, hanti ayuu leeyahay, waana I caawiyaa hooyo, anigana waan ka helay oo amooraati ayaan isku noqonay.

ISLAANTII: Maandhaay waan kuu duceynaaye Shiinees iska dhaaf, soo ma arakin sida ay alaabooyinkooda u tayo xun yihiin, sida alaabooyinkooda u tayo xun yihiin ayey dadkooda u tayo xun yihiin.

GABADHII: Hooyo, kan waa fiican yahay, anigaa huba, waan iska tijaabiyey.

ISLAANTII: Maandhaay, Shiinees anigaa kaa og, Caruurtooda xitaa ma raagaan maandhaay waa sida alaabooyinkooda, ee mustaqbalkaaga mugdi ha gelin, carruur kuu raagta soo ma rabtid maandhaay, mise carruur fuunto ah in aad ii dhasho ayaad rabtaa.

GABADHII: Hooyo, ninkan waan ka helay, waa nin fiican, Hooyo ii aqbal Hooyo.

ISLAANTII: Maandhaay, waxaad doonto guurso ee iga daa Shiinees qandho halaabis badane, sida waxooda u halaabaan ayey caruurtoodana kaaga soo halaabayaan iska daa nin shiinees ah Maandhaay, qofka aad doonto iila imow, Shiinees kuguma ogi.

GABADHII: Ilmahooda way kaa soo halaabayaan aah! Runtaa miyaa hooyo! Ilmo iga soo lahaabaayo ma rabo.

ISLAANTII: Maandhaay ubad aan ciyaarsiiyo Ayaan rabaa, ubad kaa halaabaayo ma rabo.

GABADHII: Hooyo waan iska daayey, Jaceylkiisa xitaa uma xoog badna sida kan Jarmalka iyo Jabaaneeska.

Sheekadan waxaa qory Abuukar Al-badri




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip