FAALLO: Muhiimadu waa in fursadaha shaqo loo Sinnaado si looga Badbaado Khatarta Tahriibka

1
Friday May 06, 2016 - 23:18:57 in Maqaallo by
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Muhiimadu waa in fursadaha shaqo loo Sinnaado si looga Badbaado Khatarta Tahriibka

    Tahriibe kasta haddii uu Alle ka Samata-bixiyo dhibaatada Bad-weynta marka la weydiiyo sababta ku khasbeysa in uu ka soo haajiro dalkiisa, si fudud ayuu markiiba kugu jawaabayaa shaqo la'aan iyo Ammaan-darro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahriibe kasta haddii uu Alle ka Samata-bixiyo dhibaatada Bad-weynta marka la weydiiyo sababta ku khasbeysa in uu ka soo haajiro dalkiisa, si fudud ayuu markiiba kugu jawaabayaa shaqo la'aan iyo Ammaan-darro.

cabanayaan Dhalinyarada haddii aan is-dul-taagno, Waxaa is-weydiin mudan su'aalo dhowr ah, balse ay ugu miisan culus yihiin labada su'aalood ee kala ah ma dalka ayeey shaqo la'aan ka jirtaa, mise fursadaha shaqo ee jira ayaa aad u yar oo waxaa ka badan dhalinyarrada tan dhaafka ah ee hadba mar kaliya ka aflaxda Jaamacadaha kala duwan ee dalka ka jira.

Jawaabta sidii ay doontaba ha u dhacdee,Waxaa xaqiiqo ah - in Shaqo la'aan iyo Shaqaale la'aan aysan midna Dalka ka jirin, laakiinse dhibaatada ugu weyn ka taagan tahay siddii loo maareyn lahaa.

Tusaalle ahaa Dowladda Federaalka oo inta badan ishu ku godan tahay marka laga hadlayo fursadaha shaqo, ayaan xil badan iska saarin Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Dalka wax ku baratay, iyagoo taa badalkeeda ka doorbida qurbo joogta, meelaha qaarna waxaad arkeysaa shaqooyin ay qaban karaan dhalinyarrada Soomaaliyeed oo ay ka shaqeynayaan dad ajnabi ah oo ka kala yimid dunida inteeda kale.



Dabcan, shaqo la'aanta ay ka 

Dowladda federaalka ayaa siddoo kale lagu eedeynayaa in ay xayiiysiin dhab ah u sameyso qurbaha kuna dhiirri-galiso Dhallinyarada Soomaaliyeed in ay Waddankooda isaga tagaan, waxaana tusaalaha ugu fudud loosoo qaataa golaha wasiirada Soomaaliya, xildhibaamnada agaasimayaasha iyo shaqaallaha dowladda oo intooda badan ka yimid waddanka Dibadiisa, waana tan keentay hal ku dhaga ah [Tahriibaha Maanta Waa Qurbo-joogga Barrito]. taasoo buuxisay booskii oraahdii aheyd [Dhalinyarrada maanta waa madaxdii Barito]

Wasiiro dowlaha arrimaha gudaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig oo mar ka hadlay dhibaata dhalinyarrada Soomaaliyeed ka heysata tahriibka, ayaa sheegay in caba-shada dhalinyarrada ee shaqo la'aanta tahay mid qiil loo heli karo, isagoo si cad hoosta uga xariiqay in Dowladda aysan xil gaar ah Arrintaan isaga saarin, isla markaana fursadaha ugu badan la siiyo qurbo joog iyo ajaanib.

Marka aynu leenahay qurbo joog micnuhu ma'aha in aysan xuquuq shaqo ku laheyn dalka, laakiin ujeedada waxaa ay tahay in la ilaaliyo isku dheeli tirka shaqo bixinta oo ay muhiim tahay in ay u siman yihiin dhalinta wax ku soo barata dalka dibadiisa iyo kuwa wax ku baratay gudaha dalka ee u dul-qaadatay marxalada adag ee dalka ka jirta.

Ugu danbeyn, Dowladda federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay la timaado is badal la xiriira dhinaca bixinta shaqada dowladda iyo magacaabista xilalka kala duwan ee dalka, oo haddii in badan Wax laga siiyo Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Aqoonta Wanaagsan leh Gudaha dalkana wax ku baratay dhiiri-galin rasmi ah u noqon karta, isla markaana horseedi doonta in ay aaminaan dalkooda

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Xigasho:-hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip