Shabaab oo sheegtay Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane

0
Tuesday May 03, 2016 - 10:18:03 in Wararka by
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo sheegtay Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada tiro madaafiic ah oo xalay lagu weeraray Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Xalane, halkaasi oo ay joogaan ciidamo badan oo Afrikaan iyo reer Galbeed isugu jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada tiro madaafiic ah oo xalay lagu weeraray Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Xalane, halkaasi oo ay joogaan ciidamo badan oo Afrikaan iyo reer Galbeed isugu jira.

War ka soo baxay Shabaabka ayaa lagu sheegay masuuliyada Madaafiicdaasi inay iyaga ka dambeeyeen, waxaana Shabaabka ay sheegteen in 7 Madfac ay ku dhaceen xarunta Xalane.

Shabaab ayaa sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan Khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi xalay ay ku weerareen Xarunta ciidamada Amisom ee Xalane.

Ujeedka laga lahaa Madaafiicdaasi ayeey sheegeen Shabaabka in la gaaray, maadaama lala helay Xarunta Taliska Amisom ee Xalane.

Dadka ka agdhaw Nawaaxiga Xarunta Xalane, ayaa sheegay xalay inay maqlayeen dhawaqa tiro Madaafiic ah oo dadka deegaanka Argagax ku abuuray, kuwaasi oo ilaa hada aanan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Al Shabaab ayaa dhowr mar sidaan oo kale Madaafiic ugu weeraray Taliska Amisom ee Xalane iyo Xarunta Madaxtooyada (Villa Somaliya).

Madaafiicdaan Shabaabka ay ku weerareen Xarunta Xalane ayaa ku soo aadayaa, iyadoo Magaalada Muqdisho ay soo gaareen ciidamo ka socda Dalka Britain oo hordhac u ah ciidamo kale oo Somaliya ku soo wajahan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip