Macalinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed C/laahi Xaashi, wuxuuna ahaa Barre mid ka mid ah Iskuulada Baledweyne ku yaal wax ka dhigi jiray, iyadoo ilaa hada aanan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka loo geystay Macalinkaasi.
Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne ayuu dilka ka dhacay, dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka Magaalada Baledweyne oo halkaasi ka sameeyay howlgalo.
Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen inay wadaan Baaritaano ku aadan cida ka dambeysay dilka Macalinka.
Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana aad u yar dadka loo soo qabanaayo falalka dilalka Magaalada ka dhaca.
Nin Macalin ahaa oo lagu dilay Magaalada Baledweyne
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan nin macalin Iskuul ahaa ayaa xalay fiidkii lagu dilay magaaladaasi.