Afhayeenka Ciidamada AMISOM JosephKibet oo la hadlayay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in illaa saddex madfac lagu soo tuuray.
JosephKibet ayaa sheegay in madaaficida ay ku soo dhaceen agagaarka Xarunta Xalane, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo sababtay.
Xerada Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha ayaa ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo, waxaana xarumo ku leh Safaarado dhowr ah oo ay ka mid tahay Safaaradda Britain, Xafiiska Qaramada Midoobey.
Al-Shabaab ayaahoray weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah uga fuliyay Xerada Xalane sanadihii 2009-kii iyo 2014.
Madaafiic hoobiyeyaal oo xalay saqdii dhexe lagu garaacay Xerada Xalane
Dhowr madaafiic ayaa xalay abaarihii 1-dii saq dhexe lagu garaacay Xerada Xalane ee ku dhegan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Talis u ah howl galka AMISOM.