WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 3-DA MAY 2016-KA

0
Tuesday May 03, 2016 - 09:23:06 in Wararka by
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 3-DA MAY 2016-KA

    CIIDAMADA DOWLADA OO XALAY GUDAHA U GALAY DEEGAANKA RUUNIRGOOD, SH/DHEXE Ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa Xalay la wareegey deegaanka ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii weerara xoogan ay ku qaadeen, sida ay sheegaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIIDAMADA DOWLADA OO XALAY GUDAHA U GALAY DEEGAANKA RUUNIRGOOD, SH/DHEXE Ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa Xalay la wareegey deegaanka ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii weerara xoogan ay ku qaadeen, sida ay sheegayaan Wararka caawa laga helayo halkaasi. Dagaalka labada dhinac dhex maray oo ahaa mid kooban ayaa la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen inta badan degmada oo maalin ka hor laga soo saaray.

 

 

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ku sugan yihiin degmada Runirgood xalay, kadib markii maleeshiyadii Alshabaab ay ka baxeen galabta.

Xaaladda ayaa degan iyadoo ciidamo fara badan ay dowladu u dirtay degaankaasi, kuwaasoo la sheegay inay howgal weyn gobolka Shabeelaha Dhexe uga sifeyn doonaan kooxda Alshabaab. Tali yaha ciidanka xoogga dalka Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa hor kacaya ciidamada dowladda ee howlgalka bilaabay.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka ay galeen deegaanka Ruunirgood, inkastoo weerar rogaal celin ah oo ay soo qaadeen Alshabaab ay ku dileen askar ka tirsan dowlada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan inta qasaaraha uu la eg yahay.

SHIRK ADDA SPECTRUM ASA WAXAY SI GU UL AH KUSOO GABA-GABEYSAY XOG URUUR INTII (2D SEISMIC DATA) DHUL BADEEDKA K/SOM =WAR SAXAAFADEED=

Shirkadda Spectrum ASA waxay si gu ul ah kusoo gaba-gabeysay xog uruurintii (2D seismic data) dhul badeedka koonfu rta Soomaaliya. Waxay ahayd 5tii Septem ber 2015 markii DFS (DFS) iyo shirkadda Spectrum ASA ay heshiis xog uruurin ku wada galeen xaflad lagu qabtay SYL Ho tel oo ku yaalo M/Muqdisho. Wax dhib aato ah ama amni darro ah ma aanay dhi cin intii lagu jiray xog uruurinta.

Dhul badeedka xogta laga aruuriyay waxay la eg tahay 20,582.75 Km. Xogta an cusub waxa ay kaabi doontaa xog bad eed hore oo dhan 20,000 km taas oo la soo aruuriyay 2014. Labada xog waxay sahlayaan in daraasad gun fog lagu sam eeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soo maaliyeed. Spectrum waxay bilowday in xogta la fasiro taas oo diyaar noqonaysa dhamaadka sanadkaan, DFS ayaa baah in doonta natiijada xogta shidaal ama Gaas ee laga soo uruuriyay badda K/ So maliya.

Waxaa intaa dheer, 7 qof oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda bartayna cilmi ga geology (geo-scientists) ayaa ka qayb galay xog uruurinta kuwaas oo tababar la gu siiyay sida maraakibta xogta u uruuriy aan. Dadka tababarka soo qaatay waxa ay aadi doonaan Qaahiro, Masar, halkaas oo lagu bari doono xarunta Spectrum ku lee dahay sida loo fasiro xogta.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO WACAD KU MARAY INAY LA DAGAALAMI DOONAAN CID KASTA OO WADA AMNI DARO.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Mada xweynaha M/Puntland oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey M/Boo saaso isaga wufuud ka kala socotey D/Ta lyaaniga, DF.Soomaaliya, urur goboleed ka IGAD iyo hay’adaha mashaariicaha ka wada Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Md.Gaas ayaa ka hadlay ammaanka guud ee deegaanada maamulka Puntland , wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo cid walba oo isku dayda inay qalqal galiso ammaanka deegaanada maamulka puntland. Dhanka kale wuxuu sheegay in cid walba oo khat ar ku ah amnig ay la mid tahay Shabaab, islamarkaana ay ula dagaalami doonaan sida Shabaab oo kale

DONALD TRUMP OO KU EEDEEYAY DALKA SHIINAHA INUU DOONAYO INUU KA HOR-MA RRO MAREYKANKA

Murashaxa ugu cad Xisbiga Jamhuuri ga ee Maraykanka, Donald Trump ayaa ku eedeeyay Shiinaha inay isku dayayaan inay ka hor-maraan dalka Maraykanka, iy adoo tani ay noqonayso dhaliil ku wajah an ganacsiga Shiinaha. Trump ayaa isku soo bax uu ku qabtay gobolka Indiana ee Mareykanka ka sheegay in Xukuumadda Beijing ay mas’uul ka tahay Xatooyadii u gu waynayd ee Taariikhda soo marta caa lamka oo dhan. Sidoo kale, Maal-qabee nkan ayaa wux uu marar badan Shiinaha ku eedeynayay inuu sarifka lagactiisa u adeegsanayo in alaabada uu dhoofiyo ay noqoto mid ta rtan dhanka ganacsiga ah ka geli karta Suuqyada Caalamka. "Ganacsiga xatooyada ku dhisan ee Shiinaha waxay dhaawac aad u weyn gaa rsiisay Taas ayuuna ku tilmaamay inay aad u dhaawacday ganacsiga Maraykan ka iyo shaqaalaheenna,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu kaloo Trump Axaddii ka hadlayay isku-soo-baxan ayaa sheegay in aysan sii wadi karin in Shiinuhu uu ka dul-tallaabs ado Mareykanka. Wuxuuna ku baaqay in ay tahay in tallaabooyin wax ku ool ah la qaado..

Dhanka kale, Rai'sal Wasaaraha Shii naha, Li Keqiang ayaa isagana sheegay in doorashada Maraykanka ay indhaha ca alamka soo jiidatay, laakiinse Dad badan oo Shiiinays ah ay uga dhigan tahay mid intaas ka ahmiyad weyn. "Maal-qabeenka reer New York waxay u arkaan dadka Shi inuhu mid dhiifoonaan badan ay ka muu qado halkii ay u arki lahaayeen mid liddi ku ah waddankooda,” ayuu hadalkiisa ku daray Li Keqiang. Ugu dambeyn, Donland Trump wuxuu ka sheegay ololihiisii door ashada inuu Da lka Shiinaha la gali doo no heshiis shirka daha Maraykanka iyo shaqaalahoodaba ka dhigi kara kuwo ka tartama Caalamka.

JEN. XAAMUD "BOOLISKA SOOMAALIYA MA HEYSTAAN AGAB CIIDAN OO KU FILAN”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaal iyeed Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaa mud ayaa sheegay inay jiraan culeysyo badan oo heysta ciidanka Booliska, kaa soo caqabad ku noqday howshooda.

Wareysi uu Taliyaha siiyay Wargeyska The Star ayuu ku sheegay in Saraakiil ciid an loo tababaray, balse aysan heysan wax agab ah

Taliyaha ayaa ku eedeeyay beesha ca alamka dayacaad waxaana uu xusay in loo baahanyahay in la tayeeyo ciidamada booliska Soomaaliyeed si ay amaanka dalka u hantaan "Waa ay jiraan in saraa kiil iyo ciidamo naloo tababaro haddana saraakiishaas agab la’aan lama shaqo galin karo” ayaa lagu yiri warka laga soo xigtay taliyaha booliska Soomaaliya Jen Max’ed Xasan Xaamud ee lagu qoray wargeyska The Star.

Xaamud waxaa uu talo ahaa n u soo je ediyay in la tayeeyo oo la kordhiyo tirada ciidamada booliska waxaana uu intaa ku daray inuu aaminsan yahay in maalin cii danka booliska ay noqon doonaan kuwa awood u hela sugida amaanka dalka. Dha nka kale taliyaha ciidamada booliska mid awga Africa ee AMISOM Anand Pillay ay aa isna sheegay inay toos ula shaqeeya an ciidamada booliska Soomaaliya waxaa na uu xusay inay booliska Soomaaliya ay u tababareen illaa 400 oo sargaal 200 oo kalena ay bisha dambe u tababari doono

BOOLISKA MASAR OO XIRAY WARIYAAL WAR GEYS MUCAARADKU LEEYAHAY U SHAQAY NAYAY.

Booliska dalka Masar ayaa xabsiga dhi gay 2 wariye oo laga qabtay xarun ay lee dahay hay’ad warbaahineed oo ku taala M/Qahira. Wararku sheegayaan in ciida madu xoog ku galeen dhismaha hay’ada ka dibna ay xoog ku wateen labo wariye oo ku sugnaa.

Warar soo baxaya aYaa sheegaya in wariyaasha la xiray oo u shaqaynayay wa rgeys mucaaradku leeyahay oo la yiraa hdo Bawaabet Yanayer ay ka qeyb galay een shir wariyaasha m/Qaahira qaarkood la iskugu yeeray. W/arrimaha gudaha Ma sar ayaa beenisay warka ah in boolisku xoog ku galay goobta shirku ka socday ha se ahaatee waxaa wasaaraddu xaqiijisay in wariyaal la xiray.

TALISKA CIIDANKA XOOGGA OO GURMAD CIIDAN U DIRAY DEEGAANADII LAGU DAGAA LAMAY EE SH/DHEXE

Ciidamo gurmad ah oo wata gaadiid fa rabadan ayaa sh alay gaaray dee gaano ka tirsan G/Sh/Dhexe, hal kaasoo dagaalo faraha looga gub tay ku dhexmare en Ciidamada do wladda iyo Al-Shabaab. dorraad

Sida ay sheegayaan wararka ciidamad an gurmadka oo ka kala baxay Jowhar iyo Muqdisho ayaa gaaray Cadale iyo dee gaano ku dhow degmada Ruun-Nirgood, ka dib markii dorraad degmadaas ay dib ula wareegeen Al-Shabaab. Xaalada deg mada Ruun-Nirgood iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa la soo sheegayaa inay tahay mid deggan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo ka dhacaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateri ga oo ay ku jiraan Taliyeyaal ayaa hogaa minaya ciidamadan gurmadka ee ku bax ay deegaanada lagu jebiyay ciidanka dow ladda, iyadoo wararka qaar ay sheegaya an inuu socdo abaabul dagaal. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadan ay isu diyaarinayaan sidii ay ugu qaadi lahaaye en Ruun-Nirgood weerar rogaal celis ah, si ay uga saaraan Al-Shabaab oo dorraad dib ula wareegay.

Dhinaca kale Abaanduulaha Guutada 4 ee ciidanka xoogga dalka Col. Saney Cabdulle Gaab ayaa la xaqiijiyay inuu no ol yahay, waxaana sarkaalkan la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, waxaana dha awaciisa lagu wadaa in loo soo qaado M/ Muqdisho. Saraakiil ka tirsan ciidanka do wladda ayaa sheegay in Sarkaalkan iyo ciidamo la socday ay deegaanada miyiga kula dagaalameen Al-Shabaab, markii ay ciidamada ka kala firxadeen degmada Ru un-Nirgood.

Khasaaraha ciidamada dowladda ka soo gaaray dagaalkaas ayaa la sheegay aa inay ka badan tahay 20 Askari oo dhim asho ah, inkastoo aan wali la heyn warar madax banaan, waxaana jira ciidamo kala firxaday oo laga soo helay deegaanada miyiga ee deexda dhaca iyagoo nabad qaba.waxan shabaabka iyana laga dilay ti ro intaa ku dhaw sida ay sheegen ciidm ada dowlada iyo dhaawac na uu jiro

ARDAYDA JAAMACADDA MUQDISHO OO GUULO WAYN KASOO HOOYAY TARTANKII (IUSARC) OO KADHACAY DALKA QUBRUS

Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaama caddii ugu horeysay ee wadanka laga hir geliyay burburkii ka dib bulshadana gaarsi isay adeeg waxbarasho oo tayo leh lana mid ah kan caalamka waxay mudadii ay ji rtay ka mid noqotay xubin firfircoona ka ta hay ururo Jaamacadeed oo caalami ah iyo kuwo heer gobal ah oo ay la wadaag to halbeega waxbarasho ee caalamka, ta yada iyo waxqabadka hufan.

Iyadoo taa laga anbaqaadaayo ayaa ar day ka tirsan J/Muqdisho waxay ka qeyb galeen tababar iyo tartan ku saabsan ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka. Tababarkan iyo tartankanba waxaa soo qabanqaabiyay golaha ururka jaamaca daha adduunka uqaabilsan baaridda iyo ka samatabixinta musiibooyinka (Internati onal Universities of Search and Rescue) oo Jaamacaddu xubin firfircoon ka tahay. Ururkan ayaa waxaa ku mideeysan Jaam acado ku kala yaalla qaaradaha adduun ka sida Afrika, Aasiya, America, Yurub iyo Australiya.Tartankan ayaa wuxuu ka dha cay Jasiiradda Qubrus Waxaa xusid mud an in ardayda Jaamacadda Muqdisho ay ahaayeen kooxdii ugu sareysay sanadka an Qaaradda Afrika dhanka tartanka iyo tababarkaba. Waxay kasoo hooyeen kaa lin lama illaawaan ah waxayna kasbade en taageero aad u heer sareysa iyagoo sara uqaaday magaca Afrika, Somaaliya iyo kan Jaamacadda Muqdisho.

Arrintani waxay tusaale wanaagsan u tahay sida firfircoonida leh ee J/ Muqdi sho ugu taagantahay tayaynta waxbara shada iyo adeegyada kale ee bulshada si ardaydeedu ula jaanqaadaan asaagooda caalamka kale wax ka barta. Ardayda J/ Muqdisho waxay tusaale fiican uyihiin dha maan dhalinyarada Soomaaliyeed oo wa qti badan ku fikira iney dalka ka tahriibaan si ay ugaaraan wadama reer galbeedka iy agoo ka cararaya wadankooda laakiin taa bedelkeeda ardayda J/Muqdisho iyagoo ku kalsoon Allahooda kuna qanacsan wa dankooda iyo waxbarashadooda waxay marwalba wadamada Yurub iyo meel wal ba uga qeybgalaan tababarro iyo tartamo waxayna iyagoo guul huwan kusoo labta an wadankooda sidaa darteed waxay arin taani farriin udireysaa dhalinyarada Soom aaliyeed iney ku daysadaan ardayda Jaamacadda Muqdisho.

Ustaad Maxamuud Sheekh Cali oo ah madaxa arimaha ardayda ee J/ Muqdisho ayaa u hambalyeeyay ardaydaan kasoo faa’idaysatay tartankaan guulana kasoo hoyay. Wuxuuna halkaas kasheegay in ar dayda tartanka kaqaybgashay ee J/ muq disho ay matalayeen dhamaan Afrika, Car abta, iyo Soomaaliya, wuxuuna u mahad celiyay laanta socdaalka iyo Jinisiyada So omaaliyeed oo ardayda Jaamacadda Mu qdisho aaminaad balaaran siiyay maanta na iyaga oo dhanna ay dalka dib ugu soo laabteen.

Waxaa isna soolaabashadooda arda ydani ka hadlay taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya jeneraal c/laahi gaafoow oo u mahad celiyay ardayda Ja amacadda Muqdisho oo uu ku amaanay sida xil kisnimada leh iyo wadaniyada ay ku dheehantahay ee ay ugu soo dhalaal een inay dalkooda dib ugu soo laabtaan markay soo dhamaystaan tartaankaas.

"markii ay ardaydaan dhoofayeen wa an walwalsanaa inaysan soo laabanayan laakiin maanta waxay ardayda J/ Muqd isho nagu abuureen kalsooni aad usaray sa ”.Wuxuu hadalkiisii sii raaciyay gen. Gaafow, anagoo kaduulayna kalsoonida ay nagu abuureen ardayda J/Muqdisho waxaan 10-ka arday ee ugu horeysa ard ayda Jaamacadda Muqdisho inaan siin doono 10 Passport oo lacag la’aan ah.

Sidoo kale waxay ardayda J/Muqdisho aan kusoo dhawaynaynaa inay cilmi baar is ama buugaagtooda qalin jabinta inay ku sameeyaan laanta socdaalka iyo jins iyada Soomaaliya. Ugu danbeyn J/Muqd isho waxay amaan iyo bogaadin usoo jee dineysaa ardaydii ka qeybgashay tababar kan iyo tartankan heerka Caalami ah wa xayna ugu hambalyeyneysaa guusha wax ku oolka ah ee ay kasoo hooyeen.

MAXAY CIIDAMADA SOMALILAND U XIREEN SHEEKHA CAANKA AH?

Sheekh caana ayaa habeen hore lagu xiray M/Hargeysa, iyadoo ciidamada la-da gaalanka argagixisada ayaa xabsiga u ta xaabayn Sheekhan oo lagu magacaabo Sh.Aadan Sunne.Wararka ayaa sheega ya in ciidamada ay habeen hore Saq Dhe xe u dhacay gur iga Sheekha oo ku yaala M/Hargeysa, hal kaasoo ay ka kaxeys teen, iyadoo aan la sheegin waxa loo hey so iyo sababta loo xitay midna.

Ciidanka howgalka sameeyay ayaa la she egay in ay wateen ciidamo aad u fara bad an iyo sidoo kale gawaari dagaal. Sh. Aadan Cabdiraxmaan Warsame Sun ne ayaa ka mid ah culumada ugu cans an M/Somaliland.Xigasho:-Dulqaa dka.com

G/BAARLAMAANKA JABUUTI OO KULAN SHA RAF LA QAATAY XILDHIBAANADA B/MAAN NADA AFRIKA

G/Baarlamaanka Jabuuti md. Maxamed Cali Xaamud oo booqosho rasmi ah ku jo oga dalka K/Afrika, laguna wado inuu khu dbad ka jeediyo furitaanka shirka baarla maanada Afrika ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah xildhibaan ada Baaralaamada Afrika gaar ahaan ku wa Bariga Afrika. Kulankaan oo ahaa kul an uu gudoomiyuhu ku casuumay xildhib aada Bariga Afrika ee mudanayaasha ka ah Baarlamaanka Pan Afrika ayaa ugu ho reyn waxaa daah furay Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah xildhibaanada Soom aaliya umatala Baarlamaanka Pan Afrika.

Xildhibaan Cabdi Xukun ayaa sheegay inay kulankaan casuumaada ah ee uu gu doomiyuhu ufidiyay xildhibaanada Bariga Afrika uu yahay mid isbarasho ah, muda nayaashuna ay soo dhaweeyeen gudoo miyaha, iyadoo gudi gobaleedka bariga Afrika ee Baarlamaanka Pan Afrika uu ya hay mid ka mideysan dhinac walba.

Kulankaan casha sharafeedka ah oo ay inta badan joogeen xubnaha baarlam aanada dalalka la isku yiraahdo Bariga Af rika ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Pan Afrika ayaa waxaa joogay xubno iyagu ku cusub ka mid noqoshada Pan Afrika iyo xubno lagu sagootinayay kulankaani oo xildhibaannimadii ka heli waayay wadama dooda oo aan dib ugu soo noqoneyn Pan Afrika.

Ugu danbeyn, G/Baarlamaanka Jabuuti md.Maxamed Cali Xaamud ayaa u rajeey ay mudanayaasha baarlamaanada Afrika guud ahaan inay ka dhabeeyaan inay Af rika gaarsiiyaan hal cod iyo hal Afrika, taa soo ah halku dhiga Baarlamaanka Pan Afrika.

DAWLADA MARAYKANKA OO DOONAYSA IN LA JOOJIYO DAGAALKA KA SOCDA M/ XALAB

Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maray kanka John Kerry ayaa madaxda dawlada Rushka kala hadlaya sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda M/Xaleb la yiraahdo oo ku taala waqooyiga dalka Syria oo dha wrkii cisho ee lasoo dhaafay ay duqeyn ku socotay.

John Kerry waxaa uu sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay M/Geneva in uu xooga ugu badan galinayo sidii loo jo ojin lahaa dagaalka ka socda dalka Syria gaar ahaan magaalada Xalab. Kerry wa xaa uu sheegay in madaxda Rushka uu kala hadlayo sidii ay dawlada Syria uga dhaadhicin lahaayeen inay duqeynta ka jo ojiyaan magaalada Xalab si dadka rayi dka ah u bad galaan.

Boqolaal ruux ayaa ku naf waayay duq eyn xoog leh oo tan iyo todobaadkii hore ku socotay magaalada Xaleb oo labo dhin ac u kala qeybsan.

XASAN SH. OO SHALAY GALAB TEGEYA JIIDA HORE GOOBIHII AY KU DAGAALAMEEN ALSH ABAAB IYO CIIDAMADA DOWLADDA.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madax aweynaha Jamhuuriyada federaaliga ee Soomaaliya shalay galab u ambabaxay deegaanka Cadale ee gobolka Sh/dhexe, sida ay sheegayaan warar aanu helnay.

Madaxweynaha ayaa booqanaya de egaan dhowaan ciidamada dowlada ay dagaal kula galeen kooxda Alshabaab, waxaana lagu soo waramayaa in ay ka sii horeeyeen ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Wararku waxay leeyihiin Socdaalka Ma daxweynaha ee Sh/Dhexe ayaa ka danbe eyay markii uu shalay soo saaray amar ah in gobolka Shabeelaha Dhexe laga xor eeyo ururka Alshabaab. Madaxweynaya ayaa diyaarad gaara ka raacay M/Muqdi sho, waxaana wararku sheegayaan inuu khudbad u jeedin doono ciidamada dowla da ee howlgalka ka bilaabaya gobolka Sh/ Dhexe.

Ciidamada dowladda oo wata in ku dhow 50 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo sahayda, waxaana dagaalkan ka dan beeyay weerar Alshabaab ku qaadeen ci idamo ku sugnaa Ruunirgood waxaan shalay gurmad xooggan uu gaaray deega anada G/shabeelah dhexe waxaana hogg aaminayey abaduuliyiha qaranka soomaa liyeed halkaasoo war cusub laga sugayo

Xigasho:dulqaadka .com

HODAN AXMED BARRE OO DAB IS-QABADS IISAY….(OGOW SABABTA KU KALIFTAY?)

Jasiiradda Nauru oo Bartamaha Bad-weynta Pacific-gga ku taalla, ayaa waxaa isku gubtay Gabar Soomaaliyeed, Waxaa na Gabadhan la dhigay Isbitaal ku yaalla jasiiradaas, waxayna ka mid ahayd qoxo oti ay xukuumadda Australia halkaas ku hayso, kaddib markii ay dalkeeda ku gal een dooomo sharci-darro ah.

Sidoo kale, Dhawaan ayaa sidan oo kale, waxaa Jasiiradda Nauru isugu guab ay nin Iiraan u dhashay, kaasoo markii da mbe u geeryiooday dhaawicii kasoo gaar ay gubashadaas, kaasoo isna ka mid ah aa qoxootiga jasiiraddaas lagu hayo.

Mid ka mid ah Gabadhaha Soomaaliye ed ee qoxootiga ah ee lagu hayo jasii radda Nauru oo lagu magacaabo, Sahra Maxamuud Xuseen oo la Hadashay VOA, ayaa sheegtay in Gabadh Soomaaliyeed oo 19-jir ah, laguna magacaabo Hodan Axmed Barre ay Dab is-qabadsiisay, ka dib markii laga soo celiyay Australia.

"Gabadha Soomaaliyeed ee is-gubtay, ay aa waxaa laga soo celiyay dalka Australia oo lagu hayay lix bilood ah, markii Jasiir adda Nauru la keenay ayaa waxay tiri ge eri ayaan ka xigaa markaas ayayna dab isku daartay,” ayay tiri Sahro oo intaas ku daray in Gabadha ay Miyir-daboolan tah ay laguna hayo isbitaal aan nadaafad la hayn, laakiinse loo dalbay Diyaarad, si dhaawaceeda dalka Australia loo geeyo.

Sahra, ayaa xustay in Gabadhan dabka is-qabadsiisay ay u maleynayaan in mu rugo iyo ciil lasoo daristay darteed ay isku gubtay, iyadoo sheegtay in gabadhaan uu horay dhaawac uga soo gaaray madaxa oo dalka Australia lagu soo daweynayay lix bilood.

"Jasiiradan waxaan ku suganahay mu ddo saddex sano ah, runtii dhibaato aad u badan ayaa nagu haysata. Aniga qu dhe yda Nafteydu khatar ayay ku jirtaa, dhawr jeer ayaana ku sigtay inaan is-dilo,” ayay hadalkeeda ku dartay Sahro oo sheegtay in loo diiday in Somalia lagu celiyo lagu yiri halkaan ayaad joogaysaan.

Dhanka kale, Sahra Maxamuud ayaa xustay inay illaa saddex qof oo Qoxootiga Jasiiradda Nauru lagu hayo ah ay sakiin liqeen oo loo qaaday dalka Australia si lo ogu soo daweeyo.

"Xukuumadda Australia qofkii dhiman aya diyaarad ayay ku qaadaysaa, balse qofka silcaya halkaan ayuu ku Silcayaa arrinteedu waa sidaas. Waxaanan ka ba qaynaa haddii aan ka bixi lahayn in kil iyaha iyo beerka ay nagala baxaan,” ayay hadalkeeda raacisay Sahro. Mar la weyd iiyay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee lo ogu hayo Jasiirada Nauru iyo weliba dhib aatooyinka ku haysta, ayay Sahro Max amuud sheegtay inay gaarayaan illaa 40 ruux oo Rag iyo Haween isugu jira oo ka yimid Soomaaliya.

"Waxaan Jasiiradan nagu haysta dhib aatooyin ay ka mid yihiin; Cunno la’aan, Biyo la’aan iyo inaanay jirin meel wax la ga iibsado. Dadka jasiiradan ku noolna dhib badan ayay nagu hayaan, gaadiidka way na dar-darsiinayaan, Gabdhaha kufsi ayay u geysanayaan, cunnada laba bil ood ayaad sugaysaa,” ayay mar kale tiri Sahro. Ugu dambeyn, Sahro Xuseen ay aa sheegtay in Jasiiradda ay ku hayso Do wladda Australia oo aan siin Dhaqaale ku filan oo ay ku noolaan karaan, ayna ku jir aan Xeryo, loona diiday in Soomaaliya dib loogu celiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa xusid mudan in Gabar Soomaaliyeed oo dhalli nyaro ay loogu geystay Jasiiraddan kufsi, taasoo Kufsiga uur ku yeelatay, iyadoo arrintan ay buuq weyn ka dhalisay gud aha Xukuumadda Waddanka Ausutalia.

Ibrahim Omar BaafoMelbourne, Australia

XAGEE NALOO WADAA???.

KURSIGA : Dadka qaar ayaa FB ku soo qoro musharixiin u badan kuwa asalkoodo soomali yahay.ayaga oo ku leh kee baad dooran laheed.

Horta ogaaw adiga iyo aniga midna ka mid mahan kuwa wax dooran ayo,xataa kuwa noqon doona xildh ibaanada mustaqbalku ma laha xor iyad wax doorasho ee hunguri iyo handadaad ayaa hagee ysa. Kur siga la isku haysto ma ahan kan sawirka (A) ,waa midka (B) ee madawga ah oo wadamada itoob ia,Kenya iyo wadama sadaxaad oo danleey ahi iskuheeystaan qofka ku fadhiisan doona oo eeyaha AMISOM na ku ilaalin doonaan.

Waxaana badanaa maqalnaa hebel waa is hubaa oo wadankaa ayaa wata ee ma ahan Somali ayaa wadata.adiguna ma xuli ka rtid shuruuduna waa isbad al ee.kursiga daahirka ah waa kii somaliyu xushu,kan nacaladu ku taal waa kan eeyuhu ku diriray aan.

QAXA: Dhinyaro badan ayaa beryahan ku dhimatay tahriib. Ma xeey u tahriibeen. Ma ahan qaxo oti dhaqaala doon ah ama dagaal ka cararay ee wax ay u qaxeen in ay soo buuxiyaan shuruudaha shaqada looga heli karo Somalia oo ah in aad heeysato paasport reer galbeed ah.

Haddii iyaga oo jooga la siiyo passport kaa waa iska joogi la haayeen oo shaqo ayeey ku raadsan la haayeen.inkstoo shuruudu isbadali karto oo mar dhaw Passporkaa shu ruud kale la daba dhigay. Usbuucii hore waxaan fiirinayay Bogga xayees iinta shaqada ee haya daha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia ,kuwaa oo ku xiray shuruud cusub shaqada banaan, waxaan arkay 2 jago oo ka bana aneed Baladweyne qofka soo dalbanayo waa inuu yaqaan afka ingriiska iyo amxaariga, isla boggaa waxaa ku qoraa 3 jago oo ka ban aaneed Baydhabo isla shuruudaa ayaa lagu xiray, hal jago oo ka banaaneed jubada hoose waxaa shuruuda ka mid ahaa luqada ingriiska iyo sawaaxiliga, tan kale ee jowhar ka banaaneed waxaa lagaa rabaa ingriis iyo faransiis.( waa dhab ) Anigu shuruudahaa iyo kan passporkaba ma buuxi karo.adiga ma ogi,qorba joog badana luqadaha amxariga iyo sawaaxiliga ayeey ku dhici doonaan.Mustaqablkana waxaan ka baqaa in xildhibaan nimada iyo xilalka sare lagu xiro shuruudaa luqada iyo wax kale.XAGEE NALOO WADAA???

Qore. Yahya Amir

MADAXWEYNAHA OO AMMAR KU BIXIYAY IN LA FURO SANDUUQA NAAFADA QARANKA

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa W/shaqada ku amray inay dhisaan sanduuqa naafada Qaranka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadato u gurmashada dadka aan lixaa dooda dhameystirneyn. Md.Xasan Sh. Ma xamuud oo khudbad dhinacyo badan ka jeedinayay xuska maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da May oo dorraad lagu qabtay Xarunta W/shaqada ayaa ku amr ay mas’uuliyiinta W/shaqada inay xoogga saaraan dhanka arrimaha bulshada, gaar ahaan inay furaan sanduuqa naafada Qaranka, si loo caawiyo.

"Dadka Naafada ah dalkan waa dalko oda, dadkooduna waa anaga, marka waa inaan bilownaa sidii aan u taageeri laha yn, Wasiir waa in la furaa sanduuqa Naa fada Qaranka, si dadka Soomaaliyeed ee jooga dal iyo dibad ay uga qeyb qaataan, qofna miisaankiisa ma cusleeyo, waa ina an ka faalo qaadno mas’uuliyadooda” ay uu yiri Madaxweynaha.

Md.xasan mar uu ka hadlayay amniga waxa uu sheegay in ciidamada ay ku gu uleysteen inay ka hortagaan qaraxyo ay maleegayeen maleeshiyada Al-Shabaab, loona baahanyahay in laga hortago dhal inta ay marin habaabinayaan. Madaxwey naba waxa uu ka hadlay in beesha caal amka ay gacan ka geysato sidii mashaar iic horumarineed loogu hirgelin lahaa da lka, oo fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarad

"Maanta caalamka waxaan rabnaa ina an u sheegno, si dhallinyaradeena ay tah riibka uga soo noqdaan iyo badaha ay ku dhamaanayaan, fursad shaqo ayan u baa hanay, waxaan u baahanay waddooyinkii oo naloo dhiso, waxaan u baahanahay in mashruucii koronta nalga caawiyo oo bu lshada ay helaan koronto raqiis ah” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Md.Xasan Sh. ayaa xusay in DS ay soo martay marxalado kala duwan bulshada na looga baahanyahay inay iska ilowdo wi xii xumaan ah ee horey u dhacay, una ist aagaan sidii ay la isu garaabi lahaa oo ay bulsahda gacmaha isqabsan lahaayeen.

MJFS ayaa ku amray wasiirada aanan ku shaqeyn xarumahooda inay ku deydaan wasaradaha dib u dhistay xarumahoodii,

HRW: WARIYAASHA SOOMAALIYEED WAX AY KU NOOL YIHIIN CABSI, CAGA JUGLEYN , HANJABAAD IYO BEEGSI JOOGTA AH.

Warbixin ay soo saartay hay’ada Hum an Rights Watch ayaa lagu sheegay in wa riyaasha Soomaaliyeed ay ku nool yihiin c absi, caga jugleyn , hanjabaad iyo beegsi joogta ah. Human Rights Watch ayaa she egtay in dhibaatooyinka wariyaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed ay kala kulma yaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyo dowladda Soomaaliya ay sii kordh ayso islmarkaana aysan jirin tilaabooyin cadcad oo wax looga qabtay hanjabaada iyo dilalka wariyaasha Soomaaliyeed.

Human Rights Watch waxay wareysa tey50 wariye,Tafaftirayaal, iyo agaasi may aasha warbaahinta gaar ahaan koonfur ta, bartamaha Soomaaliya iyo Puntl and . Tan iyo 2014 , 10 wariye ayaa la dil ay 6 kalana waa la dhaawacay, halka dar aasiin kale lagu xiray sharci daro.

Human Rights Watch waxay sheegtay in dowladda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku dadaasho sidii wariyaasha Soomaaliyeed ay si sax ugu tabin lah aayeen doorashooyinka la qorsheynaayo in ay sanadkaan ka dhacaan Soomaaliya.

Dhanka kale Human Rights Watch ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamul gobol eeyada ugu baaqday in ay sare u qaada an amniga iyo xoriyadda warbaahinta Soo maaliyeed.

BRITAIN OO CIIDAMO HOR U DHAC AH U DIRTAY SOOMAALIYA

Dowladda Britain ayaa ciidamo hor u dhac ah geysay Soomaaliya, si ay u taa geeraan howl galka AMISOM. Ciidamad an oo gaaraya 10 askari ayaa ka degay M/ Muqdisho, iyadoo ay xigi doonaan 70 kale oo askari ah.

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain Micheal Fallon ayaa sheegay in ciidama da Britan ka socda ay taageeri doonaan Ciidamada AMISOM. Ciidamadan ayaa la sheegay inay dhinaca caafimaadka iyo taageerada dhinaca lojistikada ay siin do onaan Ciidamada AMISOM. Ciidamadan ayaa gacan ka geysan doona xasilinta iyo dagaalka lagula jiro Argagixisada, waxa ana la sheegay in aanay ka qeyb qaadan doonin dagaalada tooska ah, hase ahaa tee hadii la soo weeraro ay is difaaci doon aan.

Xukuumadda Britain ayaa sanadkii la soo dhaafay shaacisay in illaa 80 askari oo isugu jira qubaro iyo la taliyeyaal ciid an u direyso Soomaaliya, si ay u tag eeraan howl galka AMISOM.

SHAN SANO OO KA SOO WAREEGATAY DILKII HOGAAMIYIHII AL-QAACIDA USAAMA BIN LADEN

D/Mareykanka ayaa sheegtay inay bur burisay qeyb weyn oo ka mid ah ururwe ynaha Al-Qaacida, iyadoo shan sano ay ka soo wareegatay markii Ciidamada gaa rka u tababaran ee Mareykanka ay dalka Pakistan ku dileen Hogaamiyihii Al-Qaac ida Usama Bin Laden.

Madaxa CIA John Brennan ayaa shee gay in Bin Laden uu Al-Qaacida u ahaa muhiimad, calaamad iyo istaartiijiyad, ta asna ay keentay inay meesha ka saar aan. "Waxaa bur burinay qeyb weyn oo ka tirsaneyd Al-Qaacida, Bin Laden wux uu Al-Qaacida u ahaa muhiimad weyn iyo istiraatiijiyad, wuxuu ahaa ninkii ka dam beeyay weeraradii 9/11, taas ayaa keen tay inaan meesha ka saarno”ayuu yiri John Brennan. Madaxa CIA ayaa sheeg ay in hadii ay dili lahaayeen Hogaamiya ha Kooxda Daa cish ay noqon laheyd mid raad ku yeelata kooxdaas oo haatan gac anta ku haya dhul ballaaran oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq. Waxaa uu sheegay in ay isha ku hayaan Hogaamiyaha ISIS, is la markaa na ay isku dayayaan si kasta oo lagu be egsan karo.1-dii bishii May sa nadkii 2011 ayay aheyd markii Ciidamada Navy SEAL ee sida gaar ah u tababaran ay Usama Bin Laden ku dileen M/Abbo ttabad ee dal ka Pakis tan, iyadoo Al-Qaa cida uu xillig an hogaa miye u yahay Aym an Al-Dawa ahiri.

Kooxda isku magacawday dowladda Is laamiga ayaa lagu tilmaamay koox aad u gu awood badan xilligan Kooxda Al-Qaac ida oo haatan sii daciiftay Daacish ayaa la soo baxday awoodo waa weyn, kadib ma rkii ay la wareegtay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq, waxa ana haatan ay faracyo ku yeelanayaan dalalka kale oo Afrika ku yaala.

Dilka Usama Bin Laden ayaa waxaa soo baxday Kooxda Daacish ama ISIS oo la rumeysan yahay inay ka go’day Al-Qa acida, waxaana kooxdan xilligan tahay ko oxda ugu dhaqaalaha badan ee Argagi xisada Caalamiga ah.

FARMAAJO OO SHABAAB KU EEDEEYAY INAY HORTAAGAN YIHIIN MUSTAQBALKA SOMALIYA

R/Wasaarihii hore ee Somaliya Max amed C/laahi Farmaajo ayaa Al Shabaab ku eedeeyay inay hor taagan yihiin Mus taqbalka Somaliya iyo horumaro kala duw an oo dalka uu gaaro. Farmaajo, waxa uu sheegay maalgashi ballaaran oo dalka la gu sameeyo inay keenayso koboc ku yim aada Dhaqaalaha dalka islamarkaana Ha y’adaha kala duwan ee Dowladda horum aro ay sameeyaan.

Waxa uu tilmaamay Shabaab inay u ta agan yihiin inay laayaan shacabka Somal iyed kuwa dibada ka imaanaya iyo kuwa dalka ku sugan intaba, isaga oo sheegay haddii aanan Shabaab la iska qaban inuu san dalka horumar gaareyn."Hada laftee da waa ay taagan tahay iyo inay hor tag an yihiin Mustaqbalka Somaliya iyo Dowl ad rasmi ah inay timaado caalamka uu maalgelin ku sameeyo, hadii meesha ays an jirin Nabadgelyo oo ay u taagan yihiin maalin kasta inay dadka laayaan oo ay u diidayaan inay Dowladda istaagto, dee ma imaanayso Shaqo, dadka Dibada jira an ee Somalida ah ma imaanayaan gan acsatada aduunka ma imaanayaan oo ma algelin dalka kuma sameynayaan.” Ayuu yiri Farmaajo.

Ajaanibta Shabaab ka bar bar dagaala maysa ayaa wuxuu sheegay inay ka kala yimaadeen dalal kala duwan oo caalamka ka mid ah, islamarkaana ujeedka Somali ya ay u yimaadeen inay tahay qas kaliya.

"Nimanka dalalka fog fog ka yimid dalka Somaliya waxa ay u tageen inay qasaan iyaga oo adeegsanaya dad Somali ah oo danta dalkooda aanan aqoonin.” Ayuu ha dalkiisa raaciyay Farmaajo. Al Shabaab oo Dowladda iyo Amisom dagaal kula jira ayaa dhankooda isku arka inay yihiin ku wa ku taagan wado sax ah, iyaga oo dila qof kasta oo ka soo horjeesta aragtidod

KU DHAWAAD 20 QOF OO KU DHIMATAY ROOBAB KA DA’AY KENYA

Waxaa isasoo taraya qasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay qeybo kala duwan oo ka mid ah dal ka Kenya. Tirada dhimashada ayaa sare u dhaaftay 18 ruux, halka hanti fara band anna lasoo tabiyay in ay ku burburtay ro obabkaas. Inta badan dadkaasi ayaa ku dhintay xaafado ka mid ah m/ Nayroobi.

Meelaha kale ee ay saameynta ku ye esheen roobabka ayaa waxaa ka mid ah Degaanada degmada Mandera. Dadka xo olo dhaqatada ah ee ku sugan deegaan ka Aresa ee Mandera ayaa cabasho xoog gan ka muujiyay dhibaatooyinka ka dha shay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay aaggaa. waxaa lagu soo waramayaa in gawaari badan oo xamuul u siday m/Man dera ay ku xanniban yihiin meel u dhow m/ Madogashe oo u dhow Garisa. Daad ayaa la sheegay inay la socon la'yihiin ga waaridaa oo sidoo kale ay kujiraan basas rakaab ay saaran yihiin.

Mid ka mid ah gawaarida ayaa la shee gay in buundo Madogashe u dhow ay la go'day dabadeedna uu tog biyo wada ku dhacay. Qaar ka mid ah dadka kunool Ma dogashe ayaa la sheegay inay u soo gur madeen oo dhowr qof ay ka badbaadiye en dhibaatadaa. Gawaari badan oo jidad kale mari jiray sida jidka 5-ta Abaq ayaa u soo leexday waddadaa marta Madogashe ka dib markii roobabka oo aad usaameey ay jidadkii kale dartood ay door bideen wadadaa Madogashe.

Gawaari badan oo dad iyo xamuul u si da Mandera, Wajeer iyo Moyale ayaa ha atan ku xanniban meel u dhow Madoga she. Badi jidadka gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaan ahayn laami sidaa daraad eedna xirma markastoo roobab noocaan ah oo mahiigaan ah ay hooraan.

C/KARIIN XUSEEN GUULED MADAXWEYNA HA MAAMULKA GALMUDUG AYAA SI CAD U SHEEGAY INAY ISKU XIRAN YIHIIN AMMAAN KA DALALKA ITOOBIYA IYO SOMALIYA.

Madaxweyne Guuled wuxuu ka sheeg ay M/Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Som alida dalka Itoobiya, isaga oo cadeeyay, hadii aanan Somaliya ammaan laga helin in Itoobiya aysan noqoneyn ammaan.

2da dal ayuu sheegay inay jaar yihiin, islamarkaana ay isku xiran yihiin Nabad da iyo horumarada kala duwan ee shacab ka labada Dowladood ay tiigsanayaan.

"Waxaa xaqiiqo ah hadii aanan Somal iya Nabad laga helin Itoobiya nabad ma noqonayso, hadii aanan Itoobiya nabad la ga helin Somaliya nabad ma noqonayso, waa laba dal oo deris ah oo nabadooda iyo horumarkooda ay isku xiran yihiin.” Ayuu yiri Madaxweyne Guuled.

Md. Guuleed ayaa sheegay shacabka Somaliyed in laga doonaayo inay ku day daan Bulshada reer Jigjiga oo si weyn ka ga qayb qaatay horumarada kala duwan ee Ismaamulkaasi ka jira. "Shacabka So maliyed waxaa laga doonayaa inay ku daydaan Bulshada reer Jigjiga oo kale oo ay ka qayb qaataan horumarka, runtii horumarka meel dheer ma jiro waqti bada na qaadan maayo.” Ayuu yiri Guuled.

Madaxweynaha Galmudug oo ku sug an M/Jigjiga ayaa halkaasi u jooga wada hadal uu la leeyahay Madaxweynaha DD Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya si uu kala hadlo dagaaladii ka dhacay dee ganada xuduuda. Iyadoo dhawaan dagaal ciidmada liyuu bolisku ay ku qadeen xo ola dhaqato ku nooleyd deegaanka nada muudug waxaana lagu laayey tiro dad ah

SARE KAC XOOGAN OO LAGA DAREEMAAYO QIIMAHA KHUDAARTA S/YADA MUQDISHO

Sare kac xooganayaa laga dareema yaa xilligaan qiimaha lagu kalaiibsado Khudaarta Suuqyada M/Muqdisho, iyadoo dadka M/da ku nool ay hadal hayaan Sa re kaca ku yimid Khudaarta.

Sababta ugu weyn ee sare ka can dha lisay ayaa ah Biyaha Wabiga Shabelle oo guray, inkastoo bishan Bishii aan soo dha afnay gudaheeda si wanaagsan biyaha Wabiga ay u yimaadeen, hayeeshe intii ay maqnaayeen Biyaha Wabiga, Beerala yda Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha ho ose wax ma aysan beeran.

Qiimaha lagu kala iibsado Suuqyada M/ Muqdisho,Yaanyada, Basbaaska, Bara dhada Basasha iyo Muuska ayaa sare kac xoogan laga dareemayaa. Siciido Ma hdi Cismaan waa mid ka mid ah ganacs atada iibisa Yaanyada waxa ay sheegtay in xilligan dhibaato xooggan ay ku qabaan ganacsiga yaanyada maadaama isbedel xooggan uu ku yimid qiimaha la iibinayo tanagga (Gasaca/kombada)yaanyada ah.

"Qiimaha ugu macquulsan ee xiligan la iibin karo yaanyada waa lacag dhan 50 kun oo shilinka Somaliga ah, tanagga yaa nyada suuqyada Muqdisho wuxuu ka mar ayaa qiimo dhan 500 kun oo shillinka So omaaliga ah.” Ayyeey tiri Siciido.

Kiilada bisbaaska ah ayaa suuqyada Khudaarta xilligan waxaa ay ka mareysaa qiimo gaaraya illaa iyo 300 oo kun oo shil lin Somali ah. Loorka Baradhada M/Muqd isho ayaa wuxuu ka marayaa Qiimo dhan 4-Milyan oo Shilinka Somaliga ah oo u dhi ganta lacag ku dhaw $200 Doolar.

Khudaarta kale ee Isbedelka laga dar eemaayo waxaa ka mid ah Muuska, Liinta Basasha oo dadka ay ka cabanayaan Qii maha isbedelka ku yimid.

NATIONLIN TELCOM

OGEYSIIS

QIIMO DHIMIS BALAARAN BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay macaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid- ka)

A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B.Wicitaanada Dibada : ku shubo$1 oo ku hadal 10 daqiiqowadamada

·USA.

·CANADA

·CHINA.

·INDIA.

·AUSTRALIA.

·BANGLADESH.

·MALAYSIA.

·PAKISTAN.

·SOUTH AFRICA

·SWEDEN

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip