Korneyl Joe Kibet, Afhayeenka Ciidanka Amisom, ayaa waxaa uu sheegay inaanay waxba kala socon qorshihii ay Ciidamada Militariga Somaliya ku galeen Deegaanka Runirgood, weerarkii ka dhacayna maalintii Axada ay ka maqleen uun Warbaahinta.
Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa waxaa uu sheegay inay wada shaqayn buuxdo la leeyihiin Ciidamada Dowladda Somaliya, isla-markaana ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Ururka Al Shabaab.
Afhayeenka, ayaa wuxuu diiday in Amisom lagu dhaliilo inay u gurman weyday Ciidanka Somaliya, maadaama sida uu sheegay aanay markii horeba la socon hawlgalkii lagu galay Runirgood.
General Saney, ayaa Axadii sheegay in Amisom ay qaadi doonto masuuliyadda khasaarihii Ciidamada Dowladda ka soo gaaray weerarkii ballaarnaa, ee ay Shabaabku ku soo qaadeen Deegaanka Runirgood.
Ururka Al Shabaab oo subaxnimadii Axada weeraray Ciidamadii Dowladda ee qabsaday Runirgood, ayaa waxaa looga dilay 22 askari, iyadoo tiro kalana looga dhaawacay, halka tobonaan kalana ay dagaalka ku firxadeen.
Taliska Amisom oo diiday in lagu dhaliilo u gurmasho la'aanta Ciidamadii lagu weeraray Runirgood
Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa iska fogeeyay eedayn kaga timid Militariga Somaliya, oo ku aadan inaysan Axadii u soo gurman Ciidamadii Militariga Somaliya, ee Sabtidii bilaa dagaalka kula wareegay Deegaanka Runirgood Ee Gobolka