Xaaladda ayaa degan iyadoo ciidamo fara badan ay dowladu u dirtay degaankaasi, kuwaasoo la sheegay inay howgal weyn gobolka Shabeelaha Dhexe uga sifeyn doonaan kooxda Alshabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa hor kacaya ciidamada dowladda ee howlgalka bilaabay.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka ay galeen deegaanka Ruunirgood, inkastoo weerar rogaal celin ah oo ay soo qaadeen Alshabaab ay ku dileen askar ka tirsan dowlada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan inta qasaaraha uu la eg yahay.
Wararka ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.
Ciidamada Dowlada oo caawa gudaha u galay deegaanka Ruunirgood, Sh/Dhexe.
Ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa caawa la wareegey deegaanka ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii weerara xoogan ay ku qaadeen, sida ay sheegayaan Wararka caawa laga helayo halkaasi.