Maareeyaha dekeda Berbera oo Sheegay in uu Dhaqan Galay Heshiiskii ay la Galeen Itoobiya

0
Monday May 02, 2016 - 21:34:49 in Wararka by
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha dekeda Berbera oo Sheegay in uu Dhaqan Galay Heshiiskii ay la Galeen Itoobiya

    Maareeyaha dekadda caalamiga ah ee magaalada Berbera Inj.Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey dhammeystirka wejiga saddexaad ee barxadda Wajaale e' dekadda Berbera oo muddooyinkii dambe ay halkaasi ka wadeen b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha dekadda caalamiga ah ee magaalada Berbera Inj.Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey dhammeystirka wejiga saddexaad ee barxadda Wajaale e' dekadda Berbera oo muddooyinkii dambe ay halkaasi ka wadeen ballaadhin lagu sameynaayo
dhismaha dekadda magaalada Berbera, waxaana uu tilmaan ka bixiyey in badeecadaha ay sidaan Maraakiibta soo foodka leh la dhigi doono barxaddan cusub ee Wajaale, isaga oo sida oo kalena ku dhawaaqay digreeto uu soo saaray madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo lagu hirgelinaayo heshiiskii adeegsi ee ay dekadda Berbera la soo gashay dalkaasi Itoobiya.

12

Inj.Cali Xoor Xoor, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey barxadda Wajaale ee dekadda magaalada Berbera, oo ay ku wehelinaayeen mas’uuliyiinta heer gobal iyo weliba sida oo kale xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Berbera, waxaana uu ugu horreyn faah faahin ka bixiyey dhammeystirka wejiga saddexaad ee barxadda Wajaale e’ dekadda Berbera.

13

"Waxa aynu halkan u nimi in aynu furno qeybo ka mid ah ballaadhinta dekadda ee barxadda Wajaale, horena qeybo badan oo Wajaale ah ayeynu u soo furnay, se wixii hore iyo intan ballaadhinta ah ayaa is leeg, cabirkeedu waa 35000 M isku wareeg ah, runtiina arrinkaasi aad iyo aad ayuu wax uga tarayaa shaqada dekadda , waxa aan idiin sheegayaa in Markabka kan ku xiga ee beri ama saadambe waa la dhigayaa, waxa ay qaadeysaa Laba Markab ama Saddex. Halkanna waxa aanu rabnay uun oo aanu iskugu kiin yeedhnay waxa ay ahayd in aanu dad weynaha reer Somaliland ee isticmaala dekadda ama ganacsato ha ahaadaan ama kuwo kalebe, in qeybtani ay billaaban tay oo ay furan tahay oo badeecadda la dhigi doono, taa macnaheeduna waxa weeye wixii shaqo ee laga qaban lahaa waa ay dhammaadeen boqolkiiba boqol.”.Ayuu yidhi Inj.Cali Cumar Maxamed

Maareeyaha dekadda caalamiga ah ee magaalada Berbera Inj.Cali Xoor Xoor oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ku dhawaaqay digreeto uu madaxweynahu ku dhaqan gelinaayo heshiiskii adeegsi ee dekadda Berbera ay dawladda Itoobiya la soo gashay, waxaana uu ugu baaqay shacabka Somaliland iyo kuwa reer Itoobiyaba in laga billaabo maanta uu u furan yahay adeegsiga dekadda Bebera, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay ka dekad ahaana ay awooda saari doonaan siddii ay adeegyadaas ay si hufan oo ballaadhan ay ugu adeegi lahaayeen macaamiisha kala duwan ee ka adeeganaysa.

"Halkan waxa yaala heshiis dhammeystiran oo dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay wada galeen, heshiiskaasi waa heshiis ganacsi, wuxu qeexayaa oo uu qorayaa oo uu faaleynayaa badeecadda Itoobiya, ta ku socota iyo ta ka timidba ay dekadda Berbera ka baxdo kana dhoofto. Badeecaddaas dawladdeena guddiyo badan ayaa ka shaqeynaayey, guddi farsamo oo heer qaran ah ayaa ka soo shaqeysay, weliba muddo sannad iyo badh ah ayaa ay ka shaqeynaayeen, waana aad ogeydeen in halkan uu wefti innoogu yimi, markii dambena wefti inaga socda oo dalka Itoobiya tegay ayaa heshiiskan lagu kala saxeexday. Waxa kale oo aan halkan idiin ku caddeynayaa wareegtaddi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Siilaanyo lagu oggalaaday in uu ku dhaqan geliyo oo uu ku amraayey hay’adaha dawladda in la dhaqan geliyo heshiiskaas, waxaana aanu maanta u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba in hawshaasi ay fasax tahay oo ay si toos ah u billaabanto, labada shacabna ay ka faa’ideystaan, dekadda Berbera-na ay diyaar u tahay in ay hawshaas ka faa’ideystaan iyo weliba hay’adaha kale ee dawladdaba ee halkan ku qeexan iyo kuwa ay sida dadban u soo gelayso hawshaasi in ay iyaguna fuliyaan amarka madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Siilaanyo.”.Ayuu yidhi Inj.Cali Xoor Xoor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip