Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan-sharaf La Qaatay Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika (Arag Sawirada)

0
Monday May 02, 2016 - 21:03:17 in Wararka by
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan-sharaf La Qaatay Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika (Arag Sawirada)

    Johannesburg, South Africa – Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti mudane Maxamed Cali Xaamud oo booqosho rasmi ah ku jooga dalka Koonfur Afrika, laguna wado inuu khudbad ka jeediyo furitaanka shirka baarlamaanada Afrika ayaa kulan casho sharaf ah l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Johannesburg, South Africa – Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti mudane Maxamed Cali Xaamud oo booqosho rasmi ah ku jooga dalka Koonfur Afrika, laguna wado inuu khudbad ka jeediyo furitaanka shirka baarlamaanada Afrika ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada Baaralaamada Afrika gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.
Kulankaan oo ahaa kulan uu gudoomiyuhu ku casuumay xildhibaada Bariga Afrika ee mudanayaasha ka ah Baarlamaanka Pan Afrika ayaa ugu horeyn waxaa daah furay Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya umatala Baarlamaanka Pan Afrika.

Xildhibaan Cabdi Xukun ayaa sheegay inay kulankaan casuumaada ah ee uu gudoomiyuhu ufidiyay xildhibaanada Bariga Afrika uu yahay mid isbarasho ah, mudanayaashuna ay soo dhaweeyeen gudoomiyaha, iyadoo gudi gobaleedka bariga Afrika ee Baarlamaanka Pan Afrika uu yahay mid ka mideysan dhinac walba.

Kulankaan casha sharafeedka ah oo ay inta badan joogeen xubnaha baarlamaanada dalalka la isku yiraahdo Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Pan Afrika ayaa waxaa joogay xubno iyagu ku cusub ka mid noqoshada Pan Afrika iyo xubno lagu sagootinayay kulankaani oo xildhibaannimadii ka heli waayay wadamadooda oo aan dib ugu soo noqoneyn Pan Afrika.

Ugu danbeyn, gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa u rajeeyay mudanayaasha baarlamaanada Afrika guud ahaan inay ka dhabeeyaan inay Afrika gaarsiiyaan hal cod iyo hal Afrika, taasoo ah halkudhiga Baarlamaanka Pan Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)


E-mail: istiile@hotmail.com

101

108

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip