Wararku waxay leeyihiin Socdaalka Madaxweynaha ee Shabeelaha Dhexe ayaa ka danbeeyay markii uu maanta soo saaray amar ah in gobolka Shabeelaha Dhexe laga xoreeyo ururka Alshabaab.
Madaxweynaya ayaa diyaarad gaara ka raacay magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan inuu khudbad u jeedin doono ciidamada dowlada ee howlgalka ka bilaabaya gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowladda oo wata in ku dhow 50 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo sahayda, waxaana dagaalkan ka danbeeyay weerar Alshabaab ku qaadeen ciidamo ku sugnaa Ruunirgood.
Wixii ku soo kordha warkani waan idin soo gudbineynaa.
Xasan Sheekh oo Galabta tegeya jiida hore goobihii ay ku dagaalameen Alshabaab iyo ciidamada dowlada.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxaweynaha Jamhuuriyada federaaliga ee Soomaaliya goor dhow oo galabta ah u ambabaxay deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida ay sheegayaan warar aanu helnay.