Isbitaalka Laascaanood oo markii ugu horreysay laga Hir-geliyay Bangi lagu Kaydiyo DHIIGGA
"Waxaan Maalin kasta la kulmi jirnay dhibaato ah inaan waaji jirnay bangi aanu dhiigga ku kaydino. Dhallinyarada Ururka Kaalmo waxay naga Taageereen Dhismaha iyo Qalabeynta Shaybaar casri ah oo ay ka keenayaan Dalka Japan, hadda waxaa soo socda Qaboojiyeyaal ay kasoo Jarmalka ay ka soo iibinayaan," ayuu hiri Bile Xaaji.
Agaasimaha Isbitaalka
Sidoo kale, waxaa isna goobta ka hadlay, Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo u mahad-naqay ururka Kaalmo ee Caafimaadka ka shaqeeya isagoo xusay inay kaalmooyin joogto ah ka helaan, kuwaasoo isugu jira dhismaha, cunada, talo-bixinta dhawaana buug ayay na soo gaarsiiyeen kaasoo ka hadlayay Qaaxada iyo Siyaabaha dadka ay hayso lool dhaqmo.
C/rashiid Jaamac Biixi ayaa halkaas ka sheegay in ururka caafimaadka Kaalmo uu fuliyay codsigii maamulka Isbitaalka ee ahaa waxaanu u baahan-nahay Bangiga dhiigga, kaasoo aan maanta Xadhiga ka jarnay, Waxaana uu ka mid noqon doonaa dhismayaasha ay hir-galiyeen Dhallinyarada Ururka Caafimaadka Kaalmo kuwaas oo dadaal ku bixinaya horumarinta Caafimaadka.
Dadweynihii Xafladda ku sugnaa ayaa aad ugu Mahad-naqay Ururka Kaalmo, Waxayna ka dalbadeen inay sii wadaan taageerada Caafimaadka ee gobolka Sool ay ka fulinayaan oo ay sheegeen inay horumarin ballaaran u baahan tahay.
Ugu dambeyn, Dhismahan ma aha kii ugu horreeyay ee ka fuliyeen degmada Laascaanood ka Hir-geliyaan, balse horay ayay uga hir-geliyeen Xarumaha Xafiisyada Isbitaalka, waxay hagaajiyeen qaybta Qaaxada, laakiinse arrinka muhiimka ah waa tababarka ay u inta badan u fidiyaan hablaha barta umulisonimada.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
seynab@hiiraan.com
Laascaanood, Gobolka Sool- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/May/wararka_maanta2-95810.htm#sthash.Ea1EsYxP.dpuf
xigasho:-hiiraan.com
Isbitaalka Laascaanood oo markii ugu horreysay laga Hir-geliyay Bangi lagu Kaydiyo DHIIGGA
Isbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood, ayaamarkii u horraysay laga hir-galiyay xarunta kayda-dhiigga, kaasoo ay dhiseen Dhallinyarada Ururka Caafimaadka ee Kaalmo ooxaruntiisu tahay Norway, Waxaana dhisamaha Xaruntan Hir-geliyay Ururka SRO.