Howlgallo amni xaqiijin ah oo ciidanka gorgor ay ka sameen Muqdisho

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:29:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo amni xaqiijin ah oo ciidanka gorgor ay ka sameen Muqdisho

    Ciidamada Hey'adda NISA gaar ahaan ciidanka gurmadka gorgor ayaa howlgallo amniga la xiriira ka sameeyey qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee caasimadda iyo kuwa soo gala magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Hey'adda NISA gaar ahaan ciidanka gurmadka gorgor ayaa howlgallo amniga la xiriira ka sameeyey qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee caasimadda iyo kuwa soo gala magaalada.
Ujeedka howlagalkii maanta ayaa waxa uu ahaa adkeynta amniga si looga hortago falal argagaxiso oo ay suuratagal tahay in maleeshiyada Al-Shabaab ay u geystaan shacabka, iyadoo intii ay socdeen baaritaanada waxa ay ciidamada mid mid u baarayeen nuucyada kala duwan ee gaadiidka sida kuwa ay rakaabka, baabuurta yar yar iyo kuwa waaweyn ee xamuulka qaada, kuwaasoo ku socdaalayay waddooyinka Muqdisho, iyagoona sidookale baaritaan iyo su’aalo isugu darayay dadka rakaabka ah ee saarnaa gaadiidka dadweynaha.


Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen waxa ay ku soo qabteen dhallinayaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo baaritaanno kadib lasii daayay.

Sidookale Ciidamadu waxa ay baaritaan ka sameeyeen waddo isku xirta Degaanka Jaziira iyo Degmada Wadajir halkaasi oo magaalada Muqdisho ay kasoo galaan baabuurta ka timaada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Gurmadka Gorgor oo ka tirsan Hay’ada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii dambe waxa ay ku howlanaayeen sugisda iyo adkeynta Amniga magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in howlagalkii maanta oo aad u balaarnaa uu qeyb ka yahay talaabooyinka looga hortagayo dhibaatada mararaka qaar shacabka uga timaada dhanka Maleeshiyada Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip