Suxufi Weyn Oo Iftiimiyey Doorka Warbaahinta & Doorashada Dalka 2016

0
Sunday May 01, 2016 - 21:14:41 in Maqaallo by
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi Weyn Oo Iftiimiyey Doorka Warbaahinta & Doorashada Dalka 2016

    FARRIIN KU SOCOTA MEHNELEYDA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED (SOMALI MEDIA PRACTITIONERS). Noocyada kala duwan ee warbaahinta waa Gole ay dadka isbedel doonka ah (reformists), dadka u ololeeya dhowrista xuquuqal insaanka, iyo siyaasiyiinta ay fekerkooda ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARRIIN KU SOCOTA MEHNELEYDA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED (SOMALI MEDIA PRACTITIONERS). Noocyada kala duwan ee warbaahinta waa Gole ay dadka isbedel doonka ah (reformists), dadka u ololeeya dhowrista xuquuqal insaanka, iyo siyaasiyiinta ay fekerkooda ugu gudbiyaan dadweynaha taasoo dhalineysa inay dadweynuhu raacaan ama taageeraan ajendayaasha, bayaanada (Manifestos), aragtiyada (visions) iyo siyaasadaha la rabo in bulshada lagu dhaqo oo ay kala wataan kuwa doonayo inay iyagu hoggaamiyaan shacabka.
Sida darteed, door sidee ah baa warbaahinta looga baahan yahay inay ciyaarto marka la tixgeliyo xaalada uu dalku maanta u marayo.

Warbaahinta waa in shacabweynaha daalan oo ay dagaaladu aafeeyeen u kala bixiso in siyaasiyiinta hoggaanka dalka heysa ay ku joogaan amase inay leexdeen tubti la rabay in dalka looga sara qatarta ku soo fool leh mustaqbalka.
Muddo hadda laga joogo 4 sano, dawladda hadda jirta waxay wacad ku martay inay dalka ku soo rogi doonto isbedel keena horumar ay ummaddu u aayi doonto.

Walaayo


Haddaba, su’aalaha soo socda iyo kuwo kale ayaa u baahan in warbaahintu ay u ifiso shacabka bacdama lagu jiro olole cusub ee ay dawladda hadda jirto isugu diyaarineyso doorashada.

Maxaa isbedel ah oo la taaban karo ay dawladdu keentay? Hiigsiga 2016 ma hirgeliyay mise waa lagu hungoobay? Ma la maleynsan kara in hanaanka lagu bedelay kii hore ay dawladdu u ballan qaaday ee qof iyo cod uu noqon karo hanaan ku-shubasho ka badbaadi kara? Yaase damaano qaadi karo inay dhacdo doorasho ka fayo cabsi iyo eex ?.

Warbaahinta ayaa laga raba in arrimhaas ay ku lafa gurto barnaamijiyada kala duwan ee ay soo bandhigi doonto inta ka horeysa doorashada la sheegay inay dhici doonto August 2016 oo hadda ay naga xigto muddo 3 bilood ah, inkastoo la sheegayo in muddo Laba bilood ah oo kale lagu daray xilliga doorashada.

W/D : Wariye rug-cadaa sare : – C/qaadir Maxamuud Walaayo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip