WAA KUMA MUSHARAXA MADAXWEYNE 2016?

0
Sunday May 01, 2016 - 09:58:15 in Maqaallo by
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA KUMA MUSHARAXA MADAXWEYNE 2016?

    WAA KUMA MUSHARAXA MADAXWEYNE 2016? Musharixiinta, madaxweyne ee 2016, waxaa ka mid ah Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Sharif Xasan Sheikh Aden, Cabdi-weli Maxamed Cali "Gaas", Cali Maxamed Geedi, Cabdiwali Sheikh Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA KUMA MUSHARAXA MADAXWEYNE 2016? Musharixiinta, madaxweyne ee 2016, waxaa ka mid ah Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Sharif Xasan Sheikh Aden, Cabdi-weli Maxamed Cali "Gaas", Cali Maxamed Geedi, Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed "Xiirane", Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cumar Cabdirashiid Cali, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdulqaadir Cossoble Cali Maxamed Cali Nuur "Ameriko", Gen. Muungaab, Tarzan iyo Jibril Cabdulle (CRD).
Sidoo, kale waxaa jira qaar kale sida Cabdiraxmaan Faroole, Cabdullaahi Axmed Caddow, Canab Daahir iyo aniga iwm. Waxey, ahaataba, waxaan qabaa wax musharax madaxweyne 2016 la yiraahdo in uuna jirin oo maxaa yeelay qofka in uu ku dhawaaqo rabitaankiisa ama shirar dibedda ugu qabto reerihiisa si lacag loogu uruuriyo ama idaacadaha ka hadlo macna ma sameyneyso iyo ayadoo saas musharax lagu noqoneynin.

Waa, maxaay sababta aan saa u leeyahay?


1) waa, in la helo Xafiis U Qaabilsan Diwaangelinta Musharaxiinta ee abuura sharuudaha iyo sifooyinka musharaxa looga baahan yahay i.e,. daacadnimo, wadaninimo, karti ‘competence’ iyo hufan ‘integrity’, horumar, Ajendo iyo Qorsho Qaran si uu iftiimo aayaha ummadda Soomaaliyeed oo mugdiga ku jiray mudada dheer.

2) waa, in musharax la arko soo buuxiyo shuruudaha iyo sifooyinka kale oo ah aqoon iyo waayo-aragnimo dowladnimo, in uu nadiif ka yahay musuq-maasuq ku tagrifalka hantida qaranka ama awooda qaranka si uu uga faa’ideysto, qiyaano qaran iyo ku xadgudubka xuquuqu aadanaha.

3) waa, in musharax walbo uu soo bandhigo dadweynaha Soomaaliyeed Barnaamijka Siyaasadeed ee uu rabo in uu dalka ku hago i.e., Dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Ammaanka, La Dagaalanka Argagixisada iyo Musuq-Maasuqa, Dib u heshisiinta, Xallinta Gooni isu taaga Somaliland, Maamul Sameynta iyo Baahinta Nidaamka Federaalka iwm. Runti, aniga oo ah Dr. Cabdi Maxamed Culusow, musharax madaxweyne 2016 kaliya ayaa usoo bandhigay dadweynaha Soomaaliyeed Barnaamij Siyaasadeed ee tafatirin mana jiro musharax kale.

Mida, kale waxey ahayd in la cayimo mar hore waqtiga la kala diraayo baarlamaanka si beelaha ay ugu helaan waqti ku filan soo xulitaanka iyo soo magacaabida xubnaha baarlamaanka iyo in bil lagu abuuro Guddigga Farsamo ee xalliya wixii qilaaf ah oo ka yimaada xulitaanka xubnaha inta uuna baarlamaanka shirkiisa ugu horeeya fariisanin iyo ka hor doorashada madaxweynaha bisha August 2016.

Haddaba, saan-saanta Xamar ka muuqata ma’ahin mid diyaar u ah doorasho madaxweyne 2016 oo waxey ku hawlan yihiin madaxda dowlada ugu sareyso sidi waqtiga loogu kordhin lahaay. Waad, aragtaan madaxweynaha in mudda dalka safa uga maqan, guddoomihi baarlamaanka oo isku masquulinaayo waxaan loo baahneynin ee aan ka hadleynin mushaarka shaqaalaha rayidka oo ay afarta bilood ka maqan tahay ayadoo Soon soo socdo ama ra’iisul wasaarihi oo wasiir cusub magacaabaayo in uu mid ka qaado jagadiisi iwm.

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 90
Musharaxiintii doorashadii 2012

Q:-Abdi Uluso



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip