Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo fashiliyay weerar Shabaab ay soo qaadeen

0
Tuesday April 26, 2016 - 11:11:18 in Wararka by
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo fashiliyay weerar Shabaab ay soo qaadeen

    War kooban oo ka soo baxay Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa lagu sheegay in ciidankooda iyo ciidamada dowladda Federalka Somaliya oo wadajir ah ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo Shabaab ay soo qaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kooban oo ka soo baxay Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa lagu sheegay in ciidankooda iyo ciidamada dowladda Federalka Somaliya oo wadajir ah ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo Shabaab ay soo qaadeen.

Amisom ayaa Barteeda Twitterka waxa ay ku sheegtay inay fashiliyeen weerarkaasi oo Shabaabka ay ku qaadeen Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Amisom ma aysan bixin faah-faahin intaasi ka badan, balse waxa ay sheegtay Shabaabka inay doonayeen weerar inay ka geystaan Xarumaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Amisom ee deegaanka Janaale.

Weerarkaan ciidamada ay sheegeen inay fashiliyeen ayaa Shabaabka waxa ay saaka ku qaadeen deegaanka Janaale oo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sugan yihiin.

Al Shabaab ayaa sanadkii 2015 Bishii Sagaalaad koowdeedi waxa ay weerar culus ku qaadeen Xeradii ciidamada Amisom ay ka deganaayeen Deegaanka Janaale, halkaasi oo ay ku dileen Askar ciidamada Amisom ka tirsan.

Maamulka Deegaanka Janaale iyo Saraakiisha ciidamada Somaliya weli kama aysan hadlin weerarkaan saaka ciidamada Wadajirka ah ay fashiliyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip