Ciidamadii Militariga, ayaa isaga baxay deegaankaasi, kadib markii laga adkaaday, iyadoo intaasi ka dib Shabaab ay bilaabeen inay tagaan Xarumaha Maamulka iyo Xerada ciidanka intaba.
Ciidamada Shabaabka, ayaa qabsaday gaari yar oo nooca raaxada ah oo ciidamada ay ka carareen, lama sheegin gaadiid kale oo Shabaabka ay ku qabsadeen weerarkaasi.
Dhinca kale ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo, gurmad ahaana ugu socday Daynuunay, ayaa la kulmay weerar dhabagal ah.
Ciidamadan oo maraya Deegaanka Maanyo Fuulka ee duleedka Magaalada Baydhabo, ayaa halkaasi waxaa ku qabsaday weerar ciidamo Shabaabka ka tirsan ay jidka ugu galeen, waxaana suurageli weysay inay ka gudbaan ciidamada halkaasi.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ciidamo kale oo xoogan hadda laga diraayo Magaalada Baydhabo si ay u gaaraan deegaanka Daynuunay oo Shabaabka ay gacanta ku hayaan.
Maalmo ka hor, ayay aheyd markii ciidamada gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed weerar qorsheysan ay ku dileen xubno ka tirsan Shabaab, weerarkaasi oo ka dhacay inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Buur hakabo.
Shabaab oo dagaal xoogan kula wareegay Deegaanka Daynuunay Ee Gobolka Baay
Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa saaka aroortii waxa ay dagaal culus kula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Daynuunay oo ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii ciidamada oo intooda badan hurda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen.