Rag hubeysan oo maanta dil ka gaystay Magaalada Muqdisho

0
Tuesday April 26, 2016 - 10:43:49 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag hubeysan oo maanta dil ka gaystay Magaalada Muqdisho

    Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho kooxo hubaysan, ayaa saaka dil ka gaystay Degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho kooxo hubaysan, ayaa saaka dil ka gaystay Degmadaasi.

Illaa laba nin, ayaa dilay nin la sheegay inuu ahaa ganacsade, kaasi oo magaciisa dadka deegaanka ay ku soo koobeen Aadan Afgooye.

Ninkaan, ayaa la toogtay xilli uu furaayay goob ganacsi uu ku lahaa Degmadaasi Dharkiinleey waxaana dilay rag hubaysan oo Bistoolad watay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in Aadan Afgooye maalmo ka hor Masjidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey uu ka istaagay, islamarkaana uu ka sheegay dilalka inay ku soo badanayaan xaafadda, Maamulkana looga baahan yahay inay ciidamo dheeri ah keenaan xaafadda.Dadka waxa ay tilmaamayaan hadalkaasi in sabab uu u yahay dil loo geystay Aadan Afgooye oo goob ganacsi ku lahaa Xaafada Ceeldheere ee Degmada Dharkiinleey.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya, oo halkaasi ka bilaabay baaritaano, inkastoo aysan jirin cid la sheegay ciidamada dilkaasi inay u soo qabteen.

Dharkiinley waxay ka mid tahay goobaha ugu badan ay dilalka ka gaysanayaan xubnaha lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip