Ilka Xanaf: "Garsooraha hadaan amnigiisa la sugin way adkaaneysaa in la helo cadaalad"

0
Tuesday April 26, 2016 - 10:35:02 in Wararka by
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilka Xanaf: "Garsooraha hadaan amnigiisa la sugin way adkaaneysaa in la helo cadaalad"

    Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan cadaaladda iyo garsoorka, waxaana ka soo qeyb galay madaxda hay'adaha garsoorka iyo laamaha cadaaladda Dowladda Federaalka iyo maamulada gobolada ee qaybta ka ah federaalka e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan cadaaladda iyo garsoorka, waxaana ka soo qeyb galay madaxda hay'adaha garsoorka iyo laamaha cadaaladda Dowladda Federaalka iyo maamulada gobolada ee qaybta ka ah federaalka ee dalka.

Mas’uuliyiinta ka qaybgashay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mudane Axmed Cali Abuukar, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga sidoo kale wasiirada Cadaakadda maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkaan oo socon doona dhowr maalin ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka hadashay ay aad ugu dheeraadeen ka hadalka muhiimadda cadaaladu u leedahay bulshada Soomaaliyeed waxaan mudada uu socdo khubaradu ay ka doodi doonaan sidii loo hagaajin lahaa cadaaladda dalka.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr Axmed Cali Abuukar, oo ka hadlay furitaanka aqoon isweydaarsigaan ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirtaa ay tahay loona baahan yahay in si dhab ah loo bad baadiyo.

Xoghayaha guddiga cadaaladda Baarlamaanka Xildhibaan, Maxamed amiin, ayaa dhankiisa qaba in muhiimadu tahay in heer federaal iyo heer gobol laga wada qayb qaato horumarinta cadaaladda dalka .

Wasiiradda cadaaladda maamul goboleedyada dalka ayaa dhankooda ka hadlay kulankaan waxaana ay xuseen in ay ka go’antahay nooleynta cadaaladda dalka.

Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) ayaa ka sheegay kulankaan in wasaaradda oo kaashaneysa qaybaha kala duwan ee garsoorka dalka ay ku dadaali doonto hagaajinta cadaaladda.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay kulanka gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka mudane Caydiid Cabdullahi (ilka Xanaf) oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in garsoorka dalku u baahanyahay amni hadii aan la helina uusan socon karin garsoorku.

"Garsooraha hadaan amnigiisa la sugin way adkaaneysaa in la helo cadaalad, marka taa waa in xooga la saaro” ayuu yiri Ilka Xanaf.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip