Dalka Philippine oo lagu gowracay muwaadin u dhashay dalka Canada

0
Tuesday April 26, 2016 - 10:02:58 in Wararka by
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Philippine oo lagu gowracay muwaadin u dhashay dalka Canada

    Muwaadin u dhashay dalka Canada, isla-markaana afduub ahaan loogu gaystay dalka Philippine, ayaa la surgooyay maalintii Isniinta, ka dib markii Dowladda Canada aanay bixin lacag madax furasho ah oo lagu xiray sii deysmadiisii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin u dhashay dalka Canada, isla-markaana afduub ahaan loogu gaystay dalka Philippine, ayaa la surgooyay maalintii Isniinta, ka dib markii Dowladda Canada aanay bixin lacag madax furasho ah oo lagu xiray sii deysmadiisii.
Ururka Abu Sayyaf oo xiriir la leh Ururka Al Qaacidda, ayaa bishii September afduubay John Ridsdel iyo dalxiisayaal kale oo la socday, xilli ay ku dalxiisayeen meel ku dhow Magaalada Davao ee dalkaasi Philippine.
Abu Sayyaf, ayaa toddobaadyo ka dib afduubka dadkaasi baahisay muuqaal video ah, oo ay ku dalbaneysay in madax furasho laga siiyo afar qof oo oo laba ka midda u dhashay Canada, markii ay xaqiijisay inay u afduuban yihiin. Waxayna mid kastaa sheegtay inay ku sii dayn doonto 20 milyan oo dollar.
Muuqaalkaasi, ayay ku sheegtay in 25-ka bishii April oo shalay ku beegneyd la dili doono John Ridsdel oo 68 jir ahaa, haddii aan la soo gaarsiin 20-ka milyan ee ay ku fasaxayso.
Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo Isniintii la hadlay Warbaahinta, ayaa waxaa uu xaqiijiyay gowraca muwaadinka reer Canada.
Ra’iisal Wasaare Trudeau, ayaa falkan ku sheegay mid aan macno lahayn, maadaama sida uu sheegay la gowracay qof aan dembi lahayn.
Ninkan la gawracay, ayaa waxaa lala qafaashay nin kaloo u dhashay dalkaasi Canada, laguna magacaabo Robert Hall, Kjartan Sekkingstad oo Norway u dhashay iyo haweeney u dhalatay Philippine oo la yiraahdo Marites Flor, saaxiibna la ah Robert Hall.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip