WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA ABRIILE 2016-KA

0
Tuesday April 26, 2016 - 09:49:24 in Wararka by
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA ABRIILE 2016-KA

    RA'IISUL WASAARAHA SOMALIYA OO XIL KA QAADIS KU SAMEEYAY WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA Ra'iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARAHA SOMALIYA OO XIL KA QAADIS KU SAMEEYAY WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA Ra'iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

 

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xilkaan u magacaabay Mudane Maxamed Jaamac Mur sal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay markii uu Ra’iisul Wasaaraha arkay baahida loo qabo tayeynta Xubnaha Joogtada ah ee Wasiirada Som aliya inuu garowsaday xil ka qaadista Wasiirkaan.

Digreetada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxday ayaa lagu sheegay markii uu arkay qodobka 97 farqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka Markii uu arkay; xeer Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikh eysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaali ya Markii uu arkay baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

PUNTLAND OO SOO SAARAY AMARRO HOR LEH, EEDEYN CULUSNA DUSHA UGA TUURAY GALMUDUG.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab Shalay oo Isniina warbaahinta kula had lay xafiiskiisa Garowe ayaa sheegay inay shaqayn waayey go’aan uu horay uga soo saaray Ethi opianka wareejiya alaabta ee loo yaqaan (Badal Badal).

Cabdi Xirsi wuxuu tilmaamay in go’aan lagu joojinayo Ethiopianka alaabta wareejiya uu horay usoo saaray, balse ay fulin waayeen laamaha amaanka ee ku shaqada leh.

Qarjab ayaa yiri”Waxaan joornaal ku arkay sharciyo badan oo lasoo saaray oo aan fulin, wa ana run Ha’yadaha sharciyadu kuwana waa soo saaraan kuwana fulinta bay leeyihiin, cida wax soo saarida leh haddii ay soo saarto waa inay fulisaa qolyaha fulinta leh, haddii ay fulin waydo, sha lay laga bilaabo isagaa qaadanaya masuuliyada, mana aha inuu sii joogo xafiiska,mid fulinaya ama rada lasoo saaro ayaa la keenaya xafiiska.”

Wasiirka amniga Puntland ayaa horay laamaha amniga u faray inay joojiyaan Ethiopianka alaabta wareejiya ee loo yaqaan (Badal Badal), hadalka Cabdi Xirsi uu ku joojinayey Badal Badalka ayaa yimi xili magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka socdaan howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka, ka dib dagaal ay dhawaan deegaan xeebeedyo ka tirsan Mudug iyo Nugaal ciidamada Puntland kaga saareen koox ka tirsanayd Alshabaab.

Ganacsatada yar yar ayaa horay cabasho uga muujiyey alaabta ay gudaha dalka Ethiopian ku ku wareejiyaan oo ay sheegeen in ganacsigoodii saamayn ku yeesheen, mana jirto wax canshu ura oo laga qaado, dad qaarkii ayaa isweydiiya sababta ay Ethiopianku gudaha Soomaaliya ugu wareejiyaan alaabta loo yaqaan Macuunta, iyagoo aan laga qaadin wax canshuura.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale shalay amar kasoo saarya shaqaalaha wasaaradda ee aada tababaro aysan wasaaraddu ka warhayn, wuxuu tilmaamay in aysan hadda kadib iska aadi doonin, isagoo xusay in qofkii hadda wixii ka dambeeya aada tababar aan laga warhayn lagu ganaaxi doono.

MAXAMED CILMI AFRAX OO SHEEGAY INUU LAYAABAY QAABKII UU XILKA.

Wasiirkii Qorshaynta M/ Galmudug, Maxamed Cilmi Afrax, ayaa sheegay inuu layaabay sifaha uu xilka kaga qaaday Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, maalintii Axada.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa xilka looga xayuubay Wasiirkii Qorshaynta Galmudug, ka dib markii Madaxweynuhu uu Wareegtada ku sheegay xil gudasho la’aan iyo amar diido uu sameeyay Wasiirku.

Wasiirka xilka laga qaaday, ayaa muujiyay in wax caadi ihi uu u arko in xilka laga qaado, balse uu layaabay wadada uu Madaxweynuhu xil ka qaadistiisii uu u maray.

"Xil la’iska qaadaahi wax dhab ah malaha, laakiin waxaa wax layaab leh ayadoo xiriirkeyga la haayo, lana haayo meelihii fariimaha la’igu soo diri jiray (Emailkeyga la haayo), oo Wasaaraddii aan joogay Email ay leedahay, in wixii aan suuqa ka maqlo oo Websiteyada la soo dhigo. Arrintaasi maaha arrin ku saleysan Maamul wanaag.” Ayuu yiri Wasiirkii Qorshaynta Galmudug.

Wadada loo maray xil ka qaadistiisii, ayuu ku sheegay mid ka turjumaysa sida ay u liidato xeerarka shaqada, ee Maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed.

"Waxay muujinaysaa arrintaasi arrin aad u liidata oo xeerarka shaqadana ka horimaanaysa. Marka midaasaa layaabay, yacni warqadaha Websiteyada la geliyay, laakiin aniga in xil la’iga qaado lama yaabi karo.” Ayuu yiri isagoo wareysi siinaayay Radio Mustaqbal.

Maxamed Cilmi Afrax, ayaa arrin kaloo layaab ku beertay ku sheegay sida deg degga ah ee xilka looga qaaday, xilli Baarlamaanka Galmudug uu ka sugaayay inuu kaga warbixiyo waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa aan u qabsoominba Wasaaradiisii.

"Waxaan kaloo runtii ayadana yaab igu noqotay, iyadoo aan xog badan haayay, warbixin badana haayay Baarlamaanka Galmudugna uu ii heelanaa, ina sugaayay, islamarkaana aan rabay warbixinta inaan dhiibo wixii qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, wixii ay u qabsoomi waayeen, caqabadaha jira iyo fursadaha jiraba, oo 10 bilood soo shaqaynaayay, xog badana aan haayay, in la sugi waayay xitaa, haddii wax la qaadaayo xogtaa la dhageysto ay ahayd. Marka xooggaa waxaan layaabay sida wax looga deg degay, deg deggaa layaabay.” Ayuu yiri Maxamed Cilmi Afrax.

Afrax, ayaa ku celiyay ka shakhsi ahaan inaysan wax saamayn ihi ku yeelanayn xil ka qaadistiisii, hase yeeshee ay dhici karto inay saamayn ku yeelato dadka reer Galmudug, oo u arkaayay inuu yahay shakhsi meel uga aadanaa.

"Wax kaloo aniga saamayn ah ay igu sameysay malaha, balse waa laga yaabaa dadka Galmudug oo kale inay saamayn ku reebto, oo runtii qaarkood ay ka xumaadaan, iyagoo u arkay meel wayn inaan uga aadanaa, meeshiina ay bannaanaatay.” Sidaasi waxaa yiri Afrax oo ku soo laabtay Magaalada Muqdisho.

KULAN LOOGAGA HADLAYAY SIDA AY BULSHADA ULA SHAQEYN KARTO DOWLADA OO JOWHAR LAGU QABTAY..

Kulan wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay ururka SOSCENZA loogagana hadlayay qaabka loola shaqeyn lahaa dowlada ayaa lagu qabtay shalay magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada sida nabadoonada, culumaa’udiinka, aqoonyahanada,haweenka iyo dhalinyarada waxana ay ugaga doodeen sida loola shaqeyn lahaa dowlada la qorsheynayo in laga dhiso dhowaan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dr C/hi Axmed Idow ayaa warbixin ku saabsan kulanka shalay ka soo jeediyay isagoo sheegay in kulankan uu sidoo kale ka dhacayo gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Koofurgalbed ee Soomaaliya.

Dadkii ka hadlay kulankan wadashiga ah ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cilmi Jidow Colow waxana uu ka warbixiyay qiimaha ay leedahay dowladnimada isagoo xusay in ay kala duwan tahay dowlad iyo dowlad la’aan."Waxaa loo baahan yahay in la ixtiraamo dowlada ayna dowladuna qadariso shacabkeeda isla markaana wadashaqeyn laga helo.”ayuu yiri nabadoon Cilmi Jidow Colow.

Guud ahaan ka qeybgalayaashii kulankan ayaa waxa ay ka hadleen baahiyaha jira gobolka iyagoo sheegay in loo baahan yahay in dowladu ay oggolaato fikirka xorta ah.

TACSI: ALLAHA U NAXARIISTO XAAJIYO CAWRALO TUURXUME

Dhammaan bahda Saxaafadda Soomaaliyeed,Wargeyska mogadishu times Xabiibo Axmed Jimcaale Biibto,Madaxda Shabakadaha Somaliweyn Xuseen Cabdi Calasow iyo milkiilaha shabakadda Shaac iye Xuseen Madobe, Weriyeyaasha kala ah: Muuse Maxamed Cismaan, Maxamu ud Xasan Cumar (Aduunyo), Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe), C/llaahi Maxa med Cumar (Mucjis), Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra), C/Casiis Xasey Golf, C/rax maan Alif, C/llaahi Na anow iyo Naasir Ca li Cumar

Dhammaan weriyeyaasha kor ku xusan waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan ExXildhibaan Maxamuud Aw Geedi Hilowle oo Hooyadii ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho Taariikhda mar kay ahayd 24042016, isla markaana lagu aasay Masjidka Sheekh Xasan Cadde ee degmada Yaa qshiid.

MARXUUM XAAJIYO CAWRALO TUURXUMME MAXAAD XUSEEN CAAMIR FOODEY

Allaha u naxariisto, Ilaaheyna qabrigeeda ha u waasiciyo, dhammaan eheladii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. AAMIIN…AAMIIN. INNAA LILLAAHI WA INYA ILLAAHI RAAJICUUN

JABRIIL "DHIBAATADA TAHRIIBKA WAA KA WEYN TAHAY IN WACYI GELIN LAGU XALIYO”

Iyadoo maalmahan dambe ay isa soo tarayeen dhibaatooyinka soo wajahayay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Tahriibeysa ayaa la sheegay in rajo xumo heysata dhalinyarada ay sabab u tahay inay dalka ka qaxaan, naftoodana ku biimeeyaan badda.

Hay’adda CRD iyo hay’adda UNDP oo cilmi baarska ku sameeyeen daruufaha adag ee haysata dhalinta Soomliyeed ayaa xaqiijiyay ay dhalinta Soomaliyeed u baahan yihiin in laga qeyb geliyo howlaha dib u dhiska dalka.

"Duruufo badan ayaa asaas u ah tahriibka kuwaas oo aan xal loo helina ma joogsan doono” sidaas waxaa yiri Jabriil Ibraahin Cabdule, oo ah madaxa Hay’adda CRD”

Mr Jabriil ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad wanaagsan, isla markaana ay culeys weyn ku heyso dhalinyarada ku dhamaaneysa badaha

"Wacyi gelintu waa ay wanaagsan tahay, laakiin heeso la qaado laguma joojin karo tahriibka sidaa darteed waxaa loo baahan yahay istaraatijiyad qaran oo si buuxda waxa uga qabanayso daruufaha adag ee ay dhalinta Soomaaliyeed ku nool yihiin”ayuu mar kale yiri Jabriil Ibraahin Cabdulle intaa ku daray in loo baahan yahay in dhalinyarada laga qeyb geliyo howlaha dalka ka socda.

Waxaa lama huraan ah in la helo abaabul balaaran oo ay qeyb ka yihiin qoysaska iyo bul shada dhalintu ka soo jeedo, kaasoo dhalinyarada loogu jiheynayo in ay dalkooda ku negaadaan, kana qeyb qaataan dib u dhiskiisa, Waa ay wanaagsan tahay in la wado wacyi galinta, waana hub aal in ay wax ku kordhin doonto laakiin waa in la aburaa aaladihii iyo hay’adihii dhalinyarada caaw in lahaa.

70% bulshada Soomaaliyeed waa dhalinyaro ay da’doodu ka hooseyso 29 sano jir, waxa ase nasiib daro ah in aan wax shaqo ah loo abuurin xilna la’iska saarin in dhalinyarada lagu dhiiri geliyo in ay ka qeyb qaataan dhismaha dalkooda.

UGANDA OO SHEEGTAY IN CIIDANKEEDA KU SUGAN SOOMAALIYA AANAY MUDDO QAADAN WAX MUSHAAR AH

Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM aysan muddo 7 bilood qaadan wax mushaar ah.

Jen. Katumba Wamala oo la hadlayay ciidamo Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaale yari soo wajahday howl galka AMISOM, isagoo xusay in dowladdiisa arrintan kala hadashay dowladaha taageera howl galka AMISOM.

"In muddo 7 bilood ah askarteena aysan wax mushaar ah qaadan, taas waxay abuurtay in niyad jab uu ku dhacay ciidankeena”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Uganda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Uganda ay wado qorshe ay miisaaniyada ciidamada ku kordhineyso, si mushaar la’aanta heysata Ciidamadooda jooga Soomaaliya wax looga qabto.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in illaa 1,800 askari u soo dirto Soomaaliya, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, sida lagu qoray Wargeyska New Vision.

AXMED KISMAAYO OO LOO DOORTAY GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND

Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo ahaa Wariye rugcadaa ah ayaa shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland, kadib kulankii u horeeyay ee uu Guddiga yeesho.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wakiilada Puntland, kadib markii la magacaabay bishii Febraayo, iyadoo guddigan uu dhowaan bil aabi doono shaqadiisa.

Xubnaha Guddigan ayaa la dhaariyay, waxaana munaasabada lagu dhaarinayay goob joog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo sheegay in guddigan shaq adiisa uga harsan tahay saddex sano, loogana fadhiyo howlo badan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Kismaayo ayaa horay uga soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBCda, Radio Muqdisho, sidoo kale waxaa uu noqday Agaasimaha Telefishinka iyo Radiyaha Puntland, inkastoo sanadkii hore laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye kuxigeenka guddiga loo doortay Maxamuud Soofe Xasan oo horay uga mid ahaa Guddigii doorashada ee la kala diray sanadkii 2013.

Guddigan ayaa horyaala inay soo saaraan xeerarka nidaamka xisbiyada, iyadoo qorshuhu in deegaanada Puntland ka dhacaan doorashada golaha deegaanka iyo kuwa xisbiyada, hadii Guddigan ku guuleysto howlaha loo igmaday.

XILDHIBAAN CABDQADIR COSOBLE OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY..

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali Guddoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey dalka Isuta gga Imaaraadka Carabta.Siyaasiga C/qadir Cosoble oo hore isugu soo sharaxay xilka madaxtin imada dalka Soomaaliya doorashadii 2012 ayaa mudadii uu joogay Imaaraadka Carabta waxa uu la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta iyagoo ka wadahadlay sidii loo sii hourmarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Xildhibaan C/qadir Cosoble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uu liyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo maamulka gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale ay joogeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Warar hoose ayaa sheegaya in laga yaabo dhowaan inuu Xildhibaan Cosoble uu ku dhowa aqo inuu u taagan yahay doorashada madaxtinimada dalka halka warar kalana ay sheegayaan in ay dhici karto in uu isu soo sharaxo xilka madaxtinimada maamulka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

GUDOOMIYE JAWAARI OO MUQDISHO KULA KULMAY SAFIIRKA TURKYGA EE SOOMALIYA

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Mudane Maxamed shiikh Cusmaan "Jawaari”ayaa Shlay xafiiska kulan kula qaatay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Olgan Bakar.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay intuu kulanka socday dedejinta dib u dhiska xarunta Gol aha Shacabka ee magaalada Muqdisho oo ay hada gacanta ku heyso hay’adda TIKA ee dalka Turkiga laga leeyahay.

Gudoomiye Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari iyo safiirka dalka Turkyga ee soomaliya Dan jire Olgan Bakar ayaa sidoo kale kawada hadlay dar dar gelinta wada shaqeynta guddiyada saaxii btinimo ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga taasi oo la isla gartay iney tahay mid muhiim.

Danjire Olgan Bakar danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta ay dhowaan ansixiyeen heshiiska dhanka Caafimaadka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga kaasi oo ay Baarlamaanka Federaalka u soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari ayaa dowlada Turkyga ka codsaday in ay taageero buuxda Xukuumada soomaliya ka siiyaan hirgelinta arrimaha doorashooyinka la filayo in ay Soomaaliya ka dhacaan dhammaadka sanadkaan 2016.

UGANDA OO SHEEGTAY IN CIIDANKEEDA KU SUGAN SOOMAALIYA AANAY MUDDO QAADAN WAX MUSHAAR AH

Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM aysan muddo 7 bilood qaa dan wax mushaar ah.

Jen. Katumba Wamala oo la hadlayay ciidamo Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa she egay in dhaqaale yari soo wajahday howl galka AMISOM, isagoo xusay in dowladdiisa arrintan ka la hadashay dowladaha taageera howl galka AMISOM.

"In muddo 7 bilood ah askarteena aysan wax mushaar ah qaadan, taas waxay abuurtay in niyad jab uu ku dhacay ciidankeena”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Uganda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Uganda ay wado qorshe ay miisaaniyada ciidamada ku kor dhineyso, si mushaar la’aanta heysata Ciidamadooda jooga Soomaaliya wax looga qabto.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in illaa 1,800 askari u soo dirto Soomaaliya, si loo xoo jiyo dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, sida lagu qoray Wargeyska New Vision.

AU-DA OO CODSATAY KHARAJKII DIBUCELINTA QAXOOTIGA SOOMAALIDA KU NOOL KENYA.

Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay ka gaabiyeen Ballanqaadkoodii ku aadanaa Dhaq aalihii loogu talagalay in lagu soo ambabixiyo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laaban ayo Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan 330,000 oo Qaxooti.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika "The Peace and Security Council of the African Union” ayaa lagu sheegay inay Beesha Caalamka bixiyeen 105 million oo Dollar oo keliya oo qeyb ka ahayd lacagta 500 million oo Dollar ee ay Beesha Calaamka ka ballanqaadeen Shirkii Caalamiga ee bishii October ee sannadkii hore lagu qabtay magaalladda Brussels ee Qaaraanka loogu ururinayey Dibucelinta Qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya.

Afhayeen u hadlay Golaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AUda ayaa lagu cusboo neysiiyey Baaqa looga dalbanayo Deeqbixiyayaasha Caalamka inay bixiyaan Lacagta ka hartay Yaboohaasi oo dhan 395 million oo Dollars.

Goluhu waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya walaac xooggan ka qabaan inay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab noqoto deegaan ay Alshabaab isku urursadaan ama ka dhigtaan gabaad, waa sida hadalka loo yiri.

Afhayeenka u hadlay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AUda waxa uu ku baaqay in si ficil ah loo fuliyo ballanqaadka Deeqbixiyayaasha, si ay Qaxootiga Soomaalida iskooda ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia, gaar ahaan Deegaanadda lagala wareegay Alshabaab ee ku yaalla Jubbooyinka iyo Goballadda kale.

MUWAADIN SOMALI KA TIRSAN GOLAHA WASIIRADDA EE BOQORTOOYADDA GABULA EE UGANDA OO LOO HANJABAY.

Amiir Edward Columbus Wambuziga 4aad oo madax ka ah Boqortooyo Dhaqameedka Gabu la ee dalka Uganda ayaa dhisay Gole Xukuumadeed oo ka kooban 34 Xubnood.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa oo ku yaalla Deegaanka Nakabango ee magaalladda Jinja waxa uu Taageerayaashiisa ugu baaqay inaysan dagaal kala hor imaanin Golaha cusub ee uu ku dhawaaqay.

Waxa uu tilmaamay inaan loo baahnayn in la dagaalamo, maadaama ay iyagu yihiin dad ka soo jeeda Hal boqortooyo oo Deegaanka ah.

Ra’isulwasaaraha Boqortooyodhaqmeedka Gabula waxaa loo magacaabay Dr. Joseph Muv awala, iyadoo Kuxigeenkiisa Koowaad yahay Dr. Maxamed Lubega Kisambira, halka Ra’isulwasa are kuxigeenka Labaad loo magacaabay Muwaadin Somali haysta dhalashada Uganda oo lagu magacaabo Osman Axmed Nuur.

Wargeyska The Monitor ayaa qoray inay Dadka Deegaanka ka hor yimaadeen xilka loo magic aabay Muwaadinka Soomaalida oo isagu deggan Deegaanka Bulamogi.

Dadka Deegaanka waxay ku goodiyeen inay gubi doonaan guryaha uu ku leeyahay Degmad da Kaliiro.

Afhayeenka Boliska Waqooyiga Busoga, Michael Kasadha ayaa u sheegay Wargeyska Daily Monitor in Boliska Deegaanka Kaliro loo daadgureeyey si ay u ilaaliyaan Hantida Muwaadinka Soomaalida ee Xilka Ra’isulwasaare Xigeenka 2aad looga doortay Xukuumadda Booqrtooyadda Gabula ee dalka Uganda.

MADAXWEYNAHA MASAR OO U HANJABAY DAD UU KU SHEEGAY INAY ABAABULAYAAN BANAANBAX DAWLADIISA KA DHAN AH.

Madaxweynaha dalka Masar C/Fitaax AlCasiisi oo dadka wadankiisa kala hadlay Tele fishinka dawlada ayaa u digay dad uu sheegay inay abaabulayaan dibaxbaxyo dawladiisa ka dhan ah sida uu yiri.

Madaxweyne Casiisi waxaa uu ku hanjabay in xukuumadiisu tilaabo adag ka qaadayso cid kasta oo uu sheegay inay isku dayayaan abaabulista dibadbaxyo dawladiisa ka dhan ah.

Dad uu ku sheegay inay qaarkood ka so jeedaan dalka Sacuudiga ayuu sheegay M/weyn aha Masaarida inay wadaan abaabulka banaanbaxaaas.

Dibad baxayaal ayaa xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaas Max’ed Xusni Mubaarak oo Sodomeeyo sanno Masar maamulayay.

SHIRKA DIB U EEGISTA ARRIMAHA DASTUURKA OO WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY

Shirkii Wada tashiga ahaa ee looga hadlayay arrim aha dib u eegista Dastuurka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Fed eraalka ayaa shalay la soo gaba gabeeyay.

Munaasabaddii lagu soo gaba gabeynayay shirkan wada tashiga oo ay ka qeyb galeen dad ka kala yimid gobolada dalka iyo ururada bulshada rayidka ayaa wax aa ka qeyb galay Ra’iisul Wa saare kuxigeenka Xukuu madda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Wasaaradda Dastu urka Xuseen Sheekh Maxamed Xus een, Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dast uurka iyo Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka.

SHIRKAN OO SOCDAY LABO CISHO AYAA WAXAA GABAGABADIISA LAGA SOO SAARAY WAR MURTIYEEDKA, HALKAN HOOSE KA AKHRISO:

Waxaa Maalmihii Taariikhdu ay ahayd bisha Abriil 24-25-,2016, lagu qabtay Hotel SYL, ee maga alada Muqdi shu kulan wada tashi balaaran iyo kala warqaadasho ah una dhaxeeyay Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ururadda Bu lshadda Rayidka Soomaaliyeed. Kulanka oo ay soo qa ban qaabisay Wasaarada Arimaha Dastuurka ee Dowl adda Federaalka waxaa ka soo qabygalay 100 xubno od oo ka kala socday Ururadda Bulshada Rayidka kana yimid Puntalnd, Jubbland, KoonfurGalbeed, Gal mudug, Hiiraan iyo Shabellada Dhexe, Bana dir xubno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Guddiga La ’socdka Baarlamanka ee Dibu Eegista Dastuurka, Gud diga Madaxbanaan ee DibuEegista & Hergelinta Dastu urka, iyo xubno ka tirsan Qurbo Joogta Soomaaliyeed.

Kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd;

Xog La wadaagista Geedi Socodka DibuEegista Dast uurka, ka Talo Gelinta iyo ka qayb gelinta Urr uradda Bul sadda Rayidka ah.

Kulankan oo uu ka soo qaybgalay furitaankiisa Wasi irka Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Fed eraalka Soo maaliya, Mudane. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Guddomiyaha Guddiga La’ socod Dastuurka ee Barlama anka, Xildh. Maryan Cariif Qaasim, Guddoomiyaha Gud diga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Mudane. Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi. Waxaa uu ahaa kulankii labaad oo ay ka soo qaybgalaan ururdada bu lshada rayidka oo ka kala yimid dhamaan dalka laguna qabto magalada Muqdisho. Qabashadda kulankan waxaa uu astaan u yahay sida Xukuumadda Soomaaliya ay uga go’antahay in Dastuurka Dalka laga qeybgeliyo lagalana tashado dhamaan qaybaha kala Duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ugu dambeyntii soo xiray Ra’iisul Wasaare kuXigeenka Dowladda Federallka Soomaa liya Mudane Maxamed Cumar Carte.

Kulanka wadatashiga ka dib, waxaa ururada bulsh adda rayidka ah iyaga oo la tashanaya Wasa aradda Arr imah Dastuurka soo jeedeeninayaan qodobada hoos ku qoran;

Waxaa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in dibueegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi gal inayo Shac abka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noq do mid Soomaali leed ahay.

In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga La socodka Baarlamaanka ee DibuEegista Dastu urka, Guddiga Madaxa Banaan ee DibuEegista iyo Herge linta Dastuurka iyo Bulshada Rayidka ah ay ka wadashaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedisocodka dibueegista

Kulankan waxa uu hoosta ka xariiqayaa in la tix geliyo Xauquuqda siyaasadeed ee Haweenka Soomaa liyeed.

Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuur ka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qayba ha kala duw an ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaa shadhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siya asiyiinta.

Dastuurku waa in lagu qoraa Afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sah asho in shacab ka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo

Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaa lka ah ay ka talagaliyaan ururada bulshada rayidka far iimaha lagu baahinayo aaladaha warfaafinta si looga ho rtago in uu dhasho ama abuur mo dareen dhib u keeni kara geedicosdka dibueegista dastuurka.

Qaybaha ugu culus dibueegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa in la qabto kulamo balaaran (town hall meetings) oo ay qayb ka yihiin urrurada Bulshada Rayid ka ah oo lagu soo Ba ndhigayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga. ah.

In bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururada qaab aysan, ay noqdaan codkii u hadli lahaa dad weynaha.

In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka, muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda

In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee deeg aankaas

Waan in bulshadda baahida gaarka ah leh sida naaf adda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baa hida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.

Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiy aan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Do wladGobaleedyadda iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan xoogooda, taladooda, xiriiri ntooda, isla mar kaana ay si joogta ah ula shaqeeyaan kana tala qaat aan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi soc odka dibueegista dastuurka.

Maamuladda dalka ka jiraa waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–ueegista iyo faafinta dastuurka.

Waxaan soo Dhowaynaynaa Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka oo la isku raacay in Garoowe la gu qabto 25 May 2016, waxaan ka codsanaynaa Xukuu adda Federaalka Soomaaliya in si weyn loo tixgeliyo ka qaybgelinta urrurada Bulshada Rayidka ah Shirweynaha Qaran.

Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Urrurada Bulshadu Rayidka waa in la jog teeyaa kulamada noocan ah.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhaamaan ka qaybgal ayasha ka kala yimid dalka oo dhan, qaban qaabiyaya asha shirkan socday labada maalin iyo hay’adihii gac anta ka gastay in uu si guul ah ku dhamaado.

Muqdishu, Soomaaliya

Abriil, 25, 2016

EBER COD WAA KA MID MUSUQMAASUQA DOORASHADA

Musuqmaasuqa siyaasadda Soomaaliya waa mid ba ahsan wuxuuna ugu daran yahay xilliga doorashada Madaxweyne, ha noqdo Madaxweynaha Qaranka ama kuwa Gobollada qaarkood. Hadda 2016 oo xilli door asho noocyo kala duwan ah la gelayo, waxaan jecleys tay in aan kula wadaago mid ka mid ah waxyaabaha aan ila habbooneyn ee aan kala kulmay doorashadii Madaxweynaha Federaalka ee aan isu taagay 2012.

Ka dibna waxaan soo jeedin doonaa sida ay ila ta hay in lagu sixi karo, si ay dood u furto, go’aa nna looga qaato. Ujeeddadeyda kama dambeysta ah waa in la dhi mo musuqmaasuqa doorashada.

Shuruudaha Murasha Madaxweynaha ee sannadkii 2012 waxaa ka mid ahayd in uu Murashax kastaa la yimaado ama ay la timaaddo saxiixa 20 Xildhibaan.

Waxaan ka mid ahaa dadkii ra’yigaa curintiisa same eyaynta ku lahaa markii uu soo baxayna aad u taageersanaa. Waxaan u arkayay in shuruuddani ay sahleyso in la aqoonsado in qofka isa soo taagayaa uu yahay mid taa geero ka haysta tiro Xildhibaanno ah oo billow fiican noq on kara.

Ujeeddada labaad ee aan fikirkaa u qabay waxay aha yd in culeyska la yareeyo oo murashaxiintu ay noqdaan dad kooban. Ujeeddo saddexaad waxay ahayd in murashaxa ay u fududaato in uu is qiyaaso inta aanuu Baarlamaanka soo hor istaagin. Haddii ay ku adkaato in uu helo saxiixa 20 Xildhibaan oo taageerta murashaxnimadiisa waxaa u cad in ay adag tahay in uu ka soo gudbo wareegga ko owaad.

Ugu dambeyntii waxaa macnuhu ahaa in Xildhibaan kastaa uu aad uga fekero qofka uu soo gudbinayo oo ay la tahay in fursad loo siiyo in uu u tartamo Madaxtinnim ada dalka. Taas oo keeni karta in uu wakhti la qaato mu rashaxa oo uu qiimeeyo maalinta codeynta ka hor as aga oo weliba barbardhigaya murashixiinta kale. Wax aan u arkayay shuruud ay murashixiinta oo dhami u sim an yihiin isla markana howsha sahli lahayd.

BEEN LA ISLA OGGOL YAHAY

Si macnaa looga dilo, si musuqmaasuq loo jideeyo, si baayactan ay u noqoto doorashada Madax weynaha Qar anku, waxaa la dejiyay in Xildhibaan kasta loo oggo laado in uu soo gudbin karo saddex murashax.

Macnuhu wuxuu yahay, inkasta oo Xildhibaanku hal cod leeyahay waxaa loo oggolaaday in uu soo gudbin karo magacyada Murashaxa uu dooranyo iyo laba uu uga dhigay in ay u qalmaan Madax tinnimo laakiin aanuu cod siin doonin. Si kale haddii aan u dhigo, meeshii murashixiinta la gu kala reebi lahaa kii heli kara codka 20 Xildhibaan iyo kan kale, waxay isu fasaxeen in Xildhibaan kastaa uu saddex murashax soo gudbiyo.

Taas waxaa macnaheedu yahay in qof aan hal cod heli doonin ay 20 Xildhibaan been u soo shee gaan oo ay u soo saxiixaan waraaq si uu u "buuxiyo” shuruu daha. Murashixiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabd ulaahi Faramaajo, YusufGaraad Cumar, Axmed Ismaa ciil Samatar, Cabdiwaaxid Goonjeex, Maxamed Cabdiw eli Sh. Yusuf, Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Yaasiin, Cusmaan Fa alko, Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi dhammaanteen wax aan buuxinnay shuruudda oo waxaan la nimid saxiixa min 20 Xildhibaan oo na soo gudbiyay. Laakiin had dana midkeenna ma helin 20 cod, xataa ma sigin. Markaa shuruuddaas dhab ahaan ma aynaan buu xin inkasta oo aan haysannay saxiixa 20 Xildhibaan.

Dabcan Xildhibaannada aan saxiixooda haysannay kuma ayan khasbaneyn in ay cod na siiyaan maaddaa ma uu mid kastaa u saxiixay saddex murashax. Laakiin shuruudda ayaan buuxin kari wa ayi lahayn, ama midkiiba ugu yaraan waxaa uu heli lahaa 20 cod oo saxiix uun aan ahayn ee ah 20 cod oo run ah.

Natiijadii waxay noqotay in lix murashax oo keliyihii ay si dhab u buuxiyeen shuruudaha.

Dabcan annaga waxaa naga sii darnaa, afar murash ax oo midkiiba ay 20 Xildhibaan u soo saxii xeen in ay taageersan yihiin murashaxnimadooda, hase yeeshee midkoodna aanuu hal codna helin. Waa Cabdiraxmaan Maxamed C. Xaashi, Ibraahim Cali Xuseen, Maslax Maxamed Siyaad iyo Maxa med Axmed Saalax.

HADDA IYO DAN

Weli waxaa ila qumman in shuruudda ah in murashax kasta uu la yimaado saxiixa 20 Xildhibaan la soo celiyo sababaha aan soo sheegay awgood.

Laakiin maaddaama aan aragnay in ay suurta gal tahay in 20 Xildhibaan ay Murashax soo ansi xiyeen, ma rkii ay codeyn timidna uu murashaxii helay 0 cod, waxay ila tahay in aan cashar ka baranno.

Markaa waa in uu Xildhibaan kastaa lahaado hal saxiix sida uu u leeyahay hal cod.

Marka labaad maaddaama laba aqal la dhisayo oo tirada Xildhibaannada labada aqal oo wada ji ra ay dooran doonaan Madaxweyne, waxaa ila habboon in kor loo qaado tirada saxiixyada Xildh ibaannada labada aqal ee looga baahan yahay Murashaxa. Waxaan ku tal in lahaa in laga dhigo 25 saxiix. Waa shuruud adag, laa kiin waxa loo tartamayo ayaa ah Xil Muhiim ah.

Haddii ay dhacdo in Xildhibaanka loo oggolaado in uu u saxiixo in ka badan hal murashax, wax ay ila tahay in afarta sano ee soo socota tallaabada ay ku billaabaneyso ay tahay musuqmaasuq iyo been heshiis lagu yahay oo la jideeyay.

W/Q: YUSUF GARAD XIGASHO: SOMALIWEYN.COM

NATIONLINKA TELCOME

OGEYSIIS

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay macaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid ka)

A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B.Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal 10 daqiiqo wadamada

·USA.

·CANADA

·CHINA.

·INDIA.

·AUSTRALIA.

·BANGLADESH.

·MALAYSIA.

·PAKISTAN.

·SOUTH AFRICA

·SWEDEN

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip