Puntland oo soo saaray amarro hor leh, eedeyn culusna dusha uga tuuray Galmudug (Dhageyso)

0
Monday April 25, 2016 - 19:35:04 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo soo saaray amarro hor leh, eedeyn culusna dusha uga tuuray Galmudug (Dhageyso)

    Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab Maanta oo Isniina warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garowe ayaa sheegay inay shaqayn waayey go'aan uu horay uga soo saaray Ethiopian-ka wareejiya alaabta ee loo yaqaan (Badal Badal). Cabdi Xirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab Maanta oo Isniina warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garowe ayaa sheegay inay shaqayn waayey go'aan uu horay uga soo saaray Ethiopian-ka wareejiya alaabta ee loo yaqaan (Badal Badal). Cabdi Xirsi wuxuu tilmaamay in go'aan lagu joojinayo Ethiopian-ka alaabta wareejiya uu horay usoo saaray, balse ay fulin waayeen laamaha amaanka ee ku shaqada leh.
Qarjab ayaa yiri”Waxaan joornaal ku arkay sharciyo badan oo lasoo saaray oo aan fulin, waana run Ha’yadaha sharciyadu kuwana waa soo saaraan kuwana fulinta bay leeyihiin, cida wax soo saarida leh haddii ay soo saarto waa inay fulisaa qolyaha fulinta leh, haddii ay fulin waydo, maanta laga bilaabo isagaa qaadanaya masuuliyada, mana aha inuu sii joogo xafiiska,mid fulinaya amarada lasoo saaro ayaa la keenaya xafiiska.”

Wasiirka amniga Puntland ayaa horay laamaha amniga u faray inay joojiyaan Ethiopian-ka alaabta wareejiya ee loo yaqaan (Badal Badal), hadalka Cabdi Xirsi uu ku joojinayey Badal Badalka ayaa yimi xili magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka socdaan howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka, kadib dagaal ay dhawaan deegaan xeebeedyo ka tirsan Mudug iyo Nugaal ciidamada Puntland kaga saareen koox ka tirsanayd Al-shabaab.

Ganacsatada yar yar ayaa horay cabasho uga muujiyey alaabta ay gudaha dalka Ethiopian-ku ku wareejiyaan oo ay sheegeen in ganacsigoodii saamayn ku yeesheen, mana jirto wax canshuura oo laga qaado, dad qaarkii ayaa isweydiiya sababta ay Ethiopian-ku gudaha Soomaaliya ugu wareejiyaan alaabta loo yaqaan Macuunta, iyagoo aan laga qaadin wax canshuura.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale maanta amar kasoo saarya shaqaalaha wasaaradda ee aada tababaro aysan wasaaraddu ka warhayn, wuxuu tilmaamay in aysan hadda kadib iska aadi doonin, isagoo xusay in qofkii hadda wixii ka dambeeya aada tababar aan laga warhayn lagu ganaaxi doono.

Dhanka kale wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin eedeyn ay Gal-mudug usoo jeedisay Puntland oo ay sheegtay inay ka qayb tahay dagaal ka dhacay deegaanka Daacdheer oo ah xadka deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Gal-mudug, Qarjab ayaana tilmaamay in aysan Puntland qayb ka ahayn dagaalkaas, warkaasna uu yahay mid been abuura.

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip