Mudane Jibril Ibraahin Cabdulle : "Dhibaatada Tahriibka Waa Ka Weyn Tahay In Wacyi Gelin Lagu Xaliyo".
‘Wacyi gelintu waa ay wanaagsan tahay laakiin heeso la qaado laguma joojin karo tahriibka sidaa darteed waxaa loo baahan yahay istaraatijiyad qaran oo shaqo abuurid ah ” ayuu yiri Mr. Jabril Ibraahin Cabdule oo sheegay in loo baahan yahay in dhalin yarada laga qeyb geliyo howlaha dalka socda.
"70% bulshada Soomaaliyeed waa dhalinyaro ay da’doodu ka hooseyso 29 sano jir waxaase nasiib daro ah in aan wax shaqo ah loo abuurin xilna la’iska saarin in dhalin yarada lagu dhiiri geliyo in ay ka qeyb qaataan dhismaha dalkooda ” ayuu mar kale yiri Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD Mr. Jabril Ibraahin Cabdule oo ugu dambeyntii sheegay in loo baahan yahay abaabul balaaran oo ay qeyb ka yihiin qoysaska iyo bulshada kaas oo dhalin yarada loogu jiheynayo in ay dalkooda ku nagaadaan kana qeyb qaataan dib u dhiskiisa.
Mudane Jibril Ibraahin Cabdulle : "Dhibaatada Tahriibka Waa Ka Weyn Tahay In Wacyi Gelin Lagu Xaliyo".
Madaxa Hay"ada CRD ( CENTER OF RESEARCH AND DIALOGUE ) Md. Jabril Ibraahin Cabdule ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in ay dhalin yarada Soomaaliyeed ay badaha ku dhamaadaan , iyaga oo doonaya in ay tahriib dhinaca bada ah ku galaan qaarada Y