Baarlamaanka Uganda oo Walaac Kamuujiyay Xaalada Ciidamada Uganda ee AMISOM

0
Monday April 25, 2016 - 10:35:53 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Uganda oo Walaac Kamuujiyay Xaalada Ciidamada Uganda ee AMISOM

    Baarlamaanka Uganda ayaa ka walaacsan niyad jabka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kana mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab kadib markii bilo dhowr ah wax mushaar ah aan toos loo siin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Uganda ayaa ka walaacsan niyad jabka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kana mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab kadib markii bilo dhowr ah wax mushaar ah aan toos loo siin.

Sida laga soo xigtay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee baarlamaanka Uganda, mushaartka ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaan toos loo qaadan muddo dhan 4 bilood iyaga oo kujira dagaalo culus iyo weeraro is qarxin ah oo ay kala kulmaan Al-shabaab.

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha baarlamaanka Uganda ayaa tilmaamay in xukuumada looga baahanyahay in ay dib u eegto shuruudaha joogitaanka ciidanka Uganda ee Soomaaliya islamarkaana ay garato dowrka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

 

Dhismaha baarlamaanka Uganda

 

Dhawaan Ururka Midowga Yurub- EU waxaa uu sheegay inuu dhimay 20 boqolkiiba dhaqaalaha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uu kubixin jiray taasoo murjisay xaalada ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo Burundi oo si gaar ah arintaas loola eegtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip