Baarlamaanka oo maanta ka hadlaya Xeerka Axsaabta dalka

0
Monday April 25, 2016 - 10:17:49 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo maanta ka hadlaya Xeerka Axsaabta dalka

    Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay ka hadlayaan Xeerka Axsaabta Siyaasada dalka, iyadoo Xeerkaan uu yahay mid muhiim u ah dalka, maadaama ay soo dhaw dahay Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay ka hadlayaan Xeerka Axsaabta Siyaasada dalka, iyadoo Xeerkaan uu yahay mid muhiim u ah dalka, maadaama ay soo dhaw dahay Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkan.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa kulankooda maanta kaga doodaya sharciga axsaabta Siyaasadeed ee Dalka, oo maanta maraya akhrintiisii 2-aad.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Dooda ku saabsan Sharcigan uu yahay mid xasaasi ah, maadaama uu yahay Sharcigaan mid muhiim ah oo dalka waxtar u leh.

Axsaabta Siyaasada ee hada dhisan ayaa sugaya Sharciga Axsaabta ee Baarlamaanka ay gacanta ku hayaan, kaasi oo dhaqan geli doono kolka Baarlamaanka uu saxiixo.

Sida sharciga uu yahay Sharci kasta oo Baarlamaanka Somaliya la horkeeno wuxuu maraa ilaa Saddex Akhrin, kadibna Baarlamaanka ayaa cod u qaada ama meel mariya ama diida.

Baarlamaanka Somaliya oo waqti yar uga haray xilliga shaqada, ayaa waxaa hor yaalo Sharciyo kala duwan oo muhiim ah, una baahan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay meelmariyaan oo ay saxiixaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip