Xildhibaannada Puntland oo Maanta Meel-mariyay Guddiga Doorashooyinka Puntland

0
Sunday April 24, 2016 - 22:28:14 in Wararka by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Puntland oo Maanta Meel-mariyay Guddiga Doorashooyinka Puntland

    Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta An-sixiyay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee dhawaan ay sida wadajirka ah u soo Magacaabeen Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] iyo Guddoomiyaha Baarlmaanka, Axmed Cali Xaaji.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta An-sixiyay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee dhawaan ay sida wadajirka ah u soo Magacaabeen Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] iyo Guddoomiyaha Baarlmaanka, Axmed Cali Xaaji.
Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa maanta hor-tagay xildhibaanada Puntland oo kal-fhadi aan cdadi ahay uga socdo xarunta ay ku leeyihiin magaalada Garoowe.

Kal-fadhigaan aan Caadiga ahayn oo Guddoomiyaha Baarlmaanaka Puntland Axmed Cali Xaashi uu shir-guddoominayay, ayaa waxaa kasoo qayb-galay 52 xildhibaan oo ka tirsan Wakiilladda Puntland, kuwaasoo ka dhageystay gudiga doorashooyinka Puntland Taariikh-nololeedkooda.

Intaas kaddibna, Waxaa Guddiga Doorashooyinka loo qaaday cod, iyadoo ay 50 xildhibaan kalsoonida siiyeen, halka labada xildhibaan ee kalena ay ka Aamuseen, iyadoo Guddoonka Baarlamaanku uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay Ansax yihiin ayna shaqadooda si rasmi ah u billaabi karaan wixii maanta ka dambeeya.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee Maanta la Ansixiyay, ayaa Waxaa Hor-yaalla shaqooyin ay ka mid yihiin, abuurista hannaanka Axsaabta siyaasadeed ee Puntland, Diiwaan-gelinta shacabka, xaqiijinta xuudadaha ay wadaagan degooomiyinka Puntland iyo halwo kale.

Ugu dambeyntii, Sannadkii 2011-kii ayay ahayd markii sidan oo kale Xubnaha Wakiillada Puntland ay u Meel-mariyeen Guddigii Doorashooyinka oo Sagaal Xubnood ka koobnaa, kuwaasoo ku guul-darreystay Hir-gelinta Hannaanka Axsaabta siyaasadeed ee Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip