Xildhibaan C/rashiid: "Ra'iisal Wasaaraha wuxuu ku xadgudbay xuquuqda dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle"

0
Sunday April 24, 2016 - 22:12:09 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan C/rashiid: "Ra'iisal Wasaaraha wuxuu ku xadgudbay xuquuqda dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle"

    Mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay arrimo badan oo ku saabsan xuquuqda dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isagoona sheegay in arri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay arrimo badan oo ku saabsan xuquuqda dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isagoona sheegay in arrintaasi uu hormuud ka yahay Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid.
Xildhibaan C/rashiid C/llaahi Maxamed oo ah Guddoomiyaha guddiga gaadiidka iyuo Tamarta Golaha shacabka ayaa sheegay heshiiska 3-dii bishaan lagu saxiixay magaalada Garowe uu yahay mid lagu shirqoolayo qaranimada dalka, isla markaana ay kala saxiixdeen Dowladda iyo maamulka Puntland.

Xildibaan_Heshiiskii_Garoowe (2)

"Ra’iisal Wasaaraha wuxuu ku xadgudbay xuquuqda dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid oo sheegay in dadka ku dhaqan goboladaas lagu duudsiiyay xuquuqdooda.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Muqdisho ay kulan gaar ah ku yeesheen mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada sameystay maamulka Khaatumo, isla markaana Xildhibaan C/rashiid uu qeyb ka ahaa, kuwaasi oo iyagu kulankooda ku lafa guray saameynta uu ku yeeshay heshiiskii Dowladda iyo maamulka Puntland ay ku saxiixdeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip