Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia & Wafdi uu horkacayo oo Maanta tagay Beledweyne (Sawiro)

0
Sunday April 24, 2016 - 21:44:11 in Wararka by
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia & Wafdi uu horkacayo oo Maanta tagay Beledweyne (Sawiro)

    Wakiilka Midowga Africa ee Somalia, Francisco Madeira iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan hawlgalka AMISOM, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia, Francisco Madeira iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan hawlgalka AMISOM, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Danjiraha iyo Wafdigiisa, ayaa Kulan saacado qaatay kula yeeshay Xarunta AMISOM ee Beledweyne Qaybaha kala duwan ee Saraakiisha Qaybta ka ah Hawl-galka oo ay ka wada-hadleen guud ahaan xaaladda Amniga ee Gobolka Hiiraan iyo dar-dar-galinta Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ergayga Midowga Afrika, Francisco Madeira ayaa ku Ammaanay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan hormarka Amni ee ay ka sameeyeen deegaannada ku jira gacanta Dowladda Federaalka Somalia, isagoo ku boorriyay inay halkaas ka wadaan Dagaallada ka Dhanka ah Al-shabaab oo Weli Gacanta ku haya Qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM ee ka qayb-galay kulanka, ayaa ka dalbaday Midowga Afrika inay xoojiyaan taageerada la siiyo ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, taasoo u sahli karta Ciidamada inay bal-laariyaan hormarada dhinaca Amniga oo ay sameynayaan.

Danjiraha ayaa dhinaciisa ballan-qaaday in dhammaan Macluumaadyada ay Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha AMISOM soo jeediyeen uu hor-dhigi doono kulamada Dhax-mara Saraakiisha Midowga Afrika iyo Hay'addaha Caalamiga ah.

Ugu danbeyntii, Safarka Danjiraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa, ah, isagoo sheegay in marar kale uu dib ugu soo laaban doono gobolka.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip